MOOGGANAANTEENNA!

Tobaneeyo ama labaataneeyo sano. Dheerba e, sana ama laba sano kahor wax laga ajoon jiray kama’ mooyee aan loo qasdi jirin, qofkii sameeyana habaar iyo hoog lagu ogaan jiray, kuddar oo ayadoo waxyaalahaasi yihiin wax uu ALLE WEYNE ba ugu gooddiyay in ciddii sameysa ay ciqaab Adduun iyo mid Aakhiraba leedahay, kuddar iyada oo xumaanta shaacsan ay ka danbi badantahay tan qofafka ku eg ayaa hadda iyo hadhowba caadi dhexdeenna ka ah.  Waxaan nahay ummad dhanwalba weerar uga socdo, haddana maahsan. Ummad lagu maqanyahay baabi’inta qiyamkeeda, iyaduse ku maqan walaahis iyo wax isiiya. Ummad kan ka warsheegaa uu waxwal oo ceeb ah ama dhexdeeda ka reebban aanu ka xishoon.


Book master thesis ahaan arday u diyaariyay ayaan mardhoweyd kula yaabay qoraal uu rabay inuu ku muujiyo haweenka iyo sida soomaalidu u aragto suuyiri war nuxurkiisu ahaa “soomaalidu horraan gabdhaha maaney xaqsiin, se mar ayey dowladdii soomaaliyeed xoogaa xuquuq ah u gaaryeeshay, halkaas mar ayeyna soomaalidu gabar xushmeysay”, dhugo e xaqsiinta uu sheegayo waa tii M.S.barre ee uu yiri in gabadha iyo wiilku arrimmaha dhaxalka u simmanyihiin. Dabcan hadduu doondooni lahaa wax ku lifaaqan diinta iyo dhaqanka suubban ee soomaalida wuu u heli lahaa tixraacyo tirabbeel ah, se kuwa uu wax u tebinayo ayuu rabaa inuu iska gadgado oo in uu ceeb u yeeliddda darajo ku helayo ayey latahay. Dhanka kale e inaan cidna iska celin doonin oo kuwa uu wax ka qorayo ey gab yihiin ayuu ogyahay. Marka wuxuu rabo ayuu iska xarxarriiqanayaa.

Waxaas iyo kadaran ayey nagu sheegaan, inta badanna hay’adaha sheegta local NGOs ka ayaa ku bariiseeya oo mashruucii Joorji Sebastian iyo I.Hawd, tabta uu u xaalwarrammayo ayay kuwo badani mashaariic halkaan uga fushadaan iyaga oo waxwal oo ceeb ahaa naga gudbinaya waxwal oo dhaqan iyo gobannimo ummadeed ceebeynayana dhiirrigelinaya. 
Si walbaa ayaa magac iyo muunad wixii aad lahayd dhulka, dhulkaba ka hoos la geeyay, haddaad jirto iyo haddaanad jirinba waa lagaa warrammmay, sideedana nin aan warrammin waa laga warrammaa ee looma warrammo(wax lama weydiiyo). Ayadoo kuwa hay’adaha gargaar sheegta kowgiiba ahaayeen mashruucyo ujeeddooyin kalajaad ah kalahaa bulshadaan iska dandarreysan, oo aaney gaaleysiin iyo gaajeysiin ukala reebeyn, ayaan haddana dhawr sano iyo sanooyinba cidi yac iska dhaheyn, oo waliba kuwo magaca nala sheegtaa horjooge u yihiin. 

Waxaan ku mashxaradnaa xilliyada aanu la xamaasadooneyno xorriyad helkii lixdameeyada ama marwal oo aan runta isdiidsiineyno heeso iyo geeraarro aynu isugu laabqaboojinno innagoo waliba dhexdeenna isku muujinna in aan nahay sankuneeflaha ugu sarreeya dunida. Ama aaney jirin cid naga fiicani.

Waxaana la dhibbannahay abaaro roob badni iyo roob yari naga asiiba, waynu filannaa xilliga ay kusoo beegmayaan balse qaando In la eg oo dedaal ah kahortag ahaan uma sameyno. Weynu filannaa in haddii g’u baaqdo sanadka soo socda aynaan biyo heli doonin oo la wada ruqi doono dad iyo duunyo, se sanadkaan oo biyaha iyo xareeddu meel walba hiqleynayso cid dan ka geleysa naguma jirto dad iyo dowlaba. Ma jiraan ceelal iyo iyo ilabiyood kale oo aynu kusii tashan karno si aan u noolaanno berri oo aynu nafaheenna iyo duunyadeenna kaleba uga waraab heli karno, tan ugu daran e waxaan ognahay in aynu ku dagaali doonno oo biya li’ida dhiig daadini noo xigi doonto, haddana waxaan sugnaa in bal horto roobku baaqdo waa kaddib iyo intey naftu nasii gaarsiiso e. Beeraheennu waa kaliya sanadkan iyo waxaa yar ee ka soo go’ay! Mana aha in dhulbeereedkeennu xunyahay e waa abuur xumadeenna. Se ha iska xumaado abuurku boorash tuman oo aan shiidid inooga baahneyn ayaanu ku sugi doonnaa kaamamka iyo meelaha lagu qeybiyo e. Waa kaas qorshaheennu. Daadad iyo fatahaado ayaa sannado is xigxiga saameeya nolosha kummanaan qoys, qoysaskaasi ma mooga saameynta soo gaari doonta balse waa ay sugayaan oo waliba deegaamoobayaan ilaa ay gaaraan habeen bar ay iyaga iyo alaabtoodu biyaha isla dulsabbeeyaan. Labadaas kii noolaanayana waa uun hadba intuu sabbeyn karo. Waxaas oo dhanba e waxaan wali ka dhammaan la’anahay ku sheegnaanta ‘dagaal sokeeye’ intii ayey noo raacday siyaasad xumo iyo ismaamul xumo. Aan dhahno nooma raacin e meesha la naga raacay ayaaba siyaasad xumadaa iyo ismaamul xumadaas ah!

Marka aynu waxaas oo qarbudaad iyo israamsi ah galno ayaanu gadaaleey ka dhahnaa ‘waxaani waa qaddar iyo Allaa I noo qoray’  dadka sidaas ah ee sidaas u nool ayaan nahay. Qiyamka bulsheed sidaas ayuu u daadraacaa, oo haddaan lagu baraarugin oon la isdabaqaban, iswaayga iyo maanhabaawgu usii waayojirsadaa, jeer ummaddaasi noqoto ummad xoolaha la mid ah, yacnii iskasoofta iskana soo hoyaadda, dhaqan iyo diinna ka haajirta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *