Babbo, babbo Calanyahow!

Waxaad tahay gabal maro ah, laakiin wax badan ayaad calaamadsanaysaa…..

Sanad waliba 26-ka June iyo 1-da luulyo, Soomaaliya iyo dadkeeduba waxa ay ku xadreeyaan dareen waddaniyadeed, iyada oo guud ahaan ummaddu ay u dabbaal degto maalmaha xoriyada, iyo maalinta midnimada labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Dabbaaldeggani waxa la xusaa maalmihii taariikhiga ahaa ee lagu dhawaaqay xorriyad helka iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed 1960-kii, taas oo dalku ka xoroobay gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga. 

Inkastoo, muddo kaddibba lakala yaacay midnimadiina luntay haddana, wixii xorriyad helkaa ka dambeeyay usbuucan waxa uu noqday maalmo ay Soomaalidu ka fiirsadaan hidahooda, farxad ku heesaan, xorriyaddoodana xurmeeyaan, una dabbaaldegaan.

Dabcan wali ma joogno meel aan ugu danbeyn ku ciidno nabad iyo horumar, balse ahaanshaha qaran madax bannaan, xor ah, dowlad leh, nidaam federal ah ku shaqeeya, isjaceylka shacabka iyo jeclaanta midnimada ayaa ah bar aynu hore uga sii dhaqaaqi karno, horumarka dalkeennana aan Ku qaabeyn karno. Rejaa nool weli.

Cawaale, calankaan la hadlaayaaa e; Sarreeyoow calenkeygoow, summaddii waddankeygoow, calankii soomaaliyeed ee aan jecleenoow, intaan eeganayo babbashadaada waa aan hiyikacayaa oo aan dareemayaa han iyo bogaadin sare. Marmar waan kaa quustaa, kuwa ku matala ayaa ikaa nacsiiya, darnaanta xaaladaha iyo diifta shacabka ayaa I quusiya, se waan Kari waayay in aan kaa quusto.

Waxaad tahay gabal maro ah, laakiin wax badan ayaad calaamadsanaysaa. Maanta oo ku beegan maalinta xorriyadda ummad aad adigu Calan u tahay – Soomaaliya, waxaan rabaa in aan kuu run warramo, haddii aan qiiroodo kaliya waa jeclaan aan kuu qabo, haddii aan ku canaanto waa rejo iiga kaa jirta, haddii aan ku amaano waa runnimadaada. 

Cawaaloow waxaad soo marqaati kacday halgankii iyo guulihii uu qarankeenu soo galay. Macnaha Astaantaada iyo midabkaaga cirka buluuga u eg xiddigga cadna dhexda ku leh waa calaamad qoto dheer oo si aan gabbad ku jirin u tilmaameysa Shantii Soomaaliyeed – Soomaaliweyn.

Waxa aad babbaneysay gooro aan hoostaada dhiig Ku daadineynnay, adiguse aad bir joogdheer ka lulmaneysay adiga oo dunida tusayay in ummadi ku hoos harsato. Waqtiyadii adkaa ee isdooxa, nacaybka, dagaalladii sokeeye iyo caqabadihii jiray oo dhanba waxa aad ahayd iftiin rajo noo tilmaama, oo ina xusuusiya midnimadeenna, heybta aan nahay iyo adkaysiga qarannimo. 

Cawaale, yes, waan ogahay waxa aad leedahay cadow badan, waxaa jira duulal jiritaankaaga iyo taariikhdaada dafirsan, duulal dhulkaaga iyo xeebahaaga raba, duulal kuu dhow iyo kuwo kaa dheer ba, hase-ahaatee waxa aad ka dhigantahay riyooyinka iyo rabitaanka malaayiinta shacabka Soomaaliyeed, kuwa haddeer iyo faca danbe ba. Waxaa kugu dhigan miisaanka taariikhdeenna, hiddaheenna, iyo jiritaankeenna. Adigaas cir caad la’ u eg ee dhexda xiddigga cad ku leh waxa aad ka dhigantahay ruuxda ummaddeena, waxa aad ina xasuusinaysaa qiyamkeenna iyo jiritaanka aan wadaago, waxa aad xoojineysaa adkeysigeenna iyo dulbadnideenna. Babbo Cawaale, babbo.

