Dibirtii dalxiiska afgooy-ye.

Maalin aan dheereyn ayaan ku soo qoray WhatsApp status keyga “maalinta ciidda yaan safar afgooye ah iskula rafiiqnaa, ani kooow”.

Saaxiibbo dhowr ah ayaa ii sheegay inay diyaar yihiin oo aan baxeyno. Intaanan billaabin qabanqaabada dalxiiska beeraha afgooye, ayaan is maqalnay Hussein Dhaakul  maalinkii iidda, iina sheegay  war nuxurkiisu ahaa ” sucaadeey berri laba saac iyo afgooye diyaar noqo, oo  Hassan Raage  ayaa na kooxeeyay”. Haye iyo howraarsan ayaan ku kala tagnay oo ku heshiinnay inaan aniguna saaxiibadii kale gaarsiinayo. 

Maanta ayey ahayd ballantuye, saaka nin walba wuu qalab qaatay oo diyaar ayaan wada ahyn. 10 ka subaxnimo ayaan gaari ku ballansaneyn inaan EX-CONTROL-AFGOOYE ka qaadanno sidaasna aan ku tagno afgooye. 

Waan baxnay annagoo is wadanna, yacnii dhammaanteen ah. Waxaan jid dheer sii xiiminno-ba meeshii waan tagnay oo in dhowr ah dhacleysannay, intii sawir la geli karayna qaadannay, kadibna u dhaadhacnay, beer aan hore usii ogayn inaan salaadda duhurna ku tukanno, kuna nasanno, Khudaar na aan isaga sii mac-macaansanno. 

Goor ey labadii duhurnimo tahay ayaan u xeydannay inaan bal iska sii dhex mushaaxno quruxda, doogga iyo neecaawda macaan ee aan nasiibsannay in ayadoo cirkii Roob is xir-xiray, qorraxiina Qarsoomay ku laafyoonno. In cabbaar ah kadib roob billaabay—shabababbababababx— ka okorannay oo dugaal yar ka galnay, markii uu qayoodayna usii dhaadhacnay beerahii kale.  Laba-labo ayaan iskula sii sheeko qabsannay oo waddo sii dheereyd oo beeraha u dhexeysay foolka saarnay, lama dareemin socod iyo in jidkuba nala dheeraaday e waaba sii fogaannay in fog. Mar dambe oo lagu baraarugay ayaan camirannay meel kale oo aan in sawirro ah isaga qaadnay hal-hal iyo laba-labo. 

Waxaan in dheer marba sawir galno ayuu kii roob ahaa jiho afarteeda gaar is helay, bacdeen meel aan ku okoranno ma dhawo e wada qoynay- fushuuq!. Waan is giijinnay oo go’aansannay inaan iska baxno oo aanan sugin intuu qayoonayo roobku, saa waaba dhacdaa inuusan joogsan’e. 

Xaa ka dambeeyay hee! Kkakakkaakk 

Dhiiqadii afgooy-ye roob hakugu helo, adoo dalxiis iyo il-ku-doogsi usoo baxay waa habaar Xun!. Sidii lagu soo gudbay Rag iyo rafaad waa walaalo, ee na mariya ayey noo ahayd, oo lagama sheekeyn karo intii qof ee sal-juglo iyo simbiriraxasho isla heshay. kkkk “Kan dalxiis ma aha ee walba qax aan dhahno” “afgooy-ye dambo la igama maqli doonee yaa gurigeygii I geeya” ” ilaahoow roob kale ha noo celin” “horto afgooy-ye aad ama afweyne raac ma in labaduba kala daran yihiin ayey ku sheeggantahay” ” …….”. Ninba si ayuu ku cataabay. Ku dar oo anigu Kabaheygii iidda waan kaga soo dhex tegay Dhiiqadii. Lol+wabaa. Maadaama, sawir wadajir ah aanan wada gelin horraantii, markii aan soo baxaynay ee nin walba Dhiiqadu dhafoorka uga tiillay ayaan galnay hal sawir oo ka gadaal na lagu heshiiyay in gabdhaha wajigooda la qariyo, kkkkkk. Ugu dambeyn-se waan kasoo lug baxsannay.

Laamigii oo Gaari nagu sii sugayay ayaan isku hubsannay oo salka la wada helnay baabuurkii. Rag waa kii Jabkiis ka sheekeeya Mar uune, sow tan qosolka, camirashada iyo hebel suu u dhacay iyo heblaayaa ka darraydu is qabsatay, mar haddiiba niyadda lagu sasabay In aanan looba noqon doonin. Kkk. Saaxiibkeen Axmed Bulshaawi oo dhicidda kaalinta koobaad ka galay oo ka qaraaxeynaya qaabkii dhicitaankiisa ayaan ka heynaa  “war anigu ma dhicin! HAYEH!, cagaha ayaan ka daalay oo gal-galad ayaan rabay inaan kaga baxo meesha, oo anaa ogaal ku seexday” kkkkkkkkkkkkk. 

Safarkuba wuxuu dhadhan noo yeeshay marka wixii nagu soo dhacayba noqdeen wax aan ka sheekeyno oo lagu wada qoslo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *