DILAA QARSOON: HALISTA DAROOGADA
Sumadda Soomaaliya, waxaa marwalba ku lammaan xusuusashada dal burburay. Laga soo bilaabo caqabadaha taariikhiga ah ee la soo wariyo, habnololeedka bulshada ilaa xaaaladihii ka dhashay dumiddii dowladdii dhexe, wax Alla iyo wixii ka dannbeeyay waxay abuureen duruufo qallafsan oo shaqsi kasta ku qasbay inuu maareynta nolosha u maro jaadad iyo xeelado kala duwan. Wixii dhacay waxa ay ka tageen dhaawacyo nafsaani ah, colaado sokeeye oo weli socda, shaqo la’aan iyo fursadaha shaqo oo koobmay, waxbarsho la’aan, iyo faqri heer walba ah, dhibaatooyinkaa isdaba joogga ah waxa ay dhallinyaro badan ku reebeen welwel iyo rajo la’aan. Waxa ay dhallinyaro badan u nuglaatay qar-iska-tuurnimo aan la malaysan karin.
Daroogo, balwad, maandooriye intaba dheh; aafada maanta ugu weyn ee galaafatay mustaqbalka kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed, si aan lagu baraarugsanayn. God, haddii uu qofku ku dhaco ay adagtahay in uu dib uga soo baxo.
Aafo, ay ka billaabato burburka qofnimo, si fudud na saameyntu u gaarto bulshada guud. Khatar caafimaad oo caalami ah, dunida seddexaad iyo dalalka burburay na ay ugu sii nugulyihiin dhinac walba; bulsho, dhaqaalo, horumar iyo caafimaad.
Si fudud baan u dhahnaa ‘maandooriye’, se runtu waa in daroogadu tahay; nololdoorin, dhaqandoorin, mustaqbaldoorin, yacnii WAX-KASTA-DOORIN. Tijaabin ayey ka billaabataa, waxa ayna qofka ku jiheysaa iridda ba’a iyo hoogga. Jihada rejabeelka iyo quusta, kuna danbeysaa isqurgoyn (suicide), ama geeri soo degdegta.
Marxaladda qaangaarka iyo da’da labaataneeyadu (Adolescence and early adulthood) waa wakhtiyada ugu horreeya e ay billaabato balwadda iyo qabatinkeedu. (Dec, 2023). Eedaha burburka Soomaaliya hadba waxa loo tiiriyaa colaadaha iyo fakhriga iyo sababo kale, se waxa xaqiiqo ah eedda laga weeciyay maandooriyaha iyo qabatinka balwadda.
Halbeeegga horumar e dal walba waxa indhaha koowaad ah dhallinyarada, haddii ay uun tiro tahay figta sare ayaan joognaa, se hubantidu waa in halbeeggu yahay tayada iyo heerka wax soosaar e dal walba, hormuudkuna yahay dhallinyaro.
Guud ahaan, duruufaha dalka ka jira waxa ay cusleeyeen noloshii bulshada, waxa se dhallinyarada u raacay qodob kale oo noloshooda galaaftay. Adduunka oo dhan dhibaatooyinka maandooriyuhu waxxa ay si weyn u kordhiyaan xanuunnada iyo dhimashada dhallinyarada. (UNODC). Daroogo! Dhibaato aan kaliya iyaga ku koobenyn e ka sal ballaaran mid shakhsi. Aafo curyaamineysa bedqabka iyo horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo amniga.
Soomaaliya, si gaar e Muqdisho, inkastoo magaalooyinka kale iyaguna kala simayihiin, si gaar ah caasimaddu waxa ay wajahaysaa xaalad gaar ah oo halis ah. Nuglaanta dhallinyaradu waa ay korartay. (Dec, 2023) Dhallinyaro wajahaya; rabshado maalinle ah, kuwo barakac ah, shaqo la’aan dabadheeraatay xalkeeduna aanu muuqan, helidda balwaddda oo si walbo u fudud, sii wad uun!.
Saamaynta daroogadu waa ay kala duwan tahay, hadba nooca la isticmaalo, guud ahaan dalka, ta ugu caansani waa KHAATKA. Beryahan waxaa diiwaanka lagu daray kororka kiimikooyin kale oo ka ba halis badan khaatka, kuwaa oo horseeda xanuunno maan oo joogto ah, iyo waxyeello sii naafeysa maskaxda iyo neerfaha, ugu danbeyntana sababta geeri.
Beri dhexe waxa baraha bulshada aad ugu faafay, (trend) noqday muuqaal lagu magacdhabay noocayda ay dahllinyaradu isticmaalaan sida; Shiishada, xashiishka, blue tablet, bilibili, tramadol, diyaas bam, codeine syrup, iyo cocaine. Waxaa intaa raacsan Khaatka, iyo Morphine-ka oo ah kuwa ugu caansan. Ogooboo, mid kasta wax uu leeyahay saameyn ta kale ka ballaaran!
Guud ahaan adduunka, cabista sigaarka ama isticmaalka tubaakada waxaa lagu qiyaasaa in ay isticmaasho 1.3 bilyan oo qof maanta, oo ku dhawaad 80% ay ku nool yihiin waddamada soo koraya. Tubaakada iyo sigaarka waxaa ku jira in ka badan 7,000 oo maado kiimiko ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, halka 70 ka mid ah ay sababi karaan cudurka halista ah ee Kansarka (March,2023). Khataruhu ma sahlana. Bal u fiirso waaqaceenna, iyo inta maalintii sigaar cabta? Waa tirobbeel iyo quus!
Daraasad baa xaqiijinaysa gudaha Soomaliya, kororka isticmaalka daroogada awgii; in la diiwaangeliyay noocyo cusub oo halis ah. Daroogada neefqaadashada (Inhalants), oo ay carruurta dariiqyada ku nool aad u isticmaalaan sida xabagta (glue), buufinta iyo walx0 kale ee sun ah. Wax sahlan ma aha isticmaalka xabagtu waayoo waxa ay si daran u waxyeeshaa habdhiska neefsashada iyo maskaxda. Waxaana ku marag fureysa wasaaradda Haweenka (Qoyska) iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo xaqiijisay in ka badan 40% carruurtaasi ay isticmaalaan. (Jan 2024)
Isticmaalka dawooyinka Opioid-ka, sida Tramadol-ka oo ah daawooyin lagu daweeyo xanuunnada daran (Aug 2025) ayaa kor u kacay, maadaama oo aaney jirin xakameyn guud oo isticmaalkeeda ka dhigan, meel walbana laga heli karo. Isticmaalka cirbadaha (Injected Drug Use) oo keena khataro caafimaad oo ka ballaaran kan ay daroogadu keeni lahayd, maadaama oo ay dhallinyaradu isla wadaagaan, waxa ay sabataa isku gudbinta cudurrada dhiigga ku faafa sida HIV iyo cagaarshowga (Hepatitis).
Daraasad kale oo ay sameeyeen Dr. Abdulrazaq Yusuf Ahmed iyo asxaabtiisu (Dec, 2023), waxay diiradda saaraysaa xaaladda sii kordheysa ee isticmaalka daroogada (narcotics) ee ka dhex jirta dhallinyarada Muqdisho. Waxa ay inbadan ku raaceysaa daraasaddu in daroogadu tahay khatar qaran. Iyo in isticmaalka Opioid-ka (dawooyinka xanuun bi’iyeyeaasha xooggan) uu yahay mid jira.
Dhan kale, waxa daraasadda ka qeyb ahaa dhalliyarada darbijiifka e aan heysan guri iyo nolol kale, run ahaantana xiriir baa ka dhexeeya qabatinka daroogada iyo guri la’aanta, waayoo waa ay usii nugul yihiin khatar walba oo ay balwaddu qof gaarsiin karto, iyaga oo si xooggan u qabatimaya.
Dabcan, xoog baa jira ku riiixaya dhallinyarada hoggaa, iyada oo ay daraasaduhu soo bandhigayaa in sababaha aasaasiga ah ee balwadda keenaya ay yihiin, cadaadiska saaxiibbada (Peer Pressure), sida la dhaho saaxiibbadu waa seef labo afley ah. Wanaaggeedu waa tirabbeel, sil amid ah xumaanteedu, halkaas baan u socdaa Daraasad baa muujinaysa in 21% oo dhallinyaro ah ay isticmaaleen daroogo ugu yaraan hal mar, saaxiib dartii. (2025)
Shaqo la’aan baahsan, rejo la’aan, daroogada oo si fudud looga heli karo farmashiyeyaasha iyo dukaamada, dhallinyarada oo daroogada u isticmaalaya in ay kaga gabbadaan waaqaca, ama in ay ku yareeyaan welwelka, walaaca, iyo dhaawacyada nafsaaniga ah (trauma) ee ay soo mareen; waa sababaha eedda.
Dawlad la’aanta. Mayee aan iraahdo; nidaamyada dowladeed oo aan awoodo ku filan lahayn, caadiyaynta adeegsiga daroogada iyo in ay isku dayasho noqotay. In dowladdu canshuur ka qaaddo; Sigaarka, Tubaakada, iyo Qaadka, oo si dadban u xalaalaynaya isticmaalkooda; waa waxa dhallinyaro badan ku riday hog ay si miyirbeel ah u qaataan khatar, iyaga oo aan dhab ahaan garanayn khasaaraha ay dhaxalsiin doonto.
Dhowr mar baan iri; aafada daroogadu kuma koobna qofka. Waxa aan ka wadaa; qofka balwadda leh maskaxdiisu waxa ay si tartiib ah u lumisaa awooddii ay ku kala saari lahayd waxa saxda ah iyo waxa khaldan. Daroogadu waxa ay xayirtaa damiirka, waxa ayna yaraysaa dareenka cabsida iyo mas’uuliyadda qofnimo, tan guud daaye.
Waa taas sababta aan u aragno in ay ku kacaan falal aanu waligii samayn lahayn isagoo caadi ah. Qofku, waxa uu kaliya diiradda saaraa sidii uu u heli lahaa qiyaasta daroogadiisa. Markale waxa uu ka fogaadaa dhexgalka qoyskiisa iyo bulshadaba, taasoo ka dhigaysa in aanu dareemin culeyska falalka uu ku kacayo.
Markale, waa anigii iri; daroogadu waxa ay waxyeeshaa bedqabka iyo hurumarka bulsheed; waa tan sababtu! Daraasad (Jan 2024) ayaa xoojineysa in balwaddu ay si toos ah ula xiriirto arrimaha amniga iyo bulshada. Waayoo, xakamuhu wuu tagaa marba hadii uu qofku xaddi maandooriye ah qaato, taasina waxa ay horseeddaa in qofku ku kaco xumaan walba; kufsi, dhac iyo dilba.
Waxa aan xusay in sababaha balwadda keenaya ay yihiin helitaankeeda oo fudud, shaqo la’aanta, iyo faqriga. Waxa se intaa dheer, arrimo kale sida; heerka waxbarasho oo hooseeya, qofkii oo waxbarashadii diida, ku dhacay oo niyad jabay, heerka barbaarinta iyo jiheynta carruuta oo aaney waaliddiin badani xil iska saarin, ama aaney uba arag muhiim, kudar oo carruurta qaar ayaanba heysan waalid iyo guri ay u hoydaan.
Ku sii dar e; daryeelka caafimaadka maskaxda oo liita, bulshaduna aaney garadsanayn muhiimadda la tacaalidda xanuunnada yaryar e werwerka, qofkiina uu qabatimayo kiimikooyin uu uga baxsado xaqiiqada.
Daroogadu waa burburiyaha qoysaska iyo bulshada. Yareynta waxsoosaarka qofeed iyo kordhinta fal danbiyeedyada iyo rabshadaha. Daroogadu waa eedeysanaha iyo danbiilaha koowaad. Waan isku raacnay! Wax hala isweydiiyo se ma xuma e, sidee bey khatarta intaa la egi u fududdahay heliddeedu? Yaa ka macaasha? Waa ayo cadawga dhallinyarada iyo mustaqbalka dalku? Waa ayo cidda canshuurta e, aan mas’uliyad iska saarin bedqabka bulsheed? Waa ayo kuwa qiimaha jaban iibiya si ay dhallinyaradu u awooddo iibsigeeda? Jawaabtu ma cadda, se, hubantidu waa in aan dhammaanteen tuhunsannahay eedeysanaha.
Xalal baan isku dayi karnaa haddii ay qolo walba doorkeeda si hufan u qaadato. Waaliddiinta, Booliska, iyo dowladda, macallimiinta dugsiyada iyo jaamacadaha, culumada iyo duqowda, adeegayaasha bulsho iyo xirfadleyaasha caaafimaadka.
Aan sii cayimo; In la adkeeyo shuruucda xakameynta dawooyinka, kormeeridda suuqyada dawada, dukaamada iyo farmashiyeyaasha si looga baaqsado helitaanka fudud; waa howl u taalla booliska iyo talisyada amni. Abuuridda fursado ay dhalllinyaradu abbaaraan, sida fursado waxbarasho, ama kuwo shaqo; waa doorka hay’adaha dowladeed iyo hoggaanka xafiiska adeeg bixiyeyaasha.
Intii hogga ku dhacday badbaadinteedu waa xil kale, sidaa darteed; aasaasida xarumo daweyn iyo rejo soo celin, waxa ay dhallinyarada siinayaan fursad ay dib noloshooda ugu qaabeeyaan. Wacyigelita iyo kor u dhihidda khataraha daroogadu waa mas’uuliyad wadareed.
Wadaaddada iyo dqowdu waa codka anshaxa. Waa in ay kor u sheegaan ceebeynta balwadda iyo in ay tahay wax diinta iyo dhaqanka ba ka soo horjeeda, oo ay masaajidda iyo codka khudbadahaba u weeciyaan baraarujin joogto ah.
Adeegayaasha bulshadu, waa rejo soo celinta bulsho kasta. Waa iyaga kuwa si gaar gaar ah ula macaamila qofafka badweyntaa dabaalanaya. La talinta, qiimeynta iyo daryeel siintu ba waa doorkooda. Sidaa, rejo waan ku dhisi karnaa, waana ku badbaadin karnaa jiil hore iyo mid xigaba.

