Sidaas ayey ku dhasheen, qorshe la’aan iyo qiyaas la’aan, ku dar oo nikaax la’aan ay rag iyo dumar badani isku qaawiyeen ayey ka sammeysmeen oo sidaas ay u sammeymeen ayey sagaal bilood iyo suggeed uur haween u soo jiifeen. Billowgoodii, labo aaney mid walbaa ka ahayn ubad helid iyo doonis caruureed ayey wax isku darsigoodii ahaayeen. Waa iska dhal oo dunida ha yimaadeen, waxii ay dafaanna ha quuteen!. Maxaa iga galay mar haddaan anigu Dan gutay dareennadeydiina tartiib u qaboojistay! Xabbana! Ha dhasheen maahee tarabtarab ha u dhasheen. Koriinshahooda sowmaaha!, sidey doonaan amay ka badin waayaan, si kale e
waayuhu u go’aamiyo ha u koreen. Kaalin gelid iyo barbaarin sowmaaha!, waligood yaaney waxba iyo xabba dheefsan. Sidaa ay u dhasheen ee caadiga ah ha u koreen, sidaas caadiga ah haku ceesh heleen, Ayagoo caadi ah na ha galbadeen oo guri adduun ha ka carraabeen, haddey rabaanna haka guureeyeen, intaasoo dhanba xabba
igama gelin e xitaa haka kalleheen waahiir habeenkiisii ay nabad hoydeen!. Yeelkadood. Anigu waan dareen gutay!.
Subax aanu waagu si fiican indhaha usoo kala bixin, oo aanu bariidin dhuleed dhuloow salaama oran, ayey SALMA kasoo baxday iridkii gurigooda. Salma waxa ay subaxaan u jeeddaa in ey soo adeegato khudraddii saaka
lagu quraacan lahaa, waxa kasbay in ey aroor hore kallahdana waa in martiyi guriga ujoogto, oo ay canjeeradii ay dubtay usoo doontay DALLAC ay ku dhanaaneystaan martidu. Martidu waa marti culus! Dheel-dheel maaha. Xabiibkeeda hooyadii, ayada hooyadeed si kale e soddohdeed yaa shalay u soo jimceysatay, xalayna bariday, saakana reerka la quraacan doonta. Oo marka ay quraacdaan ayey iyada iyo wiilkeeda, salma xaajigeedu meel isku raaci doonaan. Marka waa qasab in aroor hore wax walba oo la cuni lahaa la diyaariyo.
Sidaas ayey salma usoo socdaashay. Miiska hilibka iyo khudradda lagu iibiyaa wey ka yara durugsanyihiin xaafadda, oo ilaa seddex
looto ayaa ka gadaal luuqyo kale lasii abbaarayaa. Mar ay lootadii labaad mareyso, reedda jidkana ay ku socoto
oo aaney dhabbiga dhex socon ayey geesdheerta guri fillo ah in labo ilaa seddex talaabo ahna u jirta ka aragtay; maryo daadsan iyo jawaan dhulka goglan qeybtiina ay marooyin kale dul yaallaan. Haddiiba ay usoo dhowaatay, maradiina taataabatay waa wax surdhuq-surdhuq leh! CAJABEEY CAJAB!. way sii feyday oo sii hubsatay waxa ku
hoos jira marada. Saa waaba dhallaan yar oo aan dhaqaaqeyn, in uu daqiiqado ama saacad ka hor dhashayna aad ku garan karto maldheertii iyo xabkii uu uurka kala yimid oo sidoodii ugu yaalla.. ‘ACUUDUBILLAAH! yaaah! CUNUG AA! SUBXAANALLAAH! ALLOOW! UMUUR WEYNAA!’ Waa erayadii ay ku dhawaaqeysay Salma oo u qaadan la’ saqiir xilligaan meesha yaalla. Iney cunugga nolol iyo geeri ku hubsato ayaa muhiim keeda koowaad ah, kala ma se saari karto oo ma dhaqaaqayo, in ey neefqaadkiisa dhugatana ku maba soo dhicin oo wey anfariirsan tahay. In uu ‘wacal’ yahay sidaasna la isaga beylihiyay isaga oo aan ifkaba joogin saacado ayey guntatay,
oo cidda dhashay iyo sababtey u xoortayba halkaas jawaab ayay maankeeda kaga daliishatay.
Moobeyl, kuus SH.SOM ah iyo furihii albaabka oo ay awal gacanta ku wadatay ayey faraqa ku hubsatay, marooyinkii dhulka yiilna fatashtay oo mid ka mid ahayd oo aan ayadu wax qoyaan ah lahayn ka jaf-jaftay boorkii iyo saliiqii ay ku dhex jirtay. Kaddibna damacday in ey cunuggii kusoo himliso oo ay dhabteeda saarto, se arrini markiiba kusoo degatay oo intey hal-ka-haleel u fadhi boodday ayey iridkii u dhowaa ee guriga fillada gargaraacday; KUB,KUB!. Intaaney garaacistii joojin, markii seddexaadna ay gacanteedi usii baacineyso
dhankii Albaabka ayey ku hakatay dhawaaqa cod rageed oo leh ‘yaa waaye?’. Durba ‘waa aniga walaal, ee iga fur’ ayey la boodday oo markiiba dhawaaqa sakatuuradii oo la furayo ku jabaq heshay. Alle mahaddii, qofkii iridka furay waxa uu noqday oday da’ dhexaad ah. Talo adduun in uu ka arrimin karo ayaa u muuqatay salma.
Bariidin iyo warkaleba lama sugin e, durbaba in ey xaggaan mareysay oo ay adeeg dooneysay,deriska xaafaddan ay tahay, intana ay kula kulantay arrin ku cusub ayey u sheegtay odaygii. Isna markuu dhegeystay oo uu yara aqoonsaday ayey dhankii ay cunugga ka tilmaamtay isla aadeen. Fiirfiiris iyo taataabasho lagu wada dhammeeyay jirkii yaraa ee dhallaankii dhulyaal ka ahaa kaddib waxa ay xaqiiqsadeen in uu dhintay, se kala
ma ay saari karin in uu bannaanka ku dhintay iyo In uu caloosha ku meyday!.
Intey sidii u warramayaan ayey reerkii guriga kasoo wada bexeen, oo haddana reerihii derisku mid-mid buuqii ugu soo bexeen, oo daqiiqado ayaa meeshii lagu soo wada xoomay. Salma xaajigeeda oo dareemay in ey soo raagtay ayaa soo wacay, oo markiiba waxa ay u sheegtay arrinka ay la kulantay, kana codsatay maadaama uu kalkaaliye caafimaad yahay in uu soo gaaro goobta. Isna ‘haye iyo waa ikan iyo hadda’ ayuu yiri.
Sidaas ayey ku dhashaan kuna dhintaan, kaas wuuba dhintay oo dhib adduunyo isma arag iyo reer la’aan oo durba dad ayuu helay uga ciidamiyay inuu sii bannaan yaallo. Se kuwo ayaa dhasha oo duurkaas eeyuhu ku feentaan, raqdiisana laga garan waayaa noolaha kale ee eeyuhu cunaan, ama lafaha xoolaad ee ay feenasho darteed eeyuhu soo jiitaan. Kuwo ayaa laga soo qaadaa derbiyada iyo goobaha shaqaafulka oo gacan aamin ah iyo ruux ibnuaadam ah u gacan gala, sidaasna labo dhib la’aan dhashay ku hela, se ma badna!. Kiisaska sidaan ahi degmo iyo degaan walbo ayey ka dhacaan, hadddana inta la weriyo ee saldhig ama xarun laga diiwaangeliyo waa tiro yar waliba aad u yar. Fasirka dhacdooyinkaani waa arrin iyo xaalad cakiran runtii!