Kuweenna u nool sida dhabta ah ee aan khiyaalka iyo khayaanadu salfan, danaysiga, iswaalka, istuska iyo faanku aanu ugu jirin qaamuuska. Qabka iyo qiyamka qofnimo uu yahay dastuurkooda; laamaha falsafadda waxa aan ku leennahay hal laan oo daraaddeen u jirta lahaanshaheedana aan ku faani karno.
Stoicism! Waa falsafad u abuuran inay naga dhigto kuwo adkeysi badan, farxad ku naallooda, dhowrsoon, caqli iyo dhug yeesha, saaxiib/walaal/waalid/shaqaale wanaagsanna noqonno.
Sideen Ugu Noolaanaa Qunyar Iyo Qurux!
Waa run, waxa aan ku noolnahay adduun aad u dahsoon oo aaney xaqiiqada helisteedu fududeyn, macanaha noloshuna aanu qeexitaan la isku raacay lahayn. Adduun ay waxyaabo xunxun iyo dhacdooyin aan la filayni ku lammaan yihiin nolosheenna, kuwaas oo dhabar-jab weyn ku ah himilooyinkeena iyo dareennadeena. Waxa aan waqti badna ku bixinnaa is-dhexgalka bulshada iyo wararka faraha badan ee aan la isku halayn karin ee aynu maalin kasta ku aragno baraha bulshada, kaliya si aan uga fogaanno dhabta aynu la noolnahay.
Waxaanu xasilooni ka raadinnaa meelo aan ku shabbadeynnay in ay ina siiyaan xasilooni dhab ah, waxa aan xasilooni ka raadinnaa cabista bunka, tagidda meelaha qurxoon ee dabiiciga ah sida xeebaha iyo buuraha. Waxaanu si joogto ah u dhisnaa xiriirro aan xasilooni waara lahayn, kaliya si aan waqtiga u dhuminno! Waxaanu haasaawe badan la samaynaa dad badan si aanu uga dhuumanno in aynu la fadhiisanno nafaheenna, lana macaamilno fikradaheenna. Waxaanu ku qosolnaa kilibyo aan baraha bulshada ka daawannay oo aan ka raaddinnaa dhoollacaddeyn aa gundheerideedu jirin, yacnii aan run ahayn. Dedaal badan badan baan gelinnaaa si aan u faraxno innaga oo aan isweydiin gunta muragada iyo waxa innagu keenay. Isku day walba se waa daroogo kale oo kaliya ina siinaysa raaxo gaaban.
Haddaba, sideen ugu noolaannaa qunyar iyo qurux? Ma jirto jawaab gaaban oo aan ku siin karo,haddii aanad adigu macnaha nolosha fahansanayn. Se dib u eegista nafta iyo macno u yeelidda dareennada kala duwan ee kusoo wajaha waa irid fudud oo quruxi ka billaaban karto.
Stoicism, waxa ay ahayd falsafad marwalba taagneyd si toganna u saameysay habdhaqannada qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaashii, boqorradii, filasoofarradii, qorayaashii iyo taariikhyahannadii waaweynaa ee dunida, waxaa ka mid ahaa; Marcus Aurelius. Frederick the Great, Montaigne, George Washington, Seneca, Epictetus, Thomas Jefferson, Adam Smith, John Stuart Mill, Theodore Roosevelt, General James Mattis.
Ereyga ‘Stoic’, waxa uu u dhigmayaa qofka xaaladaha qarriban ee soo wajaha noolaan karaa isaga oo aaney saykoolojiyaddiiisa iyo dareemihiisu waxyeelloobin. Nuxurka aragtidan falsafadeedna waa uun qunyar iyo qurux u noolaasho. Stoicism waxay ku saabsan tahay aqbalaadda iyo wajihidda, falcelinta iyo lafalgalka hareerahaaga, iyaga oo aan bedqabkaaga waxyeelin. Epictetus wuxuu leeyahay: Waxyaabaha qaar waa aynu maamuli karnaa, kuwana maya. Waan maamuli karnaa aragtiyaheenna, doonisteenna, caadifaddeenna iyo ficilladeena. Mase xakameyn karno gacanna kuma haynno aragtida dadyowyga kale iyo sida ay inoo arkaan, ma xakamayn karno wax kasta oo aan falkenna iyo aragtideenna ahayn. Ma xakameyn karno waxa nagu dhaca, laakiin waxa aan xakamayn karnaa falcelinteenna. “go’aan ayaa u dhaxeeya xamaasadda iyo falcelinta, waana halka aynu jawaaabteenna ku dooran karno. ” Victor Frankl
Aaan dhan kael kaa tuso. Aragtida jacaylka iyo qeexidda ay falsafaddani siineyso. Jacaylku waa dareen aad u qoto dheer oo bini’aadamku la kulmo, leh awood uu qofka ku farxad gelin karo ama ku murugo gelin karo. Waxa aan si fudud u dhahnaa in jacaylka uu yahay dareen aan la xakamayn karin qofkuna uu la bukoodo. Dareen marka uu yimaado wax walba ka horreeya, qofkuna uu ka indho la’aado hiigsiyadiisii qofeed iyo rejooyinkiisii nololeed. Se sidaas maaha jacaylku, falsafadda Stoic, qunyar iyo qurux u noolaashuhu waxa ay ina siinaysaa aragti cusub oo ku saabsan sida loo fahmo loona wajaho jacaylka. Dabcan, ma aha mid qofka ka dhigaysa robot aan wax dareen ah lahayn, balse waxa ay si fudu u miisaameysaa, bedqabka qofka iyo maareynat dareennadiisa. Waxay ina baraysaa in aan kala soocno waxyaabaha aan xakamayn karno (fikirradeena iyo go’aannadeena) iyo kuwa aanan xakamayn karin (dareenka dadka kale, masiibada, iyo waxa nolosha dhici kara).
Jacaylku, waa doorasho. Waa xiriir qoto dheer oo aad la sameyso qof. Xiriir ku dhisan ixtiraam, daacadnimo, iyo kalsooni. Fikraddu maaha in aynaan wax jeclaan, e waa in aan si xikmad iyo xakamo leh wax u jeclaano. In aynu fahanno in qofka aanu jeclaanay uu leeyahay nolol iyo sheeko u gaar ah, taasina aaney ku xirneyn annaga nolosheenna, yacnii in sheekada labada qofi ay kala duwantahay, qof walbana aanu mas’uul ka ahayn wax midka kale kusoo dhacay. Si fudud; Jacaylka ma aha wax nolosha dhisaya, beddelka se waa waxa nolosha qurxinaya. Waxa uu qofka u abuurayaa nolol caafimaad qabta oo isku filan, dareen ahaan iyo maskax ahaanba.
Stoicism, waxay ina baraysaa in wax kasta oo xun oo dhici kara ay dhici doonaan. Khayaalka iyo rajaynta gaaritaanka wax aanad u howlgelin waxa ay marwalba horseedi doonaan niyad-jab iyo diiqad gudeed, se dhabbaha aan uga baxsan karno waa hagaajinta nafteenna iyo diirad saaridda taaganta iyo qanaacada in wax wal oo aad hadda beerato ay mustaqbalka kuu dhigaal yihiin, weegaarka nolosheennuna ahaado mid aan innagu nashqadeysannay oo aan qanacsiinta, iskayeelyeelka iyo doonista qofkale ku imaan. Aan kuu sheego tiirarka aragtidan oo afar ah; Xikmad, Qab, Debacsanaan iyo Caddaalad.
Xikmaddu, waxay ka dhigan tahay awoodda aan u leennahay doorashada falcelinta waxa nagu dhaca, asalkeeduna waa maxaa ii waxtar leh oo aan sameeyaa cid kalena dhaawacayn, iyo, maxaa dhibaato ii keenaya oo aa ka digtoonaadaa.
Qabku, waa halka lagaga gudbi karo dareenka fulaynimada. Ma aha ciribtirka cabsida, laballabeynta, ama welwelka, se waa wajahidda waxa ay dadku u arkayaan in aaney macno badan lahayn adiga oo qab iyo qanaaco ku dareemaya samayntooda. Waxba igama gelin, aslanna fanka danayn la’aanta waxa ay dadku ka dhihi doonaan ficilladaada waa qab iyo qanaaco maalmahaaga kuu qurxinaya. Samee wixii waxtar kuu leh taako in la eg ba ha ahaadeen e, hana noqon daalim, Eebbe ma jecla kuwa gardarrooda. Xasuusana qodobka koowaad ee aragtidan . Xikmad!
Dabacsanaantu, waa fududeynta habnoolkaaga, heliddaada, iyo xakameynta caradaada. Edeb suubban oo ah asalka saxnaanta dunida. Qunyar u noolansho. Xanaaqa iyo degdeggu qaamuuska nolosha kuma laha ammaan, saa darteed sabab aad martigeliye ugu ahaato yaaney jirin.
Ma jiro wax ka suuban oo ka muhiimsan Caddaaladda, sababtoo ah waxa ay wax-dheef u tahay dadka oo dhan. Samaynta waxa saxda ahi waa caddaalad, xitaa haddii aaney cidna kugu abaalmarineyn. Waa ka uu Aurilious leeyahay “Waa inaan jacayl u qaadnaa dadka, ujeedadeennu na noqoto in aan wax u qabanno, innaga oo aa nan ka sugin inay wax inagu soo celiyaan.” Khayaanada iyo eexdu sinna ammaan kuma laha, taageer caddaaladda, ugu hiilli xikmad iyo geesinnimo. Waan qunyar iyo qurux u noolaasho e.
Waxa aan kaaga tegayaa Gacalle/lo; u nooloow sida kula quruxda badan ee aad martidaada u soori lahayd mar kulankiinna.




M.a allaha ka abaal mariyo
Waxaa jeclaahay dadka laabta xaaran oo lillahi ah, aan ceebaha dadka raadinin, sidey yihiin u dhaqma oo dadka iska dhigdhigin oo daacad ah.
Murakami.
Mahadsanid Suad waa qoral tolmoon oo xaqiiqda taabanayo
Runti sida qurxda badan aad uqortay wakak mhadcelinaa qoralba kan kale ayuu kusii dhibaa waana mid aan lag cajisen Mahadsanid Kun jeer
Mahadsanid walaal.
aad iyo aad ayaad u mahadsantahay, qoraalkaagana ma ku soo bandhiga karaa Taxanaha Sheekooinkeena adeer.
Magaca in aan barto wey wanaagsanaan laheyd
Mahadsanid Adeer. haa, waad ku soo bandhigi kartaan, kaliya copyrigt-ka ilaaliya. Mahadsanid.