Qof kasta oo xaadiray casharrada dhaqaalaha, waa hubaal in uu marar badan maqlay weedha ah, “Ma jirto qado bilaash ah.”
Wax kastaa waxa gooya qiimo, xitaa haddii qiimahaasi isla markaaba muuqan. Si aad wax u heshaa waa in aad wax kale uga tanaasushaa. Se dhaqan-dhaqameedka ku nabnaanta farxadda, intooda badani waxa ay dabbaqaan si kasoo horjeedda. Waxa ay yiraahdaan: waxa aan rabnaa in aan hurid iyo howl la’aan farxsanaanno. Waxa aan rabnaa abaalgud iyo maamuus kasbasho la’aan. Faa’iido aan loo faro murxin. Yaabka yaabkii e waa rabitaan hurid la’aan ah. Isla rabitaankaas ayaa se hog kale ah, farxad daaye.
Farxaddu waxa ay ku fadhisaaa qiimi. Bilaash maaha. Ka dhac waxa Cover Girl, Tony Robbins ama Dalai Lama – ay kuu sheegeen, sidaa uma fududa in la furfuro halxiraalaha farxaddu. Saa dhowrkan qodob u dhug yeelo.
#1 Waa inaad aqbashaa kala dhinnaanta!
Badi dadku waxa ay aaminsan yihiin; haddii ay dabaq labo biyaano ah dhistaan, gaari iibsadaan, guursadaan, oo ay carruur dhalaan, in wax waliba ay dhammays noqon doonaan. Intaa hadaf xaqiiji, kaddibna- gabowday ba e adiga oo faraxsan dhimo ayey guntan yihiin. Moogganaantooda e, noloshu sidaas uma shaqeyso. Caqabaduhu ma dhammaadaan, kaliya waa ay is beddelaan siina kordhaan. Waxa aad dhammays maanta u aragto, berri bey hoogga aad tabato noqon karaan. Se haddii aan si ogaal ah u aqbalno in hadafka noloshu aanu ahayn dhammays e uu yahay tallaabooyin is xig-xiga oo midiba mar tahay- markaas ayaan gows danbeedka ka qosli karnaa oo dhoosha caddeyn karnaa.
Khayaalka dhammaystirnaanta waa la suureysan karaa lama se gaari karo. Qurux oo dhan waad suureysan kartaa, ku riyoon kartaa se gaaristu waa midda howsha iyo huridda u baahan. Khayaalku sidiisaba waa qurux. Waxa aan is tusnaa in dhammaystirnaantu ay ka wanaagsantahay foolxumada aan haddeer ku sugannahay, se taa lafteedu sax maaha. Marnaba ma qeexi karno waxa dhammaysnaantu tahay. Halbeeggaa jiho la’aanta ah naguma koobna oo waa halbeeg aan ka qaadannay dadka kale. Se, marka aan ka korno ka werwerka wax dhammays ah beddelka waxa lama huraanka ah, waxa aan nafaheenna ku caawinnay in ay ka bedbaadaan walbahaarka iyo niyad-jabka ku noolaanshaha nolol aan jiho lahayn. Waa run oo waa ay adagtahay aqbalidda kala dhinnaantu, waayoo, waxa ay nagu qasbaysaa in aan aqbalno inaan ku noolaanno waxyaabo aynaan jeclayn.
Waxa aan rabnaa in aan aduunka u sheegno sida dimoqraadiyadda reer galbeedku ay ahayd inay noqoto, iyo in taxanihii Game of Thrones, u noqon karo wixii ugu xumaa ee abid dhacay. Waan rabnaa kaliya! Waxa aan ku mintidnaa; haddii ay dunidu fulin lahayd rabitaankayga, wax waliba waxa ay ahaan lahaayeen dhammays. Laakin noloshu sidaa maaha. Waligeed ma waafaqi doonto rabitaankeena. Ma dhici doonto, oo had iyo goor gef baa naga dhici doona, wax uun baa si noqon doona, si uun. Se halkan, waa aqbalaaddaas waxa noo oggolaanaya in aan farxsanaanno, oo aan ka mahadnaqno dedaalkeenna, saxno ceebaheenna iyo hareeraheenna. Halkaa qodob dheh.
