MAHADSANID ABBAAYO

Duni hammi iyo isriixriix ah, duni uu qofwalba u harjadayo gaarista guulo iyo yoolal gaar ah, duni uu qofwalba sugayo in waayuhu u marag kaco si uunna oogu mahadceliyo. Mahadcelintu, waa door ka maqan shakhsiyaad badan se ay waxbadani ku seegganyihiin, in aad mahadnaqdo Eebahaana horreysiiso, addoonkiisana xejiso waa saxnaanta dunidan. Sadarradan waxa aan rabaa in aan mudnaantooda siiiyo nafhurayaasha gacalladeen ah, gacallada si wal inoogu nafhuray marwalbana u diran hufidda nolosheenna. Innagoo qirsan hagar li’ida ay nafaheenna u maamuusayaan waxa aan rabaa in aan dhigaaliyo keyd dib looga baarto qiimaha haweenka, haween oo dhan maaha e Abbaayooyinka noloshoodii dibdhigay, una howlan toosinta teenna. Abbaayooyinka korriinshaheennii iyo weynaanteennaba si wal inoo garabgalay.

Kalsooniddoodu niyad-jab maleh, dhiirranaantoodu dabar maleh, si walbana awooddooda kama shakiyaan. Isma luraan oo culeysba kuma aha howshu, haddana iin iyo habsaan maleh. Waa ay xafidsanyihiin maalin-noolkooda oo ay khubarro ku yihiin sida ay maalin walba u ekaan doonto. Isdhul-dhiggoodu waa cajiib, nafhurkooduna la mid, waxay si bareer iyo go’an ah dhinac iskaga dhigaan rabitaankooda iyo hammigooda shakhsi ahaaneed, iyaga oo hormarinaya baahida qoyska iyo walaalaha. Naf-huriddoodu malaha xuduud, waxa ay si walba u huraan waqtigooda, xooggooda, iyo hamigooda. Lagama helo dunida ruux sidaa ugu adeega ruux kale ilaa waa Abbaayo nafhurtay. Mahadsanid Abbaayo.

Ruux waliba oo qoyska ahi wuu kallahaa si ay nololmaalmeedda u meeleeyaan, qaar waxbarasho iyo dugsiyo ayey aadaan, qaar shaqo iyo qorshe u gaar ah ayey u kacaan,  se ayadu waxa ay u kacdaa si ay iyaga waabarigooda u qurxiso, jirkoodana u nafaqeyso. Waxa ay u kacdaa agaasinka iyo hagaajinta guriga. Cidina kulama baratami kaarto dorkooda iskuheynta reerka, waayo waa ayada ruuxa lagu soo hirto ee qof wal oo carruurta ama qoyska ka mid ah uu ula yimaado arrinkiisa. Waa ayada cidda mudan mahadsanid.

Koonayaasha guriga marwal waxa ay nagu salaantaa farxad iyo dhoolcaddeyn, iyada oo aan inoo muujin daalkeeda bal e ay dhammaan howlihii guriga dhammeystirtay. Waxa ay xashay weelashii, oo ay cunno inoo diyaarisay, waxa ay saxar-tirtay sariiraheennii oo ay carfisay, cajaaibta e waxa ay sidoodii u meeleysay alaabaheennii oo ay inoo dhowrtay gaaraheennii. Waxa ay haqabtirtay baahiyihii guriga, iyada oo waxwal oo bannaanka looga baahnaa guri keentay. Waxa cajiib ah in ay weli diyaar usii tahay in ay na cunto siiso, hubsatana in dhammaantayo aynu dheregnay. Waa hooyo, hooyo ay hooyo na wada dhashay! Waxa sii cajiib leh, in ay midkeenba ugu adeegtay sidii uu jeclaa, bal e ay naga xanaf-tirtay eray wal oo aynu dareen ahaan dhibsan lahayn. Mahadsanid Abbaayo. Bal e si gaar ahaaneed Abbaayadey Naciima, waa ayada ruuxa aan waxwal o guul ii hoyda u hibeynayo. Waa ayada cidda ay farxad gelineyso guusheydu, waana ayada ruuxa aa dib u eegayo aniga oo ka filanayo dhiirrin iyo bogaadin. Waa ayada qofka iga mudan mahadcelin sida ay ugu nafhurtay reerkeenna, door walbana u buuxisay. Mahadsanid Abbaayo, ima aad dareensiin walaac aan howlo guri uga fekero.

Waxay mudan yihiin in aan si weyn u qaddarinno oo aan uga mahadcelinno jacaylka, daryeelka, iyo xasilloonida ay nolosheena siinayaan. Aan u qirno hawlkarnimadooda, qofnimadooda iyo ruuxdooda ka dahiran nacaybka iyo lug-gooyada. Aynu ku salaanno jacayl iyo weji furnaan, oo ogaanno baahiyahooda iyo waqtiyaadooda nugeylka, howlaha ku culusna ka fudeydinno. Aan si walba ugu muujinno jacayl ka weyn midka ay na siiyaan oo aan u mahadcelinno Abbaayooyinkeen.

3 thoughts on “MAHADSANID ABBAAYO”

  1. waa kalmado qeexayo (KULIYA) mashallah, sis. Suad Arif, maalmo, iyo sanado badan oo aad u wanagsan kalana mudnaan iyo magacyo gooni ah wata ayaan kuu rajeynayaa oo kuu gaara, watana isbdelo taban oo sameyn xoogan kuleh deegankaga, dadkaga, diintada iyo dalkaga guud ahaan, waana hubaa inaad dhamaan intas ku suntan tahay.

    Abdurrrahman Aweis
    Walalkaa kaa yar

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *