FALANQEYNTA; SH.ABDIRAHMAN BASHIIR EE DAGAALKA FALASTIIN IYO ISRA’IL
Adduunku wuu xoroobay ilaa Falastiin baa dhiman. Anigu Damiir ahaan iyo Caqiiddo ahaan waxa aan la jiraa xoriyad doonka Falastiin.~ Sh.Abdirahman Bashir
7da October-Sabtigii, waxa qormay taariikh ku cusub dunida, qidda ahaan iyo filasho ahaan ba, dagaal u dhacay si ka duwan sidii dagaallada Bariga Dhexe laga soo tebiyo ay ahaayeen. Dhacdadani waxa ay ahayd dhacdo markii ugu horreysay ay Falastiin hoggaanka dagaalka iyo istaraatiijidda dagaalkaba ku hanjebisay Esrael, qorshuhuna uu ka fulay gudaha Esrael, horraan gaadmada yahuudeed iyo is gacansaarka jabhadda xaqudirirka ee Xamaas waxa uu ka dhici jiray dhul xiranka GAZA, se dagaalkani waxa uu ahaa mid kadiso ku noqday indhihii caalamka iyo dowladdii lagu sheegi jiray hormuudka sirdoonka iyo awoodda Bariga Dhexe, dagaal waxa dhacay ay ayaga qudhoodiiba qireen in muddo 10 saacadood ah ay karti u yeelan waayaan in ay fahmaan jihooyinka dagaalka.
Fasirka dagaalka falastiin iyo Esrael iyo halka uu salka ku hayo waa lagu kala macneyn duwanyahay, Afar qolo ayaa se ugu mudan. Qolo u aragta in qaddiyadda dagaalku tahay jihaad diineed, oo ka dhigan in ay muslim iyo Gaalo ku dagaallamayaan dhulka falastiin. Qolo labaad, oo ku macneeya gumeysi iyo gumeysi diid, oo ka dhigan in Esrael ayku soo duushay dhulka Falastiin, Falastiiniyuuntuna ay gunnimo diidayaan. Qolada Seddexaad waxa ay lasoo shirtagaan in dagaalkani uu yahay mid ku qotoma isir nacayb, oo macnuhu yahay in cidda dagaallamaysa ay tahay carab iyo yahuud cirqi ahaan is haya, waligoodna isi soo hayay! Qolada afaraad waxa ay u rideen fasirka in dagaalkuba yahay filim uu masraxa keenay ingiriisku, qotonkuna yahay dhaqaale maaddaama bedka lagu dagaallamayo uu yahay mid la dihin ilo dhaqaale, oo ka dhigan in labada dhinac ee is hayaba uu masraxyda ka daawanayo ingiriisku. Dhab ahaan se waxa uu dagaalku yahay dagaal dhul boob iyo dib u dejin ah, loollan xadaari ah ujeedkuna yahay tirtirida taariikhda caqiiddada iyo xadaaradda carbeed maaddaama barta loollanku yahay wadnaha dunida Carabta, uuna ka fogyahay sida loo fasirto ugana gundheeryahay ujeeddo ahaan.
Dagaalka dhacay waxa uu xambaarsanyahay ujeeddo weyn, qiddad ahaan iyo fulin ahaan ba. Xamaas waxa ay istimcaashay istaraatiijiyad dagaal oo cajiib ah, heer duniduba ka seexatay warbaahinnadii duniduna ay suuqgeeyeen in Xamaas ay ka quusatay qaddiyaddoodii, loona arkay in ay ka daashay dhinac walba ayaa ay si lamafilaan ah usoo muuqatay awooddoodu. Waxa ay la soo laabatay oo ay xoogga saareen muddooyinkii ay saaxadda ka maqnaayeen is hormarin iyo dhismo gudeed oo ah in ay ku mashquushay xoojinta awooddooda iska caabbineed, iyo diyaarinta ciidamo dhan walba u diyaarsan oo loo diyaariyay in ay jiha walba kaga yimaaddaan saldhigyada iyo furumaha israaiil, heer sirdoonkii iyo raadarradii Esrail ay ku madax wareereen.
in Esrael oo ku jirta 20ka awoodood ee caalamka ugu awoodda iyo dhammeyska ah dhanka isdifaaca meleteri, iyo booliska, sidoo kalena sirdoonka ay tahay dowladda koobaad ee adduunka ugu jirta wardoonka iyo warbaahinta. Xamaas-na ay tahay jabhad ku dhex jirta dhul xiran, shacabku uu ka badanyahay bedqaadka, cunnaqabateynnaduna ay dhan walba ka saaranyihiin. Hub iyo awoodo ciidanna aaney u dhigmi Karin esrael. Guul weyn aey Xamaas ka la hoyaneysaa dhammaadka dagaalkan marba haddii isbarbardhigga xamaas iyo Esrael aanney sinna isula ekaan Karin dharbaaxada intaa la egina ay gaartay.