#Waa in aad mas’uul ka noqotaa gefafkaaga
Waa ay fududdahay in aynu dunida u saarinno khaladaadkeenna, si aan u beri ahaanno, saraaxana ugu naalloonno. Marka aan cid kale u saarinno eedda ee aan dhibbanaha noqonno waxa ay noo sahasha in aan gurmad helno, sidoo kalena looga garaabo xaqdarrada na loo geystay. Xaaladdaas is bariyeelidda iyo is nugleynta ah ayaan ku maadannaa, kaliya si aan u dareenno in nalagu gardarrooday oo nala beegsaday, yacnii na laga xunyahay. Se runtaa ah in dhibku aanu nagu koobneyn, waayoo ma nihin kuwa kaliya ee dhib haleelay dunida.
Quruxda aqbalidda kala dhinnaantu; waa in aanad eedahaaga dadka u saarin e aad adigu wax kabarato khaladkaaga. Ma waxa aad u soo daahday jaamka dartii? MISE, xilli hore ayaanad soo bixin? Ex-kaagii ma danaystuu ahaa? MISE, adaa wax is-daba-marinta iyo khayaanada weday? Ma karti-xumada maamulahaaga ayaad ku weyday dalacsiinta? MISE, dedaal yari xaggaaga ah ayaa jirtay? Labada, mid uun ayey jawaabtu tahay, waana suuroggal in taadu saxantahay. Laakiin ujeedku waa in aad hagaajin kartid cilladahaaga oo kaliya, oo aaney howshaada ahayn hagaajinta cilladaha kuwa kale. Naftaada, xakamahaaga, shaqadaada- ayaad mas’uul ka tahay. Horey u soco.
Waa run oo inyar waad ka nasaneysaa dhibaatooyinka noloshaada, haddii aad cid kale u saariso, se waxa aad ku danbeyn doontaa in isla mushkiladahaagii ay kugu soo laabmaan markale, waxa ayna ka dhigan tahay: in aanad awoodin xakamaynta iyo xallinta mushkiladahaaga. Ku sheegnaantaasina waa niyad jab culus. Waa hubanti oo, xaalad cir-ka-soo-dhac ahi waa ay imaaneysaa. Khaladkaaga ma aha in darawal sakhraansani uu waxyeello ku gaarsiiyo, oo aad lugtaadii weyso, qalliinna aad mudato. Se waa adiga mas’uuliyaddaada in aad ka soo kabato dhaawacaas dul iyo dhimir ahaan ba. Ka bogso marka.
#Billowga baqo, se waa in aad samaysaa
Geesinnimadu ma aha in aanad baqan. Wa in aad dareentaa cabsi, shakisaa, oo aad marar badan go’aankaaga ka laballabaysaa, waa caadi. Haddii aan tixgelin siinno xaaladaheenna shucuureed ee daqiiqad kasta isbedalaya; faraxsananateennu waa ay kakanaan, sida oo hab-raaca joornaalka Wall Street. Haddii aanad Wall Street aqoon, aad baan uga xumahay.
Ujeedaddu waa in farxaddeennu aaney xaddidnaan oo aynaan nafaheenna ka xayirin jidka farxadda. Xaqiiq e xaaladaheenna shucuureed ma keenayaan farxad waarta, suurtagalna ma aha in marwalba la faraxsanaado, oo waa ba caajis. Balse, iswaafaqa qiyamkeenna iyo qanaacada naftu waa udbaha farxadda. Qanacsanaanta noloshuna kuma qeexna waxa aynu samayno iyo waxa innagu dhaca e, waxa ay ku qeexan tahay sababta aynu u samayno iyo waxa ay inooga dhigantahay. Samee!
#Ficilladaadu waa in ay ujeeddo yeeshaan
Aan si kale u dhaho e; waa in aad doorataa wax ku dhiirrigeliya. Ma wax saameyn dibadeed ah baa mise gudahaaga yaad ka heshaa shidaalka? Maxaa macno kuu leh? In qofku uu lacagta u arko ujeeddada ugu weyn ee nolosha, oo aaney wax kaleba jirin waxa ay u horseeddaa xasilooni-darro shucuureed iyo habdhaqan xumo uu dadka kula kaco. Se, in qofku uu lacagta u raadinayo si uu u daboolo baahiyaha qoyskiisa iyo carruurtiisa, waa ujeed qeexan oo nafta lagu shidaaliyo. Ujeeddadaas ayaana qofka ku dhiirrigelineysa in uu u adkeysto kana gudbo caqabadaha so wajaha.
In uu qofku raadiyo aqbalaadda dadka kale, waxa ay keentaa uun in uu noqdo mid nugul, dadkuna aaney jecleysan. Se in aad farshaxankaaga u raadinayso shacbiyad, oo aad rabto in ay dadku farshaxankaaga u arkaan wax cusub oo macno leh, waa hadaf sare. Mar haddii hadafku sidaas yahay waxa aad awood u yeelan doontaa in aad ka gudubto diidmada, ceebeynta, iyo caqabadaha kale ee jidkaaga isku gooya.
Sidee qofku u helaa ujeeddada noloshiisa? Aan kuu sheego e, ma fududa. Se waa wax u dhigma oo ayaduba ma fududa in la helo farxad gundheer. Maxaan ka wadaa; yaa kuu sheegaya hee? Cidna! Qayb weyn oo ka mid ah buugteyda; waxa aan uga hadlay helidda ujeeddo nololeed. Aan ku siiyo tilmaan e: waxa ay ku koobantahay laba uun; Korriin iyo wax-ku-darsi. Korriinku waxa uu ka dhigan yahay in aad naftaada ku tababbarto noqoshada qof ka wanaagsan qofkii shalay. Wax-ku-darsigu waxa uu isaguna ka dhigan yahay in aad dadka kale hagaajinta noloshooda wax ku darsato. Intaas ka dhex raadi wax ku shidaaliya.
Khalad kuma jiro lacagta, galmada iyo muusiggaba e, waa in aanu ujeedku intaa ku ekeyn e wax ka qoto dheer uu hadafku noqdaa. Waa in ay waafaqaan labadii ahayd — Korriin iyo Wax-ku-darsi, haddii uu waafaqo, waxa aad kasbatay labada adduun ugu wanaagsan.
#Diyaar u noqo in aad fashilanto oo aad ceeboowdo.
Buuggayga Haasaawaha, waxa aan ku qoray, “ma noqon kartid qof saameyn ku yeesha nolosha dadka kale, haddii aanad u diyaar garoobin in ay kugu qoslaan ama ay kaa xishoodsiiyaan”. Kalmaddaasi waxa ay noqotay tan buugga loogu xigashada badanyahay!
Quruxda aadanuhu waa kala duwanaanshaha qiyamka nolosha. Marka aad qiyamkaaga ku noolaato, waxa aad is mudan doontaan kuwo aanad isku qiyam ahayn. Kuma jeclaan doonaan, waxa ay faallooyin xun ku bixin doonaan internetka, waxa ayna hooyadaa ka sheegi doonaan hadallo aan habboonayn. Wax kasta oo aad sameyso, dadka qaarkii ayaa raba in aad fashilanto. Ma aha in ay dad xun yihiin, se ujeedkooda noloshu waa uu ka duwan yahay kaaga. Aan dhaho, qaar iyaga ka mid ah waa dad aad u xun. Qof aan xikmad ku hubo ayaan ka xigtaa, “kuwa ku neceb, waa ay ku necbaan doonaan abid.”
Hawl kasta, guul-darrada ayaa uu horumarku ku xigaa. Qeexitaanka horumarkuna, waa waxa farxadda inoo horseeda—horumarka nafteena, horumarka kuwa kale, horumarka qiyamkeenna iyo guud ahaan kuwa aan jecelnahay. Haddii aanad fashilmin, horumar ha filan, horumar la’aanna farxad ha filan. U adkeyso xanuunka oo dhaliisha xamil. Xirfadaha ugu muhiimsan nolosha ma aha kaliya in laga gaashaanto dib u dhaca e waa barashada sida dib loogu istaago, kacaakufku waa xirfad muhiim ah.
~”Kuwa ku neceb, waa ay ku necbaan doonaan abid.”
Qormada aad soo koobtay, waxyaabo badanaa ka dhexarkay oo kalmado macno iyo miisan mug leh wata. Aad ayaad walaalo u mahadsan tahay nuxurka qormada oo aan kusoo koobay laba qodob oo aan xageyga hoosta ka xariiqay.
1. “ma fududa in la helo farxad gundheer” adiguse sameyso xuduud iyo waxyaabaha ku farxad galiyaaa sameyntooda.
2. ” Qanacsanaanta noloshuna kuma qeexna waxa aynu samayno iyo waxa innagu dhaca e, waxa ay ku qeexan tahay sababta aynu u samayno iyo waxa ay inooga dhigantahay”.
Waan ku faraxsanahy in qodobbadaasi ay si uun kuu anfaceen. Mahadsanid.
Thanks anigoo aqrinta u hamuun qaba ayuu qoraalku ika dhamaday