Dhowr jeer ayuu gudaha ku soo noqnoqday, mar uu anfariirsanyahay, mar uu dhafoorrada heysto, mar uu socod tiicayo iyo mar ey quus ka joogto, intaba muuqaaljireedkiisa ayaad ka akhrisaneysaa. Waan dareemay In uu xafiisyada gudaha midkood usoo muraaday, se maaddaama ey xilli salaad ahayd lama heli Karin. La iina sheegba, oo sidaas ayaan aniguba qeybta sugitaanka ugu fadhiyaa. Mar aan isleeyahay waa markiisii afaraad oo uu soo noqnoqonayo ayaan cod caato ah ku tuuray anoo ka baqaya xitaa in hadalkeygaasi ka nixiyo. Wuu ii muusooday oo haddana hore usii tukubay, markale ayaan lasii hadlay oo istaag u ruqaansaday damcayna inaan istaajiyo si uu iila fadhiisto. Calaa kullin, waan wada fadhiisannay isna xaalwareysannay. Ii xogwarramay ina dareengeliyay, adduun inuu sidaan yahay ninna maalin ridan doonto ayuu ii tibaaxay oo haddana anigii i sabarsiiyay. Afgobaadsanaa, adduun fahamsanaa oo iiman lahaa!
Waa aabbo da’ ahaan lixdankii ku dhodhow ama gaaray ba, cirro teelteel ah iyo bus ay ku idilyihiin guudkiisa. Arrad aabbannimo iyo inuu ilmokoris yahayna aad ka dheehan karto muuqiisa. In uu shaqaalaha xaruntaan ka mid yahay oo qeyb kale oo ay shirkaddu xarun kuleedahay uu waardiyaheeda yahay ayuu iigu warrammay. Waxa manta soo socdaaliyay in mushaarkii bishaan tobanka sii gaartay oo aan wali la siin uu yahay ayuu haddana ogoow iyiri. Xaafad Madiina ku taal in uu degganyahay walibana kiro ku yahay, kiradii siduu ula shahaadaba in uu bixiyay, oo uu muddeystay biilkii korontada iyo biyaha, se biilashii kale ee reerka uu dhaqaajin waayay, dukaan uu adeeg ka soo qaadan jiray in ay saaka soo adeegdiideen oo ay reerkii maanta yaabis cuneen ayuu ALLE ku marag gashaday. Islaanta reerku (waa hooyadee) ma gurifadhisee in ay iyaduna wax soo jaafjaafto qeybna maareyso ayuu ii carrabbaabay.
“Ma bishan ayaa cilladdu mise waa marwal” ayaan su’aalay, iney marba si yihiin oo xitaa ay marmar labaatanka gaarto ayuu ii warrammay, Intaanu ii hadaldhammeyn ayuu haddana xafiiskii aadiddiis u hinqaday, hubsaday iney soo fadhiisten e, aabboow nabadgal ayuu igu sagootiyay. Amakaagay e, danaheygii kale ayaan iska sii qunsaday oo anna kuwan sugayay ayaan abbaaray.
Maaney u warheyn xadiiskii Nabi muxammad Scw ee ahaa “siiya gunnadooda intaan dhidikoodu qallalin”. Maxay shirkado iyo shaqaaleysiinba u furaan haddaaney masaakiinta dhididkooda meeleynkarin, muddo horena siin Karin wixii ay ku heshiiyeen yaraan iyo badnaanba.
Heshiis ay wada dhigteen shirkad iyo qof ay shaqaaleysiinayeen oo aan mar dhoweyd arkayay ayay farqad heshiiskaas ka mid ah u dhignayd; “waajibaadka shaqo; shaqaaluhu wuxuu qabanayaa waajibaadka lagu caddeeyay baaxadda shaqo ee ku lifaaqan halkan, iyo dhammaan wixii waajibaad ah ee uu ka dalbado maamulku”. faqrad sii kale ayaa ahayd; “saacadaha shaqada; labada dhinac waxa ay isla garteen saaacadaha shaqada ee shaqaaluhu in ey noqoto sida uu maamuluhu amro iyo ku xigeenkiisa.”
Ogooboo waxaan uu maamulku dalbanayo waa jeebkiisa, gunno iyo qarash kalena uguma beddelayo e, hadba howshii cuslaata ayuu ku amraa qabashadeeda!. Saacado xaddidan oo uu la joogayo kuma qorra, haddey doonaan maalmo is xigxiga ayey soo shaqogal leeyihiin ama maalmo fasax ayaaney siineyn, qofkiina ma diidi karo oo dan baa dhaheysa isaga ilmo biilo e sidaas ayuu ula shahaadayaa duruufahaas ay u nugleynayaan! kuddar oo in gunnada uu qaato shaqaaluhu ey canshuur ka go’eyso ayaa ku xusan heshiiskaas!. CAJIIB!
Shirkadaha iyo xarumaha shaqaalaha qortaa ILAAHEY ha uga baqeen masaakiinta, waa hubaal ninka shaarka feereysan ee mukeyfka iyo raaxada ku jira kulama keceen dulmigaas, haddey ku dayaanna inuu iska dhicinayo oo uu isba qalin la waryaqaan ayey ogyihiin, se kuwa ay hagrayaan oo baahidooda lacageed iyo duruufahooda kale looga faa’iidaysanayo waa kuwa inta badan shaqooyinka hoose ee xarumaha qabta. Run ahaanna dadka howlaha hoose ka shaqeeya waa udub kamid ah kuwa ay xarumuhu ku taaganyihiin. Bal adba qiyaas xarun aan cid nadiifisaa joogin, cid ilaalisaana joogin sida ay u dandarreysnaan laheyd.
BULSHO MEEL WALBO DOWLI AFAR SOOH AHI UGA CEYNSANYAHAY. ALLOOW ALLE!