Yes Cawaale, waan ogahay inaad Ku sheeggantahay duniduna kuu taqaan tuke canbaareysan, kaliyana ay dhegeysteen hal dhinac sheekadaada. Sida ay Afrikaba uga wariyaan hal dhinac oo ay tilmaamaan in Afrikaba hal waddan tahay, Farqi iyo Cudurro daashadeen, goob ba’aday iyo geeridhaan nololeed na ay tahay, waan ogahay in sidaas oo kale ay kaa tebiyeen hal sheeko oo ah in Soomaaliya tahay meesha ugu khatarta badan iyo halka ugu xun ee lagu noolaado. Waan ogahay in dadkaaga qaarkii, kuwa ku hoos harsada sheekadaa aammineen. Se waxa aan diyaar u ahay inaan soo bandhigo sheekooyinkaaga iyo in aad leedahay in Ka badan hal sheeko. Halkaa iyo halkeer ba waxa aan ka sheegi doonaa sheekadaada. Waa ballan Cawaale.

Waxa aan kuu ballanqaadayaa Calanyahow in aan kuu daacad noqon doono, oo aanan qabkaaga wiiqi doonin, in aan ku sheegan doono, dunidana kuugu faani doono. Intaas maaha e, waxa aan sidoo kale kaa ballan qaadayaa inaan noqon doono muwaadin mas’uul ah, Canshuur bixiye ilaaliya mabaadi’da aad matasho. Codeeye midka ugu mudan ee adiga iyo dadkaagaba u roon doorta. 

Cawaale, waxa aan ballan qaadayaa in aan ka qeyb qaadan doono horumarka dadka aad matasho. Carruurtaada waxbariddoodu waa ii horfulin, Dhallinyaradaada iyo Haweenkaagu waa qorshaha labaad, raadinta iyo u doodidda caddaaladda iyo nabaddu waa howl aan isku diray, kobcinta dhaqaalaha, qiimigaaga lacageed, iyo dowlad dhiskaaguba maanka ayey iigu qoranyihiin.  

Haddii aan arko astaantaada duni wada calamo ah waan ku salaami doonaa, oo aan kuu istaagi doonaa, waa ballan.

Laakin, Cawaaloow adna ii balanqaad in aanan daraaddaa hooseysiin mudan doonin. Si hufan ayaan kuugu adeegi doonaa e, adna iigu dhaami sidaas oo kale. Isii aan Ku siiyo e!.

Maanta iyo waligeenba, waxaan kaa codsanayaa Cawaaloow inaad sii ahaato astaanta midnimada iyo nabadda. Quruxdaada iyo qiimigaaga, astaantaada muujineysa Awoodda iyo geesinnimada, midnimada iyo ummadnimada, Soomaalinnimada iyo qabka, waddaniyadda, midabbadaadu ha a ahaadeen is-oggolaanta iyo wadanoolaanshaha ummada Soomaaliyeed oo isku duuban, colaadaha iyo xintana ka caaggan. 

Si sharaf leh u lulo, oo  u gacan haati, kuna dhiirri dadkaaga inay midoobaan, si ay uga gudbaan dhibka, Una dhistaan mustaqbal wanaagsan.

Lulo, lulo Calanyahow lulo, midabbadaadu ha muujiyeen adkaysiga iyo kartida ummadda Soomaaliyeed. Daraaddaa Calanyahow hirarku xudduudaha ha goosheen, socdaallada dhul iyo cirna ha ruqaansadeen, oo ha keeneen heshiisyo waxtara iyo is faham quruumaha dunida ah. Dadkaagu ha garowsadeen dantooda iyo dowladnimada, tartanka ummadeed ee jirana haku baraarugeen.

Babbo, si weyn u babbo, babbo oo I matal.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights