GUURKEYGII!

Qiyaas seddex sano ka hor ayaan is barannay, waan ogaa inuu xaafadda deganaa aqoon dhaafsiisan se uma lahayn. In marar ah ayaan isaga hornimid wadooyinka, hadal se nooma biloowneynn. Usbuucyo kadib, lambar aanan garaneyn ayaa IMO igala soo hadlay, waan u jawaabay oo waan is hadallo dhaafsannay. In muddo ah ayey noo joogtay is-xaal wareysi, iyo hadal gaaban. Tartiib tartiib ayaan se iskula sii sheeko qabsannay, oo sitimaanno ka dib waxan yeelannay xiriir-jacayl. Ku dhawaad sanad xiriirkeennu socday, malaha haddii is-qab-qabsigeenna maxkamad la geyn lahaa maalin walba, in lana xalliyaa roon e, qaadigu wuxuu nagu xukmin lahaa kala dheereyn deg-deg ah. Mase dhicin e, si kasta oo loo kala dabeecad iyo nolol duwanaa, hadddana waa ay is aqbaleen qalbiyadii, oo  arrin guur iyo in la is guddoonsiiyo labadeenna ayuu ku biyo shubtay. 

Maalin ku jirta sanad ku sheeggankii laba kun sagaal iyo toban, maalin jimcaad na sii ah ayaa la isu keen mehriyay labadeennii is keensatay oo laga marqaaati kacay qoyskii dhismay.  Inkasta oo dabeecadihiisa qaar aan bartay intaan sheeko wadnay, haddana waa caado in Xilliyada haasaawaha qof walba muujiyo intiisa wanaagsan, oo uu ceebihiisa iyo carooyinkiisa qariyo. Si walba oo la isku xawaajiyeeyo se marka xaal run gaaro oo guri iyo guntiino furid la isla yimmaado ayuu eyni walba soo daahiraa. War oo dhan’e la is wada akhriyaa kor iyo hoos.

Wax igu culus ayey noqotay in ninkii shalay qosli jiray noqdaa caaltuur cawo soo gashaba gafuurka taaga, oo xitaa ku xanaaqa maxaad cunto hebel u karisay, maxaad shaatigeyga sidan ugu dhigtay, maxaad u feereyn weyday, marmar na ayba dhacdaa in uu ii gacan qaado mar uu igu waabiyo iyo Mar uu ila gaaro ba. Mar uu amar ku taagleeyo, oo xitaa haddii aan bannaanka u baxayo ogaanshihiisu horreeyo, iyo in uu kontoroolo wicitaannada moobeylkeyga, isagoo markii dambena iga ceshaday moobeylkii shaashadda ahaa ee uu ii iibiyay xiligii haasaawaha, iiguna beddelay niicle!.

Bilo ayaan is- qabnay aad ayaanan ugu dhibtooday inaan la sii noolaado, dhibkii aan isaga ku qabay iyo canaantii joogtada ii ahayd waxaa iigu darsamay inaan wallacay, oo xaaladdeydii sii xumaatay. Ugub wallacay wax ku sheeggan, baxnaano qalbi iyo mid daryeel oo uu helo se uga bixi og. Waa se haddii aan xaas u ahay mid intaas fahmaya. waxaaba iisii raacay in aan howlihii hore sidooda u guto oo aanan kaalmo kale cid ka helin, cadaadiskiina iga ma uu joojin jeer uuba sii kordhiyay, oo xitaa in uu ii diido marmar inaan reeraheygii booqdo ayaa dhici jirtay.  Aad ayaan isku khilaafnay iskuguna xumaannay, oo haddii horraan mid walba uu kan kale sidaan u baran lahaa, maba suurowdeen inaan isku soo guri galnaa, oo mid walbaa jiho kale ayuu qaadi lahaa, haddase ku qabato iyo qadar Alle waa qaadasho uun.

Wax la is jiiidaba, sidkeygii wuu bilo dhammeysmay oo waxaa soo dhawaaday muddadii dhalmada, waxa ayna noqotay in qeylo-dhaamin dheer kadib aan gurigii walaashey soo aado oo aan ku dhalay curadkii koowaad. Sidii aan u umulay ilaa afartan baxaygii marna nama soo booqan. Ismana arag marar aan taleefanka ka waco oo iga qabto mooyee. Muddo bil ah oo aan guriga abbaayo joognay afartan bixii kadib, ayaan wacay habeen oo u sheegay inaan beri dambe xaafadda soo aadi doonno. Subixii xigay habeenkaa abbaaro tobanka subaxnimo ah, ayuu isoo wacay, iguna yiri war nuxurkiisu ahaa ” Cunugga aad dhashay bad ama buur la aad, waana ku furayaa ee maqashiiso dadkaagii”. Si walba oo aan isku khilaafi jirnay, haddana marna isma lahayn xaaladdii aad ku sugneyd iyo waqtigaas oo aad cunug u heyso ayuu sidaas u dhaqmi doonaa oo uu furriin kugu abaal marin doonaa. Weyse dhacday, oo maantadan aan kuu warramayo wiilkeygu waxa uu jiraa ku dhawaad Sanad iyo afar bilood, aniga ayaana hooyo iyo aabbe u ah, diyaar ayaanan u ahay inaan mas’uuliyaddaas guto oo aan korsado, wiilkeygana martabo sare gaarsiiyo.

Su’aal aan weydiiyay ayaa ahayd, bal iney rajo dambe guur ka leedahay, waxa ay se iigu jawaabtay si kooban “RAG WAA HAL NOOC”.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights