WORLD SOCIAL WORK MONTH–MARCH

Gaabisyada:- IFSW:INTERNATIONAL FEDERATION FOR SOCIAL WORK. 

Cilmigan/xirfaddaan waxaa asaas u ah Xorriyadda Shaqsiga iyo xuquuqdiisa bini-aadannimo oo la dhowro, ayadoo aan lagu xadgudbeyn qofna xoolihiisa, sharafkiisa, ehelkiisa iyo fekraddisa. Socialwork waxay asal u tahaywax ka qabashada dhibaatooyinka ragaadiyay bulshooyinka ee ay ka mid yihiin Saboolnimada iyo Cadaaladdarrada, waxa a si qoto dheer ugu xiran tahay fikradda samafalka. Fikradda samafalku waxay dib ugu noqotaa diimaha iyo dhaqanka, oo waxsiinta masaakiinta waxay asal ahaan la xididsantahay dhammaan diimaha ku loolamaya adduunka. Si gaar ah diinta islaamka oo meel aad u sarreysa gaarsiisay is caawinta iyo isku turidda guud, si gaar ahna u tilmaamtay kuwa u nugul oo ey tahay in wax la siiyo ayada oo qofka wax sadaqeysanaya waxna zakka ka bixinaya uu gudanayo waajib diini ah, oo uu ajarkeeda Alle ka sugayo maalinta dambe ee abaalmarka.

Islaamku wuxuu si qoto dheer u xoojinayaa mas’uuliyadda bulshada iyo samafalka, taas oo si xooggan ula jaanqaadaysa mabaadi’da asaasiga ah ee Adeegga Bulshada. Qur’aanka iyo Xadiithka ayaa ka warramaya muhiimadda is caawinta iyo isu naxariisashada sadaqada iyo saka bixinta. Waxa ay u doodaan caddaaladda iyo saamihelka bulshada, ayna waajib diiniya tahay  in la ilaaliyo kuwa nugul oo la hubiyo in qof kastaa uu helo baahiyaha asaasiga ah. Waxa uu si adag u difaacay islaamku xoriyadda shakhsiyaadka, iyada oo aan loo eegin heerarka bulsho. Markale, waxa uu Muslimiinta ku dhiirigelinayaa wanaajinta; dariska, agoonta, iyo kuwa nugul oo dhan. Dhammaan mabaadi’da Adeegga Bulshadunaa intaas ayey dabbaqaan.

Kahor sarakicidda dawladaha casriga ah, kaniisaddaha Masiixiga ayaa bixin jiray adeegyada bulsho markiise boqortooyaddii Roomaanka ey taageertay diinta Masiixiga qarnigii 4aad, kaniisadda cusub ee sharciyeysan waxay dejisay ama ballaarisay adeegyadii bulsheed ee ay hore u qaban jirtay, ayadoo guryo iyo deegaameyn u sameysay dadka saboolka ah, dadka da’da ah, darbi-jiifka, isbitaallada, iyo xarumaha agoonta. Waxaana badanaa lagu taageerayay deeqaha Boqortooyada. Kaniisaddu waxay lahayd nidaam ay ku qaybiso agabka ey isticmaalaan masaakiintu, waxa xiriir la lahaa kaniisad kasta, waxay ahayd xafiiska adeegaha kuwa nugul. Sidoo kale waxa ay u adeegi jireen sidii wakaalado adeeg bulsho oo dhamaystiran oo u shaqaynaya sida isbitaal, guryo loogu talagalay dadka da’da ah, xarumaha agoomaha, xarumaha gargaarka socdaalka ama  soo galootiga. 

Intii lagu jiray qarniyadii dhexe, kaniisaddu waxay saameyn weyn ku lahayd bulshada reer Yurub, Masiixiyiintuna waxay u arki jireen samafalka inay tahay masuuliyad iyo calaamad muujinaysa cibaadada qofka. Sadaqadani waxay ku timid qaab gargaar toos ah ujeedaduna ahayd isku dayga in la beddelo sababaha asaasiga ah ee cudurrada bulshada. Maadaama aysan jirin xafiisyo wax ku ool ah oo ka hooseeya dawladda awoodna u leh hawlo samafal oo baaxad leh, wadaadadu waxay qaateen doorka Caawinta masaakiinta. 

Xirfadda socialwork-gu waxay leedahay sal casri ah oo cilmiyaysan,waxa ayna guud ahaan ku taxalluqdaa saddex qaybood. Midda kowaad; shaqo-kiis shakhsi ah, oo ah istaraatijiyad ay hormuud ka ahaayeen Ururada Samafalka bartamihii qarnigii 19-aad. Midda labaad; maamul-bulsheed, Xaaladaha kala duwan ee ka shaqeynta yareeynta faqriga, ka shaqeynta nabadda iyo dejinta xeeladaha iyo siyaasaddaha horumarka, ayadoo loo marayay dadaallada Ururrada Samafalka ee Bulshada. Midka saddexaad; waxqabad bulsheed oo diiradda lagu saarayo ficillada siyaasadeed iyo si loo hagaajiyo xaaladooda bulsheed ee saboolnimada, rabshadaha iyo caddaalad darrada. ( poverty stress, social conflicts and injustice).

Soo ifbixida cilmigaan waxaa lala mataaneeyaa Kacdoonkii Warshadaha, uuna soo maray heerar kala duwan illaa markii dambe lagu daray liiska maadooyinka lagu dhigto jaamacadaha, fasalkii ugu horeeyayna loo fadhiistay 1898, jaamacadda Colombia.  Xirfadda Socialwork waxa ay soo bilaabatay qarnigii 19-aad. waxayna asal ahaan ahayd dhaq-dhaqaaqyo ka dhashay kacdoonkii bulsho iyo dhaqaale xummo ee uu sameeyay Kacaankii Warshadaha, gaar ahaan halgankii bulsheed ee faqri la dirirka iyo dhibaatooyinka la xiriira baahiyaha dadka. Sababtaasna ay ahayd in faqri la dirirku noqdo waxa ugu weyn ee socialwork-ga horraantii soo ifbaxiddiisa.

Dunida maanta social workers- ku waxa ay la tacaalayaan cawaaqibta ka dhalata dhibaatooyinka bulsheed sida, caddaalad darrada, sinnaan la’aanta, midab-takoorka, jinsi nacaybka, iyo takoorka ku salaysan da’da, naafanimada jirka ama maskaxda. Maantadan, shaqada bulshadu waxay caan ku tahay habka fahamka iyo faragelinta dhibaatooyinka bulshooyinka. Waxa ayna horseedday in faqriga loo aqoonsado in uu yahay aasaas bulsho oo salka ku haya cilado akhlaaqeed si shakhsi iyo bulsho ahaaneedba. Isbeddelkan waxa uu sidoo kale tilmaamayaa horumar kale oo taariikhi ah, mar waa xirfad ku hawlan xakamaynta bulshada, oo loola jeedo xoojinta hagayaasha iyo xeeladaha hormarineed ee bulshada si shakhsi iyo koox-koox ah. 

Qaybaha asaasiga ah ee socialwork-gu waa caddaaladda bulshada, dhowridda sharafta iyo qiimaha qofka, muhiimadda xiriirka aadanaha iyo daacadnimada. Waxaana udub dhexaad u ah xirfaddan mabaadi’da xuquuqda aadanaha, mas’uuliyadda wadajirka ah iyo ixtiraamka kala duwanaanta. Ayna taageerayaan aragtiyaha Cilmiga Bulshada, Bini’aadantinimada iyo Aqoonta guud.

MAALINTA CAALAMIGA AH EE SOCIALWORK.

Maalinta Socialwork-ga Adduunku waa dabbaaldeg sanadle ah ( sanadkiiba mar dhaca), ujeeddadiisuna tahay in lagu muujiyo guulaha laga gaaray u adeegidda bulshada iyo hor-u-socodyada laga dhaxlay. In kor loogu qaado is dhexgalka guud ee bulshooyinka caalamka, iyo in si wadar ah loo difaaco caddaaladda bulshada iyo xuquuqda aadanaha. Sannad kasta, Maalinta Socialwork-ga Adduunka waxaa loo dabbaaldegaa Talaadada saddexaad ee bisha Maarso. Waa dabbaaldeg noqday mid ka mid ah jadwalka adeeg- bixiyeyaasha iyo shaqaalaha bulshada adduunka. Sanadkii 2007 ayaa markii ugu horeysay loo dabbaaldegay maalinta Socialwork-ga Adduunka. Hindisaha dabbaaldegga waxaa ansixiyay ururada xubnaha ka ah Xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Bulshada (IFSW) Kulan wadareerdkii Adelaide, 2004.

Inkastoo fikraddu sii horeysay Maalinta Socialwork-ga Adduunka, waxaa loo dabaaldegay adduunka oo dhan 2007 iyada oo la adeegsanayay hal-ku-dhigga “Social Work -Making a World of Difference”. Sidoo kale abriil 15, 2008, markale ayaa isla hal-heyskii 2007 lagu dabbaaldegay. Hal-ku-dhiggii 2009 waxa uu ahaa: “Making human rights real – the Social Work Agenda” . 2010 Hong Kong ayaa loagu qabtay laguna so bandhigay ajandaha Socialwork-ga a tobanka sano ee soo socda 2010-2020, si laba-laba sano ahna la is ku raaciyay halku dhigyada, wixii ka danbeeyay hal hal sano ayey ahayd. Sidan soo socota ayaana la go’aamiyay; 2012 – 2014: Promoting social and Economic Equality. 2015 – 2016: Promoting the Dignity and Worth of Peoples. 2017 – 2018: Promoting Community and Environmental Sustainability. 2019 – 2020: Promoting the Importance of Human Relationships. 2021: I am Because We are – Strengthening Social Solidarity and Global Connectedness. 2022: co-building a New Eco-Social World: Leaving No One Behind. 2023:  Respecting diversity through joint social action. 2024: Shared Future for Transformative Change. 2025: Strengthening Intergenerational Solidarity for Enduring Wellbeing.

Gabagabadii, fahamka maaddadani waa uu gudoweyn yahay oo waa maaddo isugu jirta dhowr culuum oo kala gedisan sidaas darteed afaafka hore ee waxa uu Socialwork-gu ka dhiganyahay in ay qormadani ibbafur u noqon karto ayaan rajeynayaa.

Tixraac; IFSW org.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *