kalmaddeydii metelaadda dufcada 23aad ee jaamacadda muqdishu!

Salaan iyo mahadcelin.

Waxaan ahay Sucaad Cariif. Ardayad maanta ka mid noqoneysa bahda qalinjebiyeyaasha jaamacadda muqdisho. 

Waxaan u hadlayaa dhammaan inta ay madaxooda koofiyaddu ku xardhantahay hablo iyo wiilalba.  Waxa aan qireynnaa Hufnaanta iyo Weynida Eebbe ugana mahadcelineynnaa garabgalkiisii. Alxamdulillaah! 

Waxaan mahadsanidiin wadar ah leennahay, waalidiinteenna,  goleyaasha sare, nuwaabta jaamacadda iyo guddoomiyaha guud ee jaamacadda Dr Ibrahim Mursal. Agaasinka howlaha guud, kuwa gaar iyo howlwadeennada jaamacadda. Camiiddada kulyadaha kaladduwan, ee iyana nagula lammaan farxad wadaagga maanta, bareyaashii nasoo jiheeyay ee aan aqoontooda innaga hagran. Ma illaabeyno shaqaalaha guud mid sare iyo mid hoose. Waxa aan leennahay mahadsanidiin, waa kan dedaalkiinnii oo qofaf ah.  

Hooyooyinkeen iyo Aabbayaasheen, mid inoo jooga iyo mid mowtan, Abkow iyo Abooto, Abti iyo Adeer, Eeddo iyo Aayo, Abboowe iyo Abbaayo; mahadsanid cid walba oo garab inoo ahayd safarkeennii, si uunna noo taageertay mar aan u baahneyn. Waxa aad na siiseen kalgacal, taageero, iyo tilmaamo noo suurtageliyay inaan gaarno maalintan qiimaha badan. Garbgalkiinnii iyo ka go’anaanshaheennu waxa uu na gaaarsiiyay in aan maanta hoolkan fadhinno innaga oo ay koofiyaddu inoo surantahay. 

Waxa aan meerinayaa erayo aan uga golleeyahay soo dhoweyn dalbashada ku biirista bahda alumnaayga jaamacadda iyo macsalaameynta inta ay wali daraasaddu u dhimantahay ee iyana waddadeenna soo haaya.

Class of 2023, badigeen ma aynaan kulmin waxa se na kulmiyay in aan bahwadaag ahayn, halganka iyo dedaalkana aan u sinneyn. Ma ay fududeyn in aan afar ama lix sano dhiirranaanno, oo waa dhab in aan mar daciifnay, dedaalkeennuna yaraaday. Waa dhab in farxaddan wajiyadeenna ka muuqata ay ka horreysay dhabanno ay dhowrjeer illini ku taagantay. Gacmo dhowrjeer dhafoorrada ku dhakoobsaday. Maskax iyo jir dhowrjeer daal daraaddii gataatidhacay, bal e jiifkii qaban waaayay. Waxa ka horreysay laab iyo niyad marar badan ka shakiyay awooddeeda sii wadidda daraasad dhigashada. Se maanta gunaanadkii ayeynu taagannahay mahad EEBBE. Aan isu hanbalyeyno, dedaalkii iyo saaxiibtinnimadii na isaga mahadcelinno, Jacayl iyo walaalnimana ku kala tagno. Haddii ay dunidu beri na kulmiso aan isu weheshanno in aan sannado waxbarasho soo wadaagnay innaga oo aynaan is aqoon.

Qalinjabintu maaha oo kaliya dhamaystirka guulaha waxbarasho, bal e waa albaab laga galo bilow cusub. Dhamaaystirka herr walbana uu noo dhiibayo duni aynaan saadaari karin suurtagalnimadeeda. Anaga ayay nagu xiran tahay in aan ka faa’ideysano fursadahaas oo aan qaabeyno aayaheenna iyo keenna bulsho. Si wal oo aynu u dhaqaaqeynno, yeynan iloobin qiyamka halkan ina keenay, yeynaqn hakin raadinta aqoonta, raadinta heer sare, iyo rabitaanka in saameyn togan looga tago nolosha kuwa danbe. 

Aynu xasuusanno in guushu aanay ahayn mid lagu cabbiro guulo dibadeed ama hanti maadi ah oo keliya. Bal e ay tahay qiyam iyo akhlaaq suubban oo ku lammaaan aqoonteenna. Marka aynu ku dadaalno guul shakhsi iyo mid xirfadeed, yeynan marnaba lumin aragtida dadnimadeena iyo muhiimadda ay leedahay isu damqashada, naxariista, iyo dhaqanka kiisa suubban.  Waa mas’uuliyaddayada inaan ka faa’iidaysano aqoonta iyo xirfadaha aan helnay si aan wax uga bedelno geeeridhaanta nololeed ee ay bulshadeennu ku sugantahay. 

Haddii aynu barannay xirfadaha caafimaadka, injineernimada, ganacsiga, waxbarashada, ama wax kasta oo kale, aynu ku dadaalno inaan noqono kuwa u horseeda nol8shooda iyo bulshadooda isbeddel togan. Aan noqono hal-abuurayaal xaliya mashaakilaadka dabarka ku ah nolosheenna, aynu noqonno kuwo u dooda una dirnaada maslaxada guud, caddaaladda iyo saamihelka. Aynu ahaanno adeegayaal bulsho.

Ninba safarka meel ayaa uu ka soo billaabay, sabab Gaar ahna waa uu usoo billaabay. Mid walba oo inanga mid ah uu leeyahay sheeko u gaar ah, caqabado gaar u ah oo uu mutay, ujeeddooyin iyo guulo uu hiigsanayo xamaasaddeennuna ay macno kala duwan leedahay. Qaarkeen ayaa goballo iyo degaanno fog uga soo hayaamay ka dhabeynta himmadooda, ka mid noqoshada bahda jaamacaddana ay xulasho u ahayd. Innagama mid aha mid intii ugu yareyd afar sano ujeed la’aan class usoo xaadirayay, oo hadba waxa jirtay yool uu qofwalba hiigsanayay, maantana uu gaaristiisa la xaraaradoonayo. Sideedana In qofi iska noolaadu waa ay fududdahay, in uu ujeeddo u noolaado ayaa se ah hawl culus, waxa kasii culus in uu ujeeddo aan naftiisa ahayn u noolaado. 

Waxa aan kusoo gunaanadayaa hanbalyeyn, hanbalyeyn mugweyn, nafteyda ayaan ka billaabayaa, aniga oo dedaalka mid wal oo inanga mid ah qiraya ayaana hanbalyeynayaa. Billoowgii ayaan taagannahay, dunida iyo dadkeennuna waa ay innaga wardhowrayaan, aan sii heynno dhabbaha xirsiga Eebbe na guntanno. Mahadsanidiin. 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights