Sheekhad Diotima iyo Soqraad
‘Hadde miyaan kugu xisaabiyaa mid ka mid ah saaxiibbadeyda ragga ah?’
Su’aashaa ayuu I weydiiyay. Se si aan doqonimadiisa ugu sii maadsado ayaan ku celiyay bal sida uu qofkeygan hortaagan u arko. Sidaan ka sugayay e ‘naag baa I hortaagan’ ayuu la degdegay. Doqon dheh!. Su’aashiisa hore haba ii danbeysee; Asalnimadu ma jinsiyaddaa misa shakhsiyaddu/qofnimadu door ayey leedahay? Gabar iyo Wiil ma saaxiibi karaan dareen iyo damac galmo la’aan?. Tan baan malaha ka jawaabi karaa e aan isku dayo. Qoraalkeygani waa curis iyo maan caris, haddii aad tixraacyo ka dhex baari lahayd waxa aan kuusoo jeedinayaa in aragtidii aad ku hakato aad sideeda uga raadiso majallada aragtiyaha iyo doodaha. Waa na ay kuu furantahay in aad ka falceliso.
Weydiinta; wiil iyo gabari ma saaxiibi karaan? Waa su’aalaha fahankeyga aan ku koobo nuxurkooda in ay afjigid iyo afdaalis yihiin. Waa dhif in jawaab go’an loo helo qaamuuskana la geliyo jawaab cayiman oo diidmo ama wadar oggol raacsanan ah. Saa waa qof wal iyo adduun araggiisa. Xirriirrada jira haba kala sabab iyo saaxad duwanaadeen e waxa ay kala qeybintooda ku koobaan ilaa seddex. Qofka iyo Uumihiisa, qofka iyo naftiisa, qofka iyo qofaf kale. Labada hore ka hadli maayo. Midka aan rabo waa midka qofafka u dhexeeya. Isla midkaa ayey u kala qeybiyaan, xiriir qoys, xiriir saaxiibtinnnimo, iyo xiriir romaansiyadeed. Wax ay marar kusoo daraan xiriir marxaladeed ama howled oo ka dhigan in dadku ay xiriirro ku yeeshaan kaliya in ay howl shaqo isugu yimaadaan, wax isla bartaan ama ay mar isla safraan.
Aan diiraddayda saaro xiriirka saaxiibtinnimo (Friendship). Waxa ay yiraahdaan marar erayga ‘saaxiib’ waa kaliya dadka aad taqaanno e isku dhowaansho kuma jirto halkaa, se ma ay run warramin. Saxnaanta eraygu waa isku dhowaansho. Halkan, isu soo dhowaanshuhu kaliya ma aha qofkee isku jiir iyo dhalyo tihiin (familial), amee kuu dhaxay, ama aad sheeko wadaag tihiin (Romance). Isu dhowaanshaha saxda ahi waa qofkee baad ku dhiirrataa in aad wacdo si aad u xasisho marka aad yaxyax iyo degganaan la’aan dareento. Qofkee inta saqbarkii wacdo aad danahaaga iyo riyooyinkaaga uga warrami kartaa, go’aannadaadana uga qeyb gelin kartaa, taladiisa iyo waxsheeggiisuna cashar kuu yahay. Qofka aad la faqdo, la dooddo e aad aragtiyihiisa arday u tahay. Qofka aad tixgeliso waanadiisa iyo hadalladiisa wax wal oo uu kuu sheego, halka aanad tobannaan kale warkooda meel kasoo qaadin. Qofka marwalba xusuustaada ku neg, markasta oo aad rejaxumaato, daciifto, qalqasho ama aad garab wayso; waa kaa qeexitaanka saaxiibtinnimadu (platonic/friendship).
Aan xiganno aragtida jacayl ee Plato. Halkan, jacaylku lama mid aha cishqiga. Aha! Waa ay kala duwanyihiin; walaalkaa waxa aad wadaagtaan jacayl, halka xiriirka aad lamaankaaga wadaagtaan uu cishqi yahay. Aan dib ugu laabanno Plato iyo aragtidiisa jacaylka. Qaamuuska Ururrada Cilminafsiga e Maraykanku, iyaga oo qeexaya noocan xiriir waxa ay ku diiwaangeliyeen in uu yahay ‘nooc jacayl oo aanu ka jirin hab-dhaqan roomaansi, damac galmo iyo rabitaan jireed, beddelkase ah jacayl ruuxda labada qof u dhexeeya’. Platonic, waa uun kaliya qeexitaankii saaxiibtinnimo oo loo nisbeynayo Plato. Isaga ayaa loo nisbeeyaa in uu ku qeexay saaxiibtinnimada; xiriir jacayl oo saafi ah, kana maran dan, dareen iyo damac galmo oo dhan. Waxa uu ku koobay quruxda saaxiibtinnimada “nooc jacayl oo qumman”, si weynna uga madax bannaan baahiyaha jireed. Waa jacayl maskaxeed iyo mid ruuxeed. Mid aragtiyeed iyo mid feker. Halkan waxa imaanaysa in bal labada qof ay is aragti jeclaan karaan. Isla aragtida plato ayaa laga soo helayaa tusaalayntiisa xiriirkii u dhexeeyay sheekhad Diotima iyo Soqraad.
Hakuu caddaato in xiriirkan jinsiga iyo kala duwanaanshihiisu aaney xaddidayn, oo uu u dhaxayn karo laba kala jinsi duwan (dumar iyo rag) sida Diotima iyo Soqraad ba uu uga dhexeeyay. Dhan kale e; dan oo dhani ma xaddido xiriirkan. Howlo shaqo, waxbarasho, safar iyo dalxiis ama mar kulan xiriirkan kuma tirsana. Damac galmo, dareen hadal iyo romaansiyad iyaguna kuma soo dhowa. Macnuhu maaha in ruuxdaasi aaney safar wada geli karin, ama aaney shaqo wadaagi karin e nuxurku waa in aanu xiriirku intaa ku koobneyn. Qofnimada ayaa macno leh, astaan wal oo wanaag iyo nafhurid ah na waa ay ku lammaantahay. Ruuxdaa is jeclaata, damiirkaa is garta, qaangaarnimaduna way isla jaanqaaddaa. Kaliya romaansiyada ayaa ka maqan halkan, ceebna ku leh. Waxa ay yiraahdaan dunida dareennada iyo xiriirka romaansiyadeed ba kama jiraan xeerarka nolosha iyo garaad warranku. Caksiga oo ah dunida garaad warranka iyo caqlaaniyadduna waa sidaas oo waa ay ka madax bannaanyihiin dareen hadal iyo dano kaleba. Waa saaxiibtinnimo quman iyo jacayl saafi ah, kana hufan ajandayaal qarsoon.
Hadii ay aniga igu koobnaan lahayd, noloshayda iyo maalin noolkeygana aan jawaab kaga baari lahaa, si koryeer ah ayaan u dhihi lahaa “waa saaxiibtinnimada macnaha leh” sida uu Plato ba ugu macneeyay saaxiibtinnimo quman. Waayoo, aniga hareerahayguba waa rag, jaalkeygu waa rag. Waa iyaga nolosheydu iyo kuwa aan gaarahayga ula tago. Waa iyaga kuwa aan la koray ee I qaabeeyay. Waa dood mug weyn in qofka qaab nololeedkiisa uu degaanku saameeyo, bal e in hiddasidaha iyo samaysanka unugga koowaad ee qofka ay degaanka iyo bey’adu saameyn ku leeyihiin ayaa la sheegaa. Waa aniga tusaaluhu.
Koritaankeygii waxa aan had iyo jeer la macaamilayay rag. Si ka duwan iyo in ka badan hablaha; dugsigaygii qur’aanka waxa aan ahaa gabadha kali la wadaagta fadhi soddomeeyo wiil. Iskuulkii, jaamacaddii iyo noloshii shaqaalannimaba saaxiibada iigu dhow waxa ay ahaayeen rag. Waxa ila jaal ahaa rag aynu isku garad nahay, isku mowjad iyo cabbir nolosha ka heysanno isku jaanna aan nahay, rag aynaan na dhex ool caddaawad iyo iska riixasho, damac iyo dareen hadal, nacayb iyo xin. Waxa noo dhexeeyay jacayl quman oo saafi ah iyo daacadnimo aan leexleexad lahayn. Waxa dabar iyo is heysad noo ahaa ixtiraam iyo is weheshi, wadahadal iyo waxbarasho. Gole dood iyo aragti is dhaafsi waxa aan ahayn kuwo si dhab ah u dooda oo aan dano iyo dareenno kale huwin. Waan u heystay jawaab in sabab kale la’aanteed ay labada qof ee kala jinsiga ahi ay u doodi karaan, aragtiyana isku dhaafsan karaan. Ujeedkuna kaliya yahay in midiba kan kale maankiisa iyo ogaalkiisa wax ku biiriyo, cariyo oo uu su’aalo fikereed ku kiciyo, ku dar e in isu dhowaansho ruuxeed iyo galgacayl dhex oolli karo. Waa kaa xiriirka quman ee saaxiibtinnimo.
Gabadhu may gabar kale la saaxiibto, ragguna rag – shinbirba muu shinbirkiisa la duulo?. Aan war kaa siiyo taa. Waad igu raacsantahay oo waxa aan ku dhallannay kuna dhex korray bulsho doorka dumarku wiiqsanyahay, yasanyihiin oo ay wax-ma-garato ku sheeggan yihiin. Waxa aan ku barbaarnay degaan ay tahay in gabadhu madallaha ka dhuumato, hadalka la gabato, aammusto oo aaney codkeeda sarreysiin. In ay nuglaato dumarnimada darteed. Waxa aan wax ku barannay degaan tirada habluhu aaney xabba ka goyn garaadaha cabbirka marka la barbardhigo tirada ragga fasalka la wadaaga. Waxa aan ku tirsannahay bulsho aaminsan in aan waqtigii iyo doorkii dumarnimo lumineyno haddii aan waxbarasho iyo shaqo ku howlnaanno. Waalidkeennuna ku eed leeyihiin maadaama ay na mashquulinayaan oo aaney howlihii guri nagu tababbaranayn. In aan doorkii ragga ciriirsanayno bulsho aaminsan ayaan ku dhex korray.
Waa halkaa halka aan ka dhex arko dhiirrigelinta in uu xoogeysto xiriirka macaamilka dumarka iyo raggu. Halkan uma jeedo in ay dumarkii col ku yihiin ragga, ama in ay awood siin ka raadiyaan reed joogg aragga e, waxa aan ka dhex arkaa in halkaasi tahya bar laga burburin karo dhoodhoobka bulsheed ee xaddida doorka dumarka, laguna abuuro saaxad is dhexgal dumar iyo rag ba ay u simanyihiin, si isku mid ahna ay sallaanka horumarka nafeed iyo baratanka nololeed u gelayaan. Nolol aan raggii loo xireyn mudnaanta e masrax u abuureysa dumarkii. Halkaas ayan ka dhex arkaa si bulshada maankooda lagu cariyo in; Jinsiga ay wanaagga iyo aqoonta u tiiriyaan, jinsiga ay geesinnimada iyo waxgalnimda ku amaanaan. Jinsiga ay awoodda iyo kartida u nisbeeyaan. Jinsiga ay sabab la’aan iyo wax-qabad la’aan ku darajo siiyaan ragannimadiisa – in loogu addimo; gabadhuba intaa ay kala mid tahay e ey ayagu wiiqeen doorkeedii waxgalnimadeediina shiiqiyeen.
Aan soo gunaanado e, quruxda saaxiibtinnimadu waxa ay ku jirtaa saafinnimada iyo dun wanaagga qofnnimada. Ku koobidda jnsiga ama in la ceebeeyo xiriirka laba kala jisi ah, kaliya dhoodhoob bulsho ma aha maangalnio e waxa ay dabreysaa camiridda kownka iyo is dhexgalka aadanaha. Ay dumar ahaato, kalana jinsi duwanaataan e haddii xiriirkiinnu aannu mid romaansiyadeed ahayn, waxa aad u arkeyso qofnimada iyo damiirkaa ka asal ah. Qof baa ku hortaagan, qof baad isla koreysaan, isu xog warramaysaan, isu damqanaysaan, dadkana isaga dhowaaneysaan. Jinsiyaddiisu kuma quseyso e shakhsiyadda aad la macaamileyso ayaa macno samayneysa, waana halka ay tahya in shakhsiyaddu wada xiriirto e aaney ahayn in qalfoofi is hor taagnaato. Nuxurku waa asalka qofnimada.