MAS’UULKII YARAA!

“Dhankee ayaad rabtaa inaad u goyso laamiga?” ayaan weydiiyay, maadaama uu taagnaa bartanka. “DHINACAAS” Ayuu iigu halceliyay. Waa isla dhankii aan u socday e, Intaan gacanta qabtay oo la tallaabsaday, ayaan gacantii kalena ugu haatiyay Gawaaridii arooreysay, si ey nooga joogsadaan, annaguna aan tartiib ugu laafyoonno!. Markaan dhinacii isla marnay, ayuu yiri ” EEDDO, ma meeshaan ayaad geleysaa” ” RAG sow ma fadhiyaan, si aan kabaha ugu caseeyo?”. HAAH ayaan iri, saa waan ku hubay rag meesha e, gudihii ayaan isla sii galnay.  Anu xaggaan u jiheysnaa ayaan sii abbaaray, isna goob raggu ku fadhi badnaayeen ayuu u leexday. Maantaas sidaas ayaan ku kala yaacnay, oo dib iskuma arkin ilaa maalintaa dambe oo aan sheekeysan doonno!. 

Abbaaro seddexda iyo afartan GD ah ayaan ka soo tegay xarunteydii, wax ballan ah oo aan meel kula leexdo ma laheyn e, inaan xaafaddii aado ayaan bartii baska aan ku sugi lahaa isku soo taagay. Waan ogaa basaska jihada aan rabo u raran in ey dhif yihiin, oo waan ku fadhiyay Inaan cabbaar sii taagnaan doono e, birta dheer ee boorku suranyahay ayaan isaga sii santeecsaday. Mowjadaha hirarka baddu kulama tashadaan, kula mana sugaan xilli aad diyaar u tahay in aad u gembiso iyo inkale e, iney ku qarqiyaan intay karaan ayey isku urursadaan oo iyagoo Xawaareysan ayey kusoo gaaraan. Markaas ayaad adna baraarugtaa ood hilhilataa, hadba xirfaddaada e inaan biyuhu ku maasheyn ayaad ula legdentaa hirka. Mowjadaha Fekerkuna waa tabtaas.  Waa caadadey mar haddaan isku helo jawi galbeed, ceeryaamo roob iyo neecaaw hugmeysa e, Anoon u dhug yeelan ayaan Dhex muquurtay, mowjado iyo hirar kala duwan, mood-keyga iyo dareennadeydana kala beddelay, oo gebigood ba maskaxda ayaa xukumata ayada ayaana maxkamadeysa e, sidey doontay ay isugu calwisay. Anna kama soo laaban e iska sii daba kacay. Sow tabtii HIRARKA BADDA maaha? Oo kuma sigan inaan iska sii taagnaado, oo maalintuba sidaas iigu dhammaato.

Sideydii anigoo u maqan ayaan ku naxay, qof cod caato ah igula juuq leh “EEDDO”. intaan majeertay dhinacii codku iga halgaaday ayaan Aqoonsaday, oo gareystay in uu yahay wiilkii darraad. Waa tabtiisii, Shaarkii riigmaha buluugga lahaa iyo surwaalkii gaabnaa ee beyga lahaa ayuu xiran yahay, gasacaddiisii uu mirraaqa ku garab gashanayay ayuuna sidii u sitaa. Wuu igu soo dhaqaaqay ilaa uu isoo hor joogsaday. Naag dheer waan iska ahaaye, iima qumanaan inaan Taagnaanta kala hadlo saqiir kor ii eegaya, inaan kadalloobsadana iima fududa oo meeshu waa Waddo camirn e, Intaan yara rogmaday oo qoorta raariciyay ayaan gacan-salaamay. Isna nin karmeed ababin fiican soo helay ayuu ahaaye dhunkaday gacantaydii. Bariidin kadib ayuu iigu war-billaabay, “eeddo magacaa?”. SUCAAD, sucaad ayaa la I yiraahdaa cadde, Adna magacaa? Ayaan ugu halceliyay. “Xaseey!, xasan aways, ayaa la i yiraahdaa anna” ayaan ka qabtay erayadiisii. 

Dhankii dadku marayeen, intaan ka leexannay, ayaan Iska sii dhacleysannay aniga iyo xasan yariisoow, waxyaalihii uu ii sheegay ayey ka mid ahayd in uu isagu yahay curad seddexaadka qoyskiisa, hase-ahaatee uu hadda yahay ninka reerka ugu weyn, ka gadaal markii curadkii koowaad iska dhintay-(in uu jadeeco u dhintay ayuu u badinayay-), curadkii labaad oo gabar ahaydna ay shil gaari ku dhimatay!. Aabbihii iyo iyagu iney kusoo kala hayaameen QORYOOLEEY oo degaankooda ahayd horraan, haddana ay hooyo shugri kula noolyihiin kaamka!.  Inuu mas’uul diran iyo nin karmeed yahay ayaad  ka garaneysaa Dhiiranaantiisa iyo hadal-heliddiisa. “Ani subaxdii camal aa guriga ka soo baxaa, hooyo ma raaci, kaligey iska soo baxo, waa iska soo lugeeyaa ilaa inta, mar-markoo-ne inta maba imaado. alaabtaan iidaa (hooyyo) ii gadday, anna intii maalinti ku shaqeeyo, wax ma ka qariyi hooyo. Wee ii fasaxday inaa BUR ama ROOTI gato, laakiin inta kale waa u geeyaa. Hooyo iyo abbaayeey oo yar IIKAALMEEY wixii ey ka soo helaan iyo intii oo ani keenay markii la isku daro sa-fiican waa noogu filantahay habeenkii. Ani baasto cijo-cijada waa jeclahay, ummaayeeyna wee noo karisaa………..” Wada-sheekeysigeennii ayuu intaas iigu warramay xasan yariisoow. 

Maba garaysan anigu e, lambarkeyga ayuu I waydiiyay inaan u sheego, Anna ma dhibin e stick-note aan watay ayaan ugu dul qoray. Ujeedkuu ka lahaa waan qiyaasayay oo in uu hooyadiis ila soo hadashiinayo, amuu isaga laftiisu igala soo hadlayo ayey iila ekeyd.  Runtii waxa uu ahaa fariid yar, waa isaga oo kale kuwa dhifta ah ee aan aragno shakhsiyaddooda wanaagsan!. Nolosha ayuu rabaa in uu ka sal gaaro, inaanu quusan oo aanu is-liidin ayuu guntanyahy, mas’uuliyadda reerkiisu iney isaga aabbe dhahayaan ayuu gareysan yahay. Magaaladaan ayuu aamminsan yahay inuu Raggannimadiisa iyo hal-adeygiisa uga caano maali karo!.  Dhankuu ii sheegay in uu u socdo basaskii u socday ayaan saaray, bas-raaciisiina farta ayaan ka saaray! 

Xasan imaanu soo wicin ilaa hadda, Anna doqonnimadeyda e kiisii kama reeban!, maantii aan kulannay waxaa laga joogaa maanta ku seddex. In uu bed qabo, nolol taas dhaantana ey ku naalloodaan isaga iyo qoyskiisu ayaan se u rajeynayaa!.

#jimcowanaagsan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *