ISQURGOYN: Sidee Buu Qof Muslin Ahi Isku Dili Karaa?

Shalay, 10ka Seteenbar, waxa ay ku beegnayd maalin la xuso ka hortagga isdilka/isqurgoynta. dhexdeenna, baraarug weyn ma jirin, hilmaam iyo danayn la’aanna ma ahayn sababtu e mowduucaas iyo kuwa la xiriira xanuunnada maanka oo dhami waa xaaraan in si koryeer ah bulshadeennu uga hadasho, hase ahaatee, aan ku dhiirrado..

Si guud, bulshadeennu qofka ay xaaladi la soo deristo, ama ay dareemaan in aanay waayihiisu fadhin waxa ay ku sumadeeyaan in uu yahay qof Ilaahay u carooday, inkaarqabe ah, oo ciqaab adduun la marsiinayo. Summadeyntaasi, marnaba sal malaha. Xanuunnada maanku ma aha calaamad muujinaysa iimaanyari ama in qofku habaaranyahay, sida ay dad badan u aaminsan yihiin. Waa xaalado ka dhasha isudheelitirnaan la’aanta kimikada maskaxda (neurotransmitters), dhaawacyo nafsaani ah oo dabadheeraaday, iyo culaysyo nololeed oo ka badan awoodda xamilaada qofka.

Adduunyada iyo umuuraheedu, sida Ilaahay u yiri, waa meel muslinka lagu imtixaano, noocyo badn oo dhib iyo dheef ahna lagu tijaabiyo, wax wal oo uu maro se uu ajarkeeda leeyahay. Sidaas baa dadka qaarkii loogu imtixaanay cudurro jireed oo uu qofku ku qasbanyahay in uu la noolaado. Si taa la mid ah baa, muslinka, loogu imtixaanay in ay haleelaan xanuunno maskaxeed, oo khalkhal geliya habfekerka, habdhiska dareeneed, iyo maareynta nolosha maalinllaha ah.

Nasiibdarro, bulshadeenna waxa ay xanuunnada jireed u raadsadaan dawo iyo daryeel, qofka xanuun haleelana waa ay u duceeyaan, qofkase uu xanuun maanka ka haleelo waa ay takooraan oo ay ceebeeyaan. Qof baa sidan yiri, oo aaminsan ‘Yaahuu, qof Muslim illhay aaminsan waxaa kuma dhaqaaqo.’ oo ka dhigan sidee baa qof maankiisu u xanuunsan karaa, oo u rejo dhigi karaa, oo uu ugu fekeri karaa in uu isdilo!

Dabcan, waa danbi in qofi naftiisa waxyeelleeyo, hase ahaatee in fasirka aayaadkaas lagu soo koobo keliya ‘ciqaab iyo eedayn’ ayaa ah danbi kale oo ay bulshadu ka geleyso qofka xanuunsanaya. Aayaadkaasi ma wada aha gooddis e waa baaq uu Ilaahay adoomadiisa ku tusinayo naxariistiisa, uguna yeerayo in ay Isaga kaliya magangalaan, xaaladaha culus la kaashadaan, markalena, ay ku baraarugaan in ay naftooda daryeelaan oo ay caafimaadka jirka iyo maankaba ka fekeraan. Dhan kale, aayadaahasi, haddiiba ay digniin yihiin waa digniin bulshada oo dhan ku socota oo la leeyahay: Ha diliina nafta, ha ku dilina eedayn, ha ku dilina takoor, ha ku dilina aamusnaan!

‘Sidee buu qof muslin ahi isku dili karaa?’ Waxa aad kaliya u baahantahay in aad jawaab u hesho; sidee baa qof muslin ahi wadno-xanuun ugu dhiman karaa! Yacnii, fahanku ma adka; sida uu beerku ama wadnuhu u xanuunsado, ayaa maskaxduna u xanuunsan kartaa, oo ay u baahan tahay daryeel caafimaad, dawo, iyo la-talin xirfadeed. Sida ay qofka muslinka ah ugu dhici karaan xanuunnada sokorta ama dhiigkarku, iyadoo aanay ka dhignayn in qofkaa Ilaahay u carooday, ayaa xanuunada maankuna ugu dhici karaan.

Sida ay bakteeriyadu jirka tartiibtartiib ugu curyaamiso una sababto xanuunno daran oo keena in ugu danbaynta qofku u dhinto; ayaa xanuunnada maskaxeedna si taa la mid ah u burburiyaan habdhiska neerfaha iyo miyirka qofka, iyagoo ugu danbeyntiina keeni kara in qofku nolosha ka dhaco, ama uu isdilo. Sidaas darteed, sax ma aha in marka qofku beerka ka xanuunsado dhakhtar loola ordo, dhanka kale se, marka uu qofka khalkhal uga dhaco habdhiska maskaxeed ama ay qofka ragaadiyaan dhaawacyo nafsaani ah lagu summadeeyo qof Alle u carooday oo ciqaab adduunyo maraya.

Marka la eego warbixinnada cabbira farxadda iyo nolosha xasilloon, dalalka ugu farxadda badan ama ugu stress-ka yar badi waa dalalka reer galbeedka. Dhanka kale, heerka stress-ka iyo dadka la dhibban xanuunnada maanka ee dalalka Islaamku waa tirabbeel. Sabab? Kama dhigna in ay noloshu si walba ugu hagaagsantahay, oo aanay wajihin xaalado adag, se waa in ay heli ogyihiin daryeelka dhabta ah ee ah fahanka, kaddibna ay heli karaan xarumo ay isku dabiibaan. Beddelka, badi bulshooyinka muslinka marka ay xanuunnada maanku ku dhacaan ma helaan daryeel ku filan ama gebi ahaanba ma helaan. Yacnii, habdhaqanka bulshooyinka muslinka ah ee takoorka iyo eedayntu waa deyrka ugu weyn ee hortaagan in ay dadku raadsadaan daryeel caafimaad, maadaama ay ka baqayaan in loo arko dad iimaan yar.

Bulshadeenna, waxaa tixgelin mudan xaaladaha uu maanta qofka dhallinyarada ahi ku noolyahay ee si walba u culeysiinaya. Dhaqaale xumada, hubanti-la’aanta mustaqbalka dalka, burburka xiriirrada, murannada qoyska, iyo si guud duruufaha degaanka jira waxa ay qofka dhallinyarada ah gayeysiinayaan in uu u nuglaado khatar kasta. Nuglaantaasina marka ay gaarto heerkii ugu sarreeyay, qofkuna waayo garab iyo taakuleyn dhab ah, waxay horseedi kartaa in ay maankiisa ku soo dhacaan fekerro halis u keeni kara noloshiisa.

Xanuunnada maskaxeed, waxa ay qofka ka qaadaan awoodda xakamaynta, taasoo ka dhigan in qofku xakamayn waayo dareennadiisa iyo habfekerkiisa, lana tacaali waayo nololmaalmeedka caadiga, sidoo kale, waxa ay gabi ahaanba damiyaan damiirkii iyo dareenkii uu qofku ku rajayn lahaa nolol dhaanta ta uu markaa ku suganyahay, taasoo gaarsiisa go’aan ay isaga la tahay in uu ku nasanayo, oo uu dunidaba isdhaafiyo.

Khatarta ugu xun ee ka dhalata marka xanuunnada maanka la iska indhatiro waa in ay qofka gaarsiiyaan heerka ugu danbeeya ee rajabeelka iyo quusta, oo ah isqurgoyn! Isqurgoyntu ma aha xaalad lala yaabo! Waa ay dhici kartaa, in ka badan inta aan qiyaasayno! Dabcan, kuma dhacdo hal habeen ama hal maalin. Waxa ay martaa heerar isxigxiga. Rajeynta geerida; ‘fiicanaan lahaydaa in daqiiqadaha soo aaddan wadnuhu i istaago.’ Waa mar ay qofka maskaxdiisu si joogto ah uga soo direyso farriimo quus ah. Markan, waa heerka ugu habboon ee lagu badbaadin karo qofka haddii uu helo garabistaag, danayn iyo jihayn togan. Heerarka ku xiga waa iskuday, iyo ficilka ugu danbeeya ee uu qofku ku naf waayayo.

U fiirso e, ma aha in qofka isdilay uu ahaa qof xun oo aan iimaan lahayn, waa suure in uu salaaddiii jimco ee u danbeysay kula dukaday. Waa suure in aad shirkii ugu danbeeyay wadajoogteen. Waa suure, in ay guriga sidii caadiga ahayd uga adeegaysay. yacnii, qof markii ugu danbaysay sheekaynayay oo qoslayay!

Marka la soo gunaanado, qofka isqurgooyay waxa uu la mid yahay, sida qof ay kelyuhu fadhiisteen, oo awoodi waayay in uu dawo raadsado, dadkii u dhowaana aanay u gurman sidaasna ku geeriyooday. Waxba kuma kala duwana! Waayoo, qokaniba waa qof xamili waayay culaysyada haya, awoodi waayay in uu farriimaha maskaxdu usoo dirayso furfuro oo maareeyo, yacnii, qof samirkii ka dhmmaaday oo quustay, quus dabadeedna rajeeyay in geeridu dhaanto sii noolaanshaha. Waa intaa!

Haddaba maxaa dhacaya marka ay bulshadu qofka xaalado la daalaadhacaya sii ceebeyso, eedayso, ama ayba u gurman waydo! Si fudud; qofaf baa doorbidaya in ay iilka u hoydaan, intii ay xamili lahaayeen fahandarrada dadkii ay filayeen in ay u gurmadaan. Sidaas darteed; waa waajib bulsho, mid muslinnimo iyo mid bini’aadannimo in aan korinno fahankeenna xannuunnada maanka, ka hadalno firaaqa jira, yeelanno damiir aan ku tixgelinno xaaladda uu qof kale ku sugnaan karo iyo sida ay erayadeenna iyo aaminaadeennu qof u galaafan karaan. Dhanka kale, in aan kordhinno taageerada iyo daryeelka ay heli karaan qof wal oo xaalad nafsaani ah wajahaya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights