Hargeysa, caasimadda Somaliland. Dhowaan, ayaan markeygii koowaad u safray hargeisa, sawirka aan ka heystay iyo waxa aan kala soo kulmay wax aad u kala fog ayey noqdeen!
Dabcan, waxa uu ahaa mid qurux badan, waayoo waan u hamuun qabay inaan mar uun booqdo, ugu danbeyn se nasiibka iyo qorshaha ayaa igu simay. Intii aaney degin diyaaraddii ina sidday ayaan ku ildoogsaday quruxda magaalada iyo cajaaibta buuraha ku hareersan magaalada oo qurux goonni ah u yeelaya.
Imaanshaha iyo aragtida koowaad markii ay diyaaraddii caga dhigatay madaarka Hargeysa ee Cigaal Int. Airport, ayaan xiiso weyn u sii qaaday bal in aan mar uun magaalada gudaha u galo.Bal kaalay e madaarkii ayaan ashqaraar iyo ildoogsi kala kulmay. Madaarku waa meel loo nashqadeeyay beer raaxo oo kale, beertaa gudaheeda ayuu ku yaallaa, dabcan waa wax qurux gooni u ah indhaha qofka ku safraya. Waxa intaas oo dhan ba ka qurux badan, ilqabadka goobta oo nashqad wada cagaaran leh! Calanka oo gidaarrada ku xardhanna waa qurux gaar ah.
Kaftan yar e, maalmihii aan qorsheynayay bixitaankeyga ayey fajac igu noqotay in aanan geli karin Hargeisa baasabboor la’aan! Waxaan is weydiinayay tolow ma Dal ku gal bey ku dhufan doonaan oo ay canshuuri doonaan sidii oo Dal!! Hadde islaan reer Muqdisho ah oo markeedii koowaad halkaa tegaysa ayaan ahaa e, waan u qaadan waayay, waan se aqbalay. Saaxiibkey Cumar Seerbiya ayaan u sheegay waxa I qabsaday intii aanan tegin suu yiri “Naa ma Dal baasabboor la’aan la galo baa jira, xaggaan aan anigu hadda joogaba (Yurub) sow baasabboor kuma iman”. Waa halkii nin qab leh iyo nin aan u qabin e ma anaa Dal u heystaba. Lafteydu waan illaabay in aan uga gar helo bal in dalka uu haddeer joogo uu baasabboorka Cagaaran mise kan Bulugga ah ku galay! Malaha isna wuu ku duceysanayay in aanan weydiin e.
Maxaan kala kulmay hargeysa!
Qurux mooyee wax kale kuma arag halkaa! Waa halkii Hadraawi “qalinkaa wax suureeya” e, bal aan quruxdaa faalleeyo haddiiba qalinkeygu karayo. Intaanan tegin hoygeygii oo ahaa bartanka magaalada ayuu saaxiibkey oo madaarka iigu yimid magaalada iyo qeybaheeda hoose ii dhadhiciyay, dareen filasho iyo sidii aan u qabay ka badan! Suuqii magaalada, seyladdii xoolaha halkan annagu u naqaanno suuqa xoolaha, khudaarta iyo bacadlayaasha dharka, carwooyin ashqaraar leh, fillooyin iyo fooqaq nashqado cajiib ah leh, suuqyo casri ah iyo bunuuk shidan oo shaqeynaysa kaddib waxa aan imid hoygeygii oo aan nasiino iyo howlahaygii u dhaqaaqay.
Galabihii xigay ayaan haddana u dhaqaaqnay sahminta xarunta dhaqanka ee hargeysa oo si heersare ah loo nashqadeeyey ilaa tiyaatarka qaranka somaliland, xaruntii kheyriyadda, xasuusihii taangiga iyo diyaaradda ku bartilmaaman xasuuqii reer Hargeysa–goob kastaa waxa ka muuqanayay dhabbaha horuusocodka iyo ilbaxnimada dhulkan qadiimiga ah. Aan dhaho magaalo aan niyad jabsanayn, cagaaran oo iftiimeysa. Magaalo soomaaliyeed oo cajiib ah!
Galab kale ayaa ay saaxiib aan shaqo wadaag nahay ii dhaadhicisay magaaladii oo ay xafadihii, Masallaha, Jigjiga-Yar, Hargeysada-Cusub, Biibsiga, Boqoljire,Ina Mooge, iyo xaafadda State House-kaba igu soo wareejisay. Ashqaraar iyo sheeko xiise leh e waxa ay iiga sheekeysay taariikhda xaafaddan “state hause’ ka iyo ujeedkeedii koowaad oo ahaa in ay goobtu ahayd meel looga diyaariyay guri ballaaran boqoraddii ingiriiska ee Elizabeth. Haddase ay tahay degaan ka mid ah lixda xero ee ugu waaweyn barakacayasha ku yaalla Somaliland. Uu na hoy u yahay ku dhowaad 30 kun oo barakacayaal ah, badina ay yihiin Soomalidii qaxday xilligii dagaallada sokeeye ka socdeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, ku dar e Soomaali ka soo barakacday Gelinka Shanaad.
Xasiloonida Jawiga iyo Nabadgelyada
Magaaladu waa magaalo ku faanta ahaanshaheeda magaalada ugu nabdoon gayiga soomaaliyeed oo dhan. Waan uga marag ahay intaa! Waxa aan ku qancay magaalada iyo dadkeedaba sida ay uga go’an tahay nabad ilaalintu, iyo isku duubnidooda ay ku ilaalinayaan ammaanka iyo xasilloonida guud. Xaafadaha magaalada ee sida wanagsan loo qorsheeyay, jidad iftiin fiican leh, iyo dadaalada booliska ayaa bulshada dhexdeeda ka abuuraya jawi lagu dareemo ammaan guryaha iyo wadooyinkaba. Carruurtu waxay si xor ah ugu ciyaaraan jardiinooyinka, qoysasku si walaac la’aan ayay u socdaan, suuqyada waa la is dhex marayaa, deriski waa ay is bariidinayaan, bal e waxaa cajiib ila noqotay tusaale ay Soomaalida inteeda kale waliba e koonfurtuna uga dayan karto magaaladan oo ah in qof Alle iyo qofkii xaafad kamida xaafadaha magaalada kusoo kordhaya, kahor uu dowladda hoose iyo guryeyntaba u gudbiyo cid isaga damiin ka noqota, loona soo raacdo haddii uu qaladaad magaalada ka sameeyo. Ninna guri kama kireynayo cid aanu aqoon ilaa uu oggolaansho ka helo booliska magaalada, darisna ma qaabilayo qof koyto ah ilaa uu is sharraxo oo uu abtirkiisa iyo faraciisa sheego. Dabcan ujeedkuna waa in la kala ammaan helo, la isna ogaado!
Cimilada Magaaladu, ogooboo cimillada heyuga Soomaaliyeed aad bay u kala duwanyihiin. Inkastoo aan ku aaday xilli ay dadku ku sheegayeen in xilliyadan oo kale ay u tahay xilli kuleyl, oo ay ku taliyaan in dhammaadka sanad iyo billowga sanad kale (Dec-Jan) in la booqdo, maadaama ay goorahaa tahay xilliyada ugu qabow sanadka oo dhan. Haddana anigu waxa aan arkayay magaalo leh heerkul khafiif ah, neecow fudud, iyo jawi xanaf tiran, labada gelinba. Waa qaab nololeed xasilan oo neg runtii.
Cunnooyinku, Sheekha reer Hargeisa e Mustafa Haaruun, ayaa mar uu ka hadlayay cuntooyinka Soomaalida yiri in guryaha Soomaalidu ay yihiin kuwa ugu saboolsan. Saboolnimaduna ayaan ahayn in wax la cunaa oollin e in habka wax karinta laga arradanyahay. Waa xaqiiqo, oo meel wal oo ay Soomaali joogto cunnooyinkooda waqtiyadu waa isku mid, maalinna kama duwaanaato maalin kale. Siduuu u yiri e “biyo uun baan la kululeeyaa debna la saaraa”.
Waan ku raacsanahay taa, in aaney jirin magaalo Soomaaliyeed oo cunto ku amaanan aniga aragtideyda. Saa darteedna ay cunnooyinka maqaaxiyaha lagu iibiyo ee ‘fast foods’ ka ahi ay uga saameyn badan yihiin loogana jecelyahay kuwa guriga lagu kariyo. Magaaladu waa sidaas oo maqaaxiyaha ayaa hadba iyaga oo sumad gaar ah wata hareeraha teedsan. Cunnooyinku makala duwana e hadba magacyadaa kala bedalan. Aan ku daro hal sheeko oo iga qabsatay dalab cunto wadani ah oo aan rabay, saa uu dalabqaadihii igu yiri “Heed ama Garow ma kuu keenaa?” Intaba garan meyn e bal Heed-da ii keen ayaan iri. Waxaan sugaba waa kan ii keenay “Qamadi”!! Kolley ma dhaafin mana cunin.
Mashallah; qormadaadi wan akhriyay aad ayaana u fahmay; aniguse Aad ayaan Hargeysa Cimiladeeda uga helay iyo dadka habka hadalkooda iyo nidaamka soo dhaweynta aad ayey ugu fiican yihiin. Jigjiga yar hadaa tagtay, Hotel Grand Hadi oo buurta kala jeexan ku taal, aad ayuu u jawi iyo hawo fiican yahay. Xamar Hotel sidaas u space fiican kuma arag iyo daganaanta aad ka fiican. Arinka aan Hargeisa aadka ula yaabay waa lacagta. Wexey aad u isticmaalaan S.land shilling ka.
Waxyaabaha Hargeisa nooga duwan tahay ee aadan sheegin waxaa kamid ah tayada waxbarashada iskuuladeeda ee dhawaan qaar kamid ah mar dhaw Somalia Mogadishu yimi. Sida Ma’arif iyo iskuulo heer caalami ah oo waxbadan dhalinyaradooda ka aflaxday ay dunida ugu waxbarasho tageen. Dhawaan ayey Mogadishu ku baraarugtay oo macaarif iyo Ileys iyo tiro kale oo aad u yar ayaa tayada waxbarashadooda lagu kalsoonan karaa. Xagga Higher Education ma kama aadan hadlin, malaha madan Booqan jaamacaddo ayaan filayaa iyo iskuuladaba Hargeisa waa ku amaanan tahay.
Wll Suad Arif. Blogging kaaga aad ayaan ugu raaxeystaa hab qoraalkaagane waa qani, ugu danbeyn Guuleyso sister.
Ku mahadsanid walaal faalladaada quruxda badan. Waa runtaa oo kama hadal waxbarashadu xaggeeda iyo hoteellada, fursad uma helin taa, waan booqan doonaa haddii aan ku laabto insha’Allah. Xagga lacagta, aad bey ugu amaanan yihiin, waxaaba la iisheegay in Isla lacagta S.shiling ka as e-money loo istimcaalo. Markale mahadsanid, ku mahadsanid ahaanshaha akhristahayga. Maamuusanid walaal.
Sidoo kle, wllo 🙏🏽💯