“Qaanuunka waa la dabbaqaa oo la dhaqangeliyaa haddii uu danaha nin u adeegayo.” ~Leyla
Ma ogi waxa ay xeerarka dunidu u yihiin kuwo uun lagu xaddido dumarku. Waligey baan is weydiiyaa maxaa qiyaasta dhaawaca soo gaari kara qof dumar ah uu uga badanyahay, kan nin soo gaara! Maxay dulmiyeyaashu u yihiin rag, qaarad walba iyo saacaad waliba oo dunida marta! Magac iyo mansab uu nin gaaray, qosolka iyo cawayska nin wal uu bannaanka la yimaado— maxay ilmada gabar maskiin ahi qubatay, maxaa cadaadis ah oo ay maskiintaasi xamishay oo ay qarsatay, maxay dhibbane u noqotay. Jawaab oo dhan sax ma noqon doonto ilaa in ay gabari sheegto mooyee!!
A thousand spelindid suns— magaca buugga waxa aan ku tarjumay (Kun Qorrax soo-bax), saaxiib kale waxa uu yiri (Kun Qorrax-dhalaal), labaduba way ila qummanaadeen. Qorrax soo baxu aslan waa qurux. Waxa qoray Khaalid Xusseyni, nin reer Afgaan- Ameerikaan ah, sanadkii 2007dii. 17 sano kaddib waxaa akhrisay gabar reer Muqdisho ah, si walbana dhibta, iyo dhaqanka kala siman haweenkaa reer Afghanistan.
Gudaha buugga waxaa si faahfaahsan oo sheeko tebin ah laguugu barayaa; Awooda iyo kartida Haweenka, Muhiimadda waxbarashada, Cawaaqibka xadgudubka iyo takrifalka, Rajada, hanweynida, hammiga iyo furashada nolosha, Awoodda iyo macnaha saaxiibtinnimada, Saamaynta dagaalka iyo qalalaasaha. Waxa aad uga dhergeysaa fahanka; Halganka xorriyadda, Xanuunka iyo murugada geerida kuwa aad jeceshahay, Awooda iyo quruxda jacaylka, Macnaha adkeysiga iyo dulqaadka.
Waa buug gabar walbaa ay tahay in ay akhriso si ay rogroganka dunida iyo hagardaamada ina-rag u guntato. Ka dumar ahaan, waa buug xasaasiyad weyn igu abuuray, dareen nacab na iigu beeray nin wal oo gabar xumeeyay dul iyo dhimir ahaanba. Waan ku marag furi doonaa Aakhiro — Eebbe in weedhii Rasuulkiisa Muxammad ee ahayd ‘Ragoow dumarka ilaaliya’ aaney raggii ka soo bixin.
Buuggu waxa uu ku aroorayaa nolosha laba dumar ah oo reer Afgaanistaan ah, Mariam iyo Laila, kuwaas oo jidadkoodu si lama filaan ah isugu beegmayaan. Se waxa ay sheekadu ka hadleysaa gabar waliba oo beri nooleyd ama beryo kaddib dhalan doonta. Laba Gabar oo ay dunidu u awood sheegatay, naxariis darradeedana tustay. Waxa uu buuggu si waadax ah u soo bandhigayaa sida ay dunidu gabar waliba ula dhaqantay. Laba gabar oo wax wal oo ay heysteen waayay. Ugu danbeyn se ayagii ku midoobay meel ay ahayd in waaqaca qooqani kala sikiyo isuna uriyo, waa halkaas in aan la dhayalsan haweenka, haddii ay midoobaanna ay tahay layaab dunidii ka dhacay.
Maryan, waa gabadh ku dhalatay xiisaha jireed ee ay hooyadeed Nana iyo Aabbaheed Jaliil isu qaadeen. Jaliil waa ganacsade maalqabeen ah, halka Nana ay u ahayd adeegto— waa macquul in aaney xaggeeda xiiso ka ahayn e ay lafteedu xamishay xaagudubka, inkastoo aaney sheekadu wax badan ka tabineyn nolosheeda, se inta laga fahmi karo ayaa ah in ay ku qasbanaatay. Maryan, waxa ay ahayd curadda Nana, halka ay Aabbaheed u ahayd mid ilmihiisa ku soo biiray oo aan macno gaar ah usii lahayn. Waxa ay ku kortay bannaanka magaalada, qol yar oo uu Aabbaheed u guuriyay iyada iyo hooyadeed intii ay caloosha ku siday. Halkaas ayey ku kortay oo ay ku qaadatay caruurnimo ku suntan kalinnimo, diidmo iyo deyro, caay iyo hilowga kalgacalka waalidkeed, kaas oo aaney waligeed si buuxda u helin.
Ma ay helin jacayl waalid, mid Hooyo iyo mid Aabbo. Iskaba daa jacayl walaal. Aabbaheed waxa uu ugu muuqan jiray yaraanteedii boqor, se dhab abaanta waxa uu yahay waxa marwaliba uga digi jirtay hooyadeed oo garowsanayd nooca uu yahay. Waxa ku xusan buugga in ay ku leedahay marka ay gabadheeda uga digeyso rag oo dhan “Ninna qalbigiisu ma jilcana mana aha mid kuu naxaya, ma aha sidii uurka hooyadaa oo aad ka heleysid daryeel iyo diirranaan dareen. Ha filan waligaa.”
Dhaawacii koowaad ee ay nolosheeda wajahday waxa uu ahaa maqlidda in loogu yeero “wecel”, hooyadeed haba ahaato qofka marwal ugu yeeri jiray, haddana waxa ay ahayd qofka kaliya ee ay heysato Hooyadiina geeriyootay, waxa u soo labeeyay macallinka qur’aanka u dhiga, oo isagaa uun baa ka jiray wax u damqada. Gu’eedii Shan iyo Tobnaad, Mariam waxa uu Aabbaheed u guuriyay Rasheed, oo ah nin aad uga da’ weyn, isla markaana aaney waligeed arag. Kama ay filan Aabbaheed in geerida hooyadeed kaddib uu sidaa ula dhaqmi doono, se waa uu falay.
Maryan, markeedii ugu horreysay ayey ka carrowday magaaladii ay taqaannay, kuna hoyatay guri iyo nin aaney nolosheedaba suureysan. Ma ay helin nolol marwannimo, jacayl iyo koolkoolin, caksiga waxa ay noqotay mid uu ugu yeero madhasho iyo musiibo noloshiisa ku soo biirtay. Waxa ay la kulantay xad-gudub shucuureed iyo mid jireed, awood la’aan iyo rajo beel, waxa ay noqotay agab meel ugu tiirsan nin, goortii uu doono uu istimcaalo, kolkii kalena u adeegta. Waa halka raja wal oo ay lahayd ku baaba’day. Waxa ay dhalatay iyada oo dhibbane ah, sidaas ayey na ku nooleyd. Miyey nolosha carruuta sidaa u dulmani ay tahay waligeed in ay dhibtaa maraan? Ma ogi! Mise danbiga labadeedii waalid ayaa laga jarayaa! May, Eebbe ma dhihin taa!
Qeybta labaad ee sheekada, Layla safarkeedu waa rogrogan — jacayl, saaxiibtinnimo, waayid, murugo, geeri, dhaawac, guur, is-adkeyn, dulqaad iyo naf hurid. Waaya-aragnimadeedu waa cashar nololeed; waa indhakuusha iyo aragga Aabbaheed, sidoo kale hooyadeed, se hooyadeed waxa ay ka doorbiddaa wiilasheeda labada aha ee jihaadka xoreynta dalka ku maqan -Axmad iyo Noor. Hooyadeed ma necba mana jecla, uma jirto kamana maqna. Waa halka ay Leyla leedahay ‘Yaa u sheega dadka in aaney carruur kale ba dhalin haddii aaney siin karin jacayl la mid ah midka ay curaddadooda siiyeen.’
Waxa ay ku koreysaa Kabul caasimadda Afghanistan-magaalo rabsho iyo qalalaase la ciirciireysa. Waa gabar indhaha Aabbaheed xor ku ah, ficilladeedana u madax bannaan, Aabbaheed ma cadaadiyo, ma liido kamana cabsigeliyo mustaqbalka. La caweynta saaxiibbadeed Giti iyo Xasiina, la joogidda ina-adeerkeed, jacaylkeedii nolosha Daariq waa u farxad. Waxa ay ku riyootaa waxbarashadeeda idleynteeda, ka shaqeynta shaqo ay ku qanacsantahay. Aabbaheed waxa uu marwaliba ku waaniyaa kuna dhiirrigeliyaa waxbarashada, isaga ayaa u sheega in ay mustaqbal wacan dhisato nolosheedana maamulato, isagaa ku yiraahda “guurka waad raajin kartaa se hadafka waxbarasho maya” isagaa u sheega kalsoonida uu ku qabo kartideeda iyo sida uu u hubbanyahay waxgalnimadeeda. Isagaa yiraahda in dalkeedu dagaalka dabadii u baahanyahay kaalinteeda, isagaa aaminsan in bulshadu guul gaari doonto haddii dumarkeedu waxbartaan. Qumanaha ku jira sheekada ayuu ahaa; kaddib Daariq iyo Macallinkii qur’aanka u dhigi jiray Maryan.
Adduun kuma sugo kaamana sarriigto, maqalka iyo marag ka noqoshada geerida kuwii ay jecleyd ayey u soo joogtay, waxba kama ay baddali karin, geeridii labada boqor ee hooyadeed —Axmed iyo Noor, Wiiftadii haleeshay saaxiibteed Giti, dhoofkii saaxiibteed Xasiina, safarkii jacaylkeedii nolosha, waayiddii labadeeda waalid, dhaawacii jireed ee gaaray ayada, intii waxaa ugu darsantay maqalka geeridii Daariq. Waxa ay ku danbeysay ayada oo jiifta bartanka guri xiran, laba ruux oo iyada u adeegayana ay dul qotomaan, Maryan iyo Rashid. Ka dib qalalaasihii nolosheeda, waxa ay si qasab ah ku noqotay marwada Maryan la wadaagta ninkeeda Rashid. Aragtida waxaa lahaa Rashid, Maryan dooq kuma lahayn, kamana ay hadli karin, kama caban karin in dhaawacii ay qabtay mid kale oo in lala guursado ah loogu daro, lama weydiin e waa la ogeysiiyay.
Rashid ma aha ninka ay gabari xitaa sikin ku riyooto! Aan iraahdee waa sidii nin Carbeed, nin Soomaaliyeed! Cabbirka aan saarayo nin Carbeed iyo nin Soomaaliyeed maaha ceebeyn aan anigu la rabo e waa sida xummidoodu ay dhegahayga iyo arraggeygu uga marag yihiin. Ceebeyn kuma aha kuwa dul iyo dhimirba ilaaliyay bedqabka gabar, mana aha in ay qeexitaankaa ku xajiimoodaan. Rashiid; waa xaasid, waa axmaq, waa gun oo waa fuley! Waa damiir laawe, dumar dile ah! Waxa uu ku canaantaa in ay sharafkiisa dhowraan, isagu ma dhowro xuquuqdooda, waxa uu faraa in ay addeecaan halka uu isagu babbaco walba dil iyo canaan u miiso.
Intii aan akhriyayay buugga run ahaantii caaddifaddeyda oo dhami waxa ay ahayd heegan, waa aan dareemayay oo aan xanuunsanayay marwal oo ay sheekadu tebiso in uu iridka soo galay, ama uu guriga joogo. Ceebtiisa waxa uu xaasaskiisa ku qasbi jiray in aaney bannaanka u bixin. Waxa uu ku waanin jiray in ay ceeb tahay sida haweenka reer yurub ay u labistaan, sida ay isu qaawiyaan, in aaney iyagu sidaas oo kale u dhaqmin— oo ey dhowraan sharafka ninkooda! Maba ay ahayn iyagu kuwo sidaas yeela, se waxa laftooda isu qaban weyday canaantiisa iyo in uu isagu aqalkaba ku heystay majallad sawirrada dumar qaa-qaawan la isugu keenay. Bal muxuu isagu u daawadaa haddii ay danbi tahay, waa suaasha aaney Maryan jawaab u helin. Muxuu cabbirkiisu u yahay haaweenka reer yurub ee aanu isla haweenkiisa cabbir uga dhigan, waa maanyaridiisa iyo xasaasiyadda ina-rag uu haween oo dhan ka qabo.
Nolosha sidaas ah, dagaalka iyo qajafta daran ah, waxa ay mideysay qalbiyada Maryan iyo Leyla, haddii ay Maryan— Leyla ku haruufi jirtay in ay ninkeedii ka xadday, haddeer waa laba dumar ah oo isu qirsan waxa ay mid waliba xamishay, iyo dhabbaha sugaya, go’aanka in ay midoobaanna uu ku yahay qasab. Waxa ayna ku mideysay is aqbalitaan, adkeysi iyo isu damqasho. Maryan, isku day badan ma ay noqon hooyo, Se Layla markeedii koobaad waxa ay noqotay hooyada Casiisa. Rashid kumuu farxin manuu danayn maaddaama uu rabay in wiil u dhasho. Isku daygii labaad waxa ay xamishay xanuun badan oo ay si qalliin ah ku umushay wiil. Markale ayey sheekadu qaawineysaa xumida nin Carbeed iyo mid Soomaaliyeed.
Noloshii waa ey adkaatay, dilkii iyo wax wal oo xumaan ahaana wey bateen. Afgaanistaan waa ay gilgilantay, sidii Muqdisho na u haawatay. La wareegidii Taalibaan waxba ma ay soo kordhin ilaa culeys kale mooyee, mid uun baa laga reystay ah dagaalkii iyo xabbadihii aloosnaa. Waa halka ay noogu jirto lixdii bilood ee maxaakiimta. Xeerar adag iyo caburis hor leh. Abaar daran baa dalkii ka dhacday, dheehii wejiyada iyo wax wal oo qurux ahaa na waa ay doorsoomeen.
Daariq, maalin aan laba filan ayuu iridka guriga Rashid soo istaagayaa—halkaas ayey dib ugu kulmayaan lamaanihii yaraanta is jeclaa. Daariq, ma dhiman, Layla qiyaasteedu waa in Rashid ka danbeeyay dhoodhoobka geeridiisa, iyo in sidaas loogu sheeego si uu ayada u guursado. Xaggaas ayey iigu xaqiiqowday in si wal oo dunidu u kala geyso laba si dhab ah isu raba, ay mar uun dib u midoobi doonaan. Waxa aan laga quusanna ay tahay khiyaalka dib u midowga. Dhammaadka buuggu waa mid xiiso leh, qof walna waan kula talinayaa in uu akhriyo!
Dhowr murti oo ku jirta buugga ayaan sidan usoo tarjumay, waana macquul in si kaga habboon loo dhigi karo;
– Wax kastoo dhib uu qofi maro, ma jiro culeys ka daran ka sugitaanka.
– Bulsho, waa la sahmin karaa guusheeda, haddii dumarkeedu ay waxbartaan. Guurku waa uu ku sugi karaa, se waxbarashadu Maya.
-Ninna qalbigiisu ma jilcana mana aha mid kuu naxaya, ma aha uurka hooyadaa oo kale, oo aad Ka heleyso daryeel iyo diirranaan dareen. Ha filan waligaa.
-Iga baro haddeer oo gunto, ninna ma deyn doono eedeynta dumarka.
-Culeys iyo murugo walba, Eebbe sabab ayuu inoogu salliday.
-Waan ku welin doonaa, ilaa dhamaadka adduunyo.
-Iyadu waa aragga indhahayga, amiiradda qalbigeyga.
-Aqoonta waxaad ka baran kartaa buugaagta, SE waxaan jirta mid ay tahay in aad aragto oo dareento. Haddii kale ma baran.
-Si aad u nafisto, sirahaaga dabeysha socota raacsii, ha se u caroon haddii ay geedaha sirtaada siiso.
-Jacaylku waa waxa si lama filan ah qofi u helo, haddana dhiirranidiisu ay kuu suurageliso in aad illoowdo mushkiladaha.
-Afghanistan, nabad kuma ladi doonto miyaa! duullaan ba duullaan, adagaa dadkeedu, rejadooduna noolaa!
-Maan ahaado wax aan jirin! Muruga waynaa oo xanuun badanaa sikinnada, saacadaha, sitimaannada iyo sanadaha I sugaya in aan noolaado iyaga la’aantood. Miyaan awoodi doonaa! Daciif ayaan noqday, qalbigeygiina wuu cuslaaday.
-Yaa u sheega dadka in aaney carruur kale ba dhalin haddii aaney siin karin jacayl la mid ah midka ay curaddadooda siiyeen.
-Miyaad ooyeysaa? —Ma ooyayo, adiga kuuma ooyayo, kuumana oyn doono kun sano kaddib xitaa!
-Mid uu Abras qaniinay wuu gam’i karaa, ma se lado mid gaajeysani.
Hadalkan aad bu ixanujiye
Ax yaa aduunyoy💔
Maan ahaado wax aan jirin! Muruga waynaa oo xanuun badanaa sikinnada, saacadaha, sitimaannada iyo sanadaha I sugaya in aan noolaado iyaga la’aantood. Miyaan awoodi doonaa! Daciif ayaan noqday, qalbigeygiina wuu cuslaaday.