GUUSHU XAGGEY KA TIMID!
Falastiin waxa ay ku dagaallamaysaa qaddiyad lahaansho ay doonayaan in soo celiyaan, waxa diiwaankooda ku jira ‘Dhulka annagaa leh, xaquna wuu nala jiraa’! dhulkan annagaa u hari doonna. Kama tageynno e waan ku dhimaneynnaa halkan!. Shacab u nafhuraya iyaga oo cunnaqabateynta dunidu korkooda tahay in ay dhulkooda difaacdaan. Waxa ay ku dagallamayaan heysashada muqaddasaadka labada ah ee Aqsa iyo bartii Dhalashada Nabi Ciise, halkaa oo aan ka fahmi karno in dagaalku uu Dhul lahaansho ku qotomo, Muslimiinta iyo kiristanka reer falastiinna ka midaysanyihiin mabda’a lahaanshada dhuleed! Iyo Esrael oo mareysa marxaladdii dowladnimo ee u dambeysay, una muuqaneyso dowlad gabowday dhammaan xeeladihii awoodeed na kol hore soo bandhigtay, awoodda nukliyeerkana aaney ayagu u hayn hogaanka, shacabkeeduna yahay kuwo ku kala tagsan qaddiyadda dagaallada, qaddiyadda jiilka Esrael-na ay tahay kaliya in uu doonayo dhul uu ku noolaado oo uu ku raaxeysto. Se aanu u dhimaneyn una nafhureyn!. Qotonkuna noqonayo in esrael ay u muuqaneyso dowlad gabowday!
Ujeeddada dagaalka dhanka xamaas;
Xamaas waxa ay dagaalkan ka lahayd ujeedooyin badan oo saldhig ah soo nooleynta Dowladnimada dadka reer Falastiin, haddii aan qodobbeynno;
- Difaaca muqaddasaadka, oo maalmiihii u danbeeyay loo arkayay in ay Falastiiniyiintu ka quusanayaan.
- Waxa jira maxaabiis falastiin ah oo ku jira gacanta Esrael gaaarayana shan ilaa lix kun, saa darteedna uu dagaalkani daarranaa maxbuus qabsashada dhanka Esrael si ay jabhaddu ugu gorgortanto in la isdhaafsado maxbuusyada labada dhinac.
- in la soo celiyo miisaanka awoodaha si loo argaggax geliyo Esrael, maaddaama Xamaas loo arkay awood jilicday oo isdhiibtay.
- Soo nooleynta fikraddii dowladnimo ee falastiin iyo hishiiskii Yasir Carafaat iyo Esrael ay wadagaleen! Iyo
- Muujinta wajahaadda iyo matalaadda dowladda falastiin oo noqonaya kuwa u dagaallama qaddiyada dhulka.
falaqeymaha dagaalku waxa kusoo gebagaboobaya in ahdaaftii ku qotontay kuwo dhow iyo kuwo dambeeyaba ay ifafaallada fulidda labadooduba muuqanayso. Waxa uuna ku danbeynayaa dagaalku heshiisyo siyaasadeed iyo dhexdhexaadin uu mareykanku garwaden ka noqonayo, warqaadka heshiisyaduna uu noqonayo laba dowladood oo carab ah, Qadar oo Xamaas ah iyo Masar oo Esrael ah.
Xagguu ka istaagayaa Muslimka Soomaaliga ah!
Qofka soomaaliga ah ee ah muslim damir leh kaliya waxa u furan hal waddo oo garabgal iyo taageero ah, sababo laba ah; waa ta koobaad e in diintennu na fareyso garabgalka dulmanaha iyo la jirsiga midka liita, ta labaad e in Dhulka lagu loollamayo aan u aragno in uu yahay dhul aan leennahay Muslinnimaduna tahay waxa na siinaya.