Xag-xun-jire iyo wadaad xume soo dhowaada labadiinnuba!

In baabbuur liigiddu wiilasha uun u gaartahay waa si u araggaaga iyo sida aanad adigu usoo samayn. Hadde, halkii ay ahayd in aad khatartoo dhanba ceebeysid inaad liigiddaas oo khatar ah wiilashii la rabto hablihiina aad koolkoolineyso ayaa aan ba sax ahayn!

Ha igu dabbaqin noloshaada iyo si u araggaaga, anigu waan kaa duwanahay adiga, adiguna waa aad iga duwantahay aniga! Waad xukumin kartaa adiga oo aan qofkiba aqoon. Wali, ma kala jeclin haddii aad yeesho iyo haddii aad ka korsantahayba.

Waan kuu ognahay oo annagaa marar kugu ixtiraamayna in aanad kala duwaanta nagu ixtiraameyn e, ha nagu dabbaqin noloshaada.
Adiga oo talo na siinaya, noloshaada ha iigu subkin, waayahaagii ha ii macayn, hana ii xumeyn, kaliya iisheeg, oo ii run warran anaa go’aan ka gaaraya bal inaan wada caashaqo, inaan qeyb ka qaato iyo in aan dhammideed ba tuuro.

Ha jecleysan si-u-aalkaaga in dadkoo dhammi yeeshaan, waa isla qummanida e yuu ku gelin kibirkaas. Waa islaweyni e qab maaha. Marar xaaladda isla qummanaantu waa cudur, marar na waaba saxnaanta se, hakuu kala soocnaadeen hadba midda aad la gogol imaaneyso.

Waad ceebeyn kartaa fal wal oo aaney dan kaa gelin haddeer iyo horraan ba, waad ku raaci kartaa bulshadaada iyo inta kugu xeeran caadooyinka ay dhoodhoobteen SE anigu maya, annagu maya! Kugu ma raaci karno. Hubaal haddii aad xiran lahayd muraayado kuwaaga ka duwan, waad garan lahayd xagalka uu qof kale taaganyahay, iyo in aaney ba kala fogeyn barta isku imaatinka labadiinnu. Soomaalidaa xagjiriin ah baa la wariyaa, yeelkadaa haddii aad ka mid tahay se ogoow xag-xun-jirnimadaada iyo isla-qummanidaadu waaqica iyo saxnaata ma doorrinayaan.

Haddii aad aragto aniga ama gabar baabbuur liigaysa, ha dhihin; Alla waa gabar e maxaa ay sidii wiilasha ula dhaqmeysaa. In baabbuur liigiddu wiilasha uun u gaartahay waa si u araggaaga iyo sida aanad adigu usoo samayn. Hadde, halkii ay ahayd in aad khatartoo dhanba ceebeysid inaad liigiddaas oo khatar ah wiilashii la rabto hablihiina aad koolkoolineyso ayaa aan ba sax ahayn!

Ragannimada iyo Naagnimada ha xumeyn oo eray xin iyo buuq bulsheed keeni kara haku larin, hana buunbuunin. Ha iila shir iman, raggaa birta gooya, haweenkaa cunnada kariya, dumarkaa ariga foofiya, raggaa beeraha fala, biilka bixiya, buuraha fuula oo khatarahaa u bareera. Kaama yeelayo oo mowduuc ba Maaha! Yaa qaban lahaa oo kale? Ma nooc seddexaad oo ibnuaaddam ah? Waa heshiis bulsho, sidiisaas in la isku weydaariyana waa Isla heshiis kale. Maxaad ba labadaa jinsi dhexdooda tartan uga abuureysaa, mid walbana meel ugu jaan-goyneysaa. Ha dabbaqin nolol kale haddii aaney waaqiceenna wanaajineyn.
Caqliga wanaagsani wuu kala garanayaa labadaas iyo wax goyntooda. Marka haba ka dhigin mowduuc, haddii se aad dhoodhoobadkaagii cuksaneyso, oo aad adigu xaggii xumaa ee xaggeeyay wali jirto, soo dhowow wadaad xume.

Marar, cilmi ma meerisid se wadaad baad noqotaa, aad ba ahaatide wadaad xume ha noqon. Haddii aad maaro ii weysay ha I wacdin oo in aanu I gelin baa macquul ah, waayo e, wacdigaaguba waa in aad adigu saxantahay aniguna qaldanahay, marna haddii aadba halkaa isla saxnaanta ah joogto adigey tahay in aan ku waaniyo aniga oo aan wadaad ahayn e soo dhowoow wadaad! Waad gareysantahay laftaaduba in aanan xeerar Eebbe iyo kuwo akhlaaqeedba ku xadgudbeyn, SE aad diidantahay in aan ab-ka-soo-gaarkaagii maagayo, hadde taa na kaa aqrisan maayo oo waa waxa aan rabno in aan masaxno, dabcanna wixii waaqiceenna wax ka taraya kala harno.

Ha noqon, Qaaddi ay ahayd in isaga la xukumo laguna maago waxa uu dhoodhoobayo, haddana isagii wax xukminaya ummaddiina jiheynaya. Haddii aad noqotana, annaguna waxa aan ahaaneynnaa kuwo ka baxsada xabsigaaga, ceebeeya oo yasa xeerarkaaga.

Ka kaalay xaggaa e, marar badan waxa aan isku heysanno ayaanan waxba ha ahayn. Waa sidaas oo waxa aan maalinba u aragno shaarka midnimada Soomaali oo qoliba meel u jiidaneyso, la isku ximayo la iskuna maagayo. Se aan marna la isaga imaaneyn dood na laga abuureyn haddii aan midoowno oo aan markale wax isku darsano bal maxaa inoo jiha ah oo aan Ku heshiinnaa iskuna sii keen-haya, qolo walbana u dan ah. Dabcan, howlahaa iyo ka mug roon baa innoo yaalla, Se wali musdanbeedkii, iyo heblaa maro hebel xiratay, iyo qolo heblaayaa qolo kale ka laandhereysan ayaan dhaafi la’nahay, sidaas ayaana dhakafaar aan jirin noo dhex oollayaa, baraheneennuna ukala sidkanaanayaan!.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights