Maxaannu Gargaarku Mirodhal u ahayn, Afrika se la Gudboon?
“Gargaarka shisheeye waa halka uu ku aroorayo dib-u-dhaca Afrika, saboolnimada baahsan ee Afrika ayuu isagu sabab weyn u yahay, inta uu socdana u noqonayaa” “ Aynu ganacsanno Afrikaay” Dambisa Moyo.
Dambisa Moyo, qoraa Afrikaanad ah, dunida galbeedka kusoo dhaqantay, wax kusoo baratay, kana soo shaqeysay, buuggaanna inoo qortay mahadi haka gaarto. Waxa ay inoo sadareysay diiwaanka talooyinka toganna nooogu biirisay fekrado iyo xeelado ay dhab ahaan ku hodmi karto qaaraaddani, sidoo kale e waddo qayaxan oo si walbaba uga weecineysa Afrika hoggii lagu hagaajiyay. Taxanaha Hiil-Tarjumid oo isaguna inoo soo Afrogay mahad ballaarani ha u hoyato. Qormadeydan gundheerida buugga qiil uma samaynayo. Mar e xaaladda geeridhaanta ah ee ka jirta badi Afrika ayaa maragga koowaad ah, mar kale e Caddeyn iyo xogo waxa uu soo bandhigayo ayaa amuujinaya gundheerida buugga.
1884-5tii, shirkii qeybsiga galbeedka iyo guud ahaan Afrika, waxaa xigay hannaan dejiskii Maamulka Maaliyadda Dunida oo dhammaadka dagaalkii labaad e adduunka laga arrinsaday. Qaabdhismeedka hannaanku waxa uu ahaa gargaarsiin iyo horumarin maaliyadeed oo lala doonayo Galbeedka dagaalka ku saamoobay iyo dalalkii ay nolosha hoose ka jirtay, Afrikana ay ugu horreysay, dhab ahaanse waxa uu tibaaxayay gacan ku heynta Dhaqaalaha Afrika iyo Xulafo samaysi uu Mareykanku ku doonayay in uu arriminta dunida ku kasbado. Sidaas ayuu buuggu ku ibbafuranayaa.
Taariikhda gargaarka waxa la arkaa in uu ka soo billaabmayo qarnigii Sagaal iyo Tobanaad gargaarkii cunto siinta Mareykanka 1886, iyo midkii 1929kii Britishku gargaar usoo direen dalalkii saboolka ahaa si ay kaabayaasha nlololeed ee Caafimaadka, Dhaqaalaha, iyo Waxbaraashada u hodmiso. Waqtiyadan gargaarku ma ahayn taakulo iyo damqasho loo fidinayay dunidii liidatay e waxa uu dhab ahaan ahaa seeska gumeysi iyo qabsasho lala maagganaa qaaradda, sidii ay ahayd ayeyna u dhacday.
Dagaalkii labaad ee dunida kaddib waxa ay siyaasad dejiyeyaashii caalamka oo uu Mareykanku garwadeen ka yahay isla garteen in taakulo burbur kasoo kabasho la gaarsiiyo Yurubtii dagaalka ku saamowday, ee kaliya u baahneyd gacanqabashada iyo kor u kicinta horumarineed. Gargaar siintii yurub waxa ay ahayd mid laga run sheegay, dhab ahaanna wey u qalmeen maadaamma ay kaabayaasha nolosha iyo sharciyadduba dhisnaayeen kaliyana ay u baahnaayeen dayctir. Gargaar siintaas Yurub waa ay ku hodantay, dhab ahaantiina gayeysiisay in ay maanta ka mid noqdaan awoodaha dhaqaale ee dunida ku tartamaya.
Yurub gargaarku waa uu hodmiyay e, Afrika maxaa ku hoojiyay? Quudinta iyo cunto siintu badi dalalkii Afrika waxa ay ku bilaabatay dhammaadkii 1950kii. Goortaa Afrika go’aanka talada iyo jiheynta siyaasadaha dunida waxa ay ka ahayd kuwo loo arrimiyo loona yeeriyo tallaab qaadista. Kaliya Hantigoosad oo xulafannimo Mareykan ah iyo Hanti wadaag oo la jirsi Midowgii Soofiyeeti ah ayaa u furneyd. Waa ay mudneyd Qaaraddu in ay damiir damqasho ka hesho dunida kale, hase ahaatee isma qaadan Karin xaaladdii afrika ka jirtay iyo qorshihii gargaarbixiyeyaasha oo ahaa dib u dhis iyo horumarin. Yurub waxa ay u baahneyd kaliya dayactir se afrika wax walba waxa ay u baahnaayeen biloow iyo samaysan. Gargaar siinta Afrika si walba waa ay uga duwanayd tii Yurub. Maadaama ay badi Afrika ka xoroobeysay gumeysiga, quwad walba waxa ay danaheeda ka dhex arkeysay qaaraddan dihan iyo sidii ay danaheeda uga fushan lahayd. Faransiis iyo Ingriis waxa ay ka dhex arkayeen qaaraddan dano iyo istaraatiijiyad ay ugu sii lug lahaan karaan kaddib xornimo helka Afka baarkiisa ah. Dhanka kale Mareykanku waxa uu ka lahaa muujinta tunweynennimo ee dunida, aragtidiisuna ay dunida so koreysa ku dhex tallaalantay.
Billoowgii lixdameeyada iyo tobanleydaas oo dhanba Afrika iyo madaxdeedii waxa ay noqdeen hoggaansanayaal iyo weel wax lagu dhigaashado, goortaa ayeyna qaaraddu qaameysantay oo gargaar deymeysan u billoowday. Se sida ay wax ku socdeen ma xumeyn, oo goortan, waxa diiradda la saarayay sees u dhigga kaabayaal dhaqaale oo waara, badi Afrikana waxa laga daahfurayay warshado, hase ahaatee ma sii waarin. Awoood aan lagu baraarugsaneyn, lagaba yaabo in la ismoogeysiinayay ayaa dunida farriin gaarsiisay, mararkeeda laxusi karana dunida is tustay. Waa dunidii Carabta oo iyagu ahaa isha ugu weyn ee saliidda iyo batroolka, taageeradiii Mareykanka ee Israil ayey kaga falceliyeen cunnaqabateyn saliideed, dhab ahaanna waxa ay dunida u geysatay saameyn dhaqaale oo aan hore loo sii saadaalin. Afrika cunnoqabateytaasi waa ay saameysay sicirkii cunnada iyo dakhligii dowaldahana hoos u dhac weyn ayaa gaaray, taas oo dhalisay in gargaarbixiyeyaashii laftooda cunnaqabatayntu wax u dhintay ay siyaasaddii maalgashiga warshadaha u weeciyeen Gargaarsiin Nidaamsan oo ay halkudhig uga dhigeen ‘diiradsaaridda faqriga’ oo ay kaga jeedaan caawinaad xukuumad ka xukuumad ah, se macnuhu yahay in la yagleelo mashaariic badan oo aney Afrikaanku dhaqaale ahaan ku korin se deynta iyo dulsaarku ku siyaadaan. Sidii ayaaney u dhacday oo dhammaan gargaarkii waxa uu kusoo aruuray ‘horumarinta arrimaha bulshada’. Goortaa ayey haddana dhiillo cusubi billaabatay.
Waxaa xigay in dowladihii qaamoobey ay gudi kari waayeen deymihii, taas oo markale dhaqaalihii caalamka gilgil xoog leh gaarsiisay. Horuusocod iyo rejo naalloosho daaye Afrika waa ay deyn bixi weysay, waxa ayna mar labaad raalli ka noqotay in in la sii qaameeyo. Billoowgii sideetannada oo ay u muuqato in guusha dagaalkii qaboobaa lagu kala adkaanayo ayey argtiyihii dhaqaale is beddeleen, aragtida Suuqa Xorta ahina soo shaacbaxday taas oo ay dhiirrigelinayeen xulafadii Mareykanku, waxa ayna keentay in sidoo kale siyaasadihii gargaarbixiyeyaashu is beddelaan. Aragtidan tognaanteedu wey u wacneyd Afrika se sida lagu waday waxa ay ahayd si taban, Afrikana waa ay ku sandulleysneyd, waayo, waddo diidmo umaba furneyn, taas oo markale uga dhigan hog kale oo ay ku sii dhacday, wax walbana ay noqdeen wax kala furfuran oo ay adagtahay isku soo laabashadoodu. Waa waddada ay hadda ku joogaan badanka ama dhammaan dalalka Afrika. Siyaasadihii gargaarbixintu waxa ay diiradda saareen hannaan kale oo ay gargaar sakhiran iyo deeqo ku siinayaan wadannadii nolosha hoose. Run ahaantiina waddadani ma ahayn waddo Afrika hogga ka weecin kartay bal e waxa ay kusii hagaajisay sarreynta musuqmaasuqa, maamulxumo, colaado iyo faqri sii baahay.
Hammigii gargaarbixiyeyaasha ayaa is dhimay kii Afrikaanka daaye, waxa ay ka quusteen in ay Afrika wax ku darsadaan, hadaaney waxiba kasoo noqoneyn. Deyntii gargaar bixiyeyaashu tirsanayeen waxa ay kor u dhaaftay 1 trillion oo doollar. Markale ayuu haddana isbeddelay qorshihii waxsiintu oo uu kusoo aruuray, maamul-wanaag dhisid, nabadeyn iyo dimuqraaddiyad lala doonayo dalalka Afrika ee gargarkiiba mamuli kari waayay nabad iyo dimuquraaddiyadna ku qeybsan waaya. Waa erayo afka lagu qurxiyay iyo qodobbo warqado lagu daabbacay oo sidii la rabay ay Afrika u dhaqan gelisay. Fahamka gargaar qaamuuska dunida waxa uu ugu jiraa deymin/amaahin, guggii 2000 oo ku began konton sano kaddib bilaabashadii gargaarka, qaaraddu waxa ay ku qaameysneyd 2 triollion oo doollar, se Afrika waxa uu u yahay il-dhaqaale oo waa lagu xisaabtamaa heliddeeddiisa.
Sida ay Dambisa ba qabto Afrika oo dhan ma wada hoogin, oo waxa jira wadanno ka badbaaday dabinka iskuhalleyta oo sare u fuulay sallaanka koboca. Se waa iyar oo aan boqolleyda waxweyn ka tari Karin laguna niyadsamaan Karin. Gargaar oo dhanna kama soo horjeedo e waxa ay cambaareyneysaa gargaarka dhigaashiga ah, yacnii deyminta iyo dulsaarka ah ee ay dalalka hodanka ahi usoo dirayaan Afrika. Dambisa waxa ay si walba u leedahay gargaarka shisheeye waa gumeyn, waxna uma tarin dalalkii helay oo badi Afrika ah. Moyo waxa ay xiganaysaa in sababaha dib udhaca Afrika ay yihiin kuwo la abuuray, gacmaha masuulka Afrikaanka ahna lagu waraabiyay, waxa ay bogag badan ku dhigeysaaa in xitaa ay horumar keeni lahayd hadii ay inyar oo damqasho ah Afrika ka heli lahayd kuwii u dhashay ee haddana dhacay, waxa ay leedahay idinka na dhacay haddana inooma damqannina. Musuqmaasuq togan ayey u bixisay! Gargaarbixiyeyaasha laftoodu waxa ay garwaqsanyihiin in aanu gargaarku sinnaba horumar u keeneyn, isku halleyn iyo dib udhac mooyee, se danahooda iyo ku luglahaan awoodeed, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed awgood ay usii joogteynayaa quudinta dalalka ay qaameeyeen.
Gunaanadka; Gargaarku in uu yahay kan kala firdhiyay gacaltooyadii Afrikaanka, si walbana uu colaad uga dheex abuuray, isaga oo gayeysiiyay gaajo iyo ku sugnaanta geeridhaan nololeed ayey naadineysaaa. In uuu cuuryaamiyo maalgashiga gudeed kordhiyana deymaha ayey Moyo tilmaameysaa. Helidda kalitaliye kheyrqaba iyo musuqmaasuq togan ayey bedbaadada Afrika ka dhex raadineysaa. Waxa ay si cad u leedahay dadka baahan ee aanan si dhammays ah u quudan karin uma baahna qodobbo iyo sharciyo aan sinna u taageereyn lana jaad ahayn sidii ay yaqaanneen; e waxa ay u baahanyihiin Ducoqabe si xoog iyo awood ah u la wareega xukuumadaha, si wacan oo damqasho leh shacabkiisa u quudiya gaajadana ka saara, gacan awoodeedna kula dagaallama horumardiidka gudeed iyo kan dibadeed ee si walba uga soo horjeeda horumarka. Waxa ay qodobbeyneysaa sababaha aanu gargaarku u gelin sii jirid ee ay tahay in sida ugu macquulsan ay Afrika uga xorowdo isku halleytaas, ayada oo udub dhexaad ka dhigeysa helidda barbilloow maaliyadeed oo ay xukuumadaha iyo dowladaha taliya kusoo kori karaan sallaanka, masuuliyadda xukuumaduhuna ay noqoneyso in ay dejiyaan siyaasado hab maamul oo ay danaha dalalkooda iyo shucuubtooda ku aroorinayaan. Helidda ganacsiyo iyo maalgashi xisaaban, muddeysan oo meeleysan ayey xalka afrika u aragtaa. AYNU LA GANACSANNO AFRIKAAY, ADDUUNOOW SUUQYADA INOO FURA OO INNAGU MAALGELIYA, intaas ayaa damqashada aad sheegataan idinka bogsiin karta ayey Moyo kusoo gababgabeyneysaa buuggeeda, dhab ahaanna waan ku raacsnahay.
Intan ayaan ka iri buugga Moyo waxa ayna nuxurkii buugga ka tahay in aad u sii yar.
Halkeeda ayaad dhigtay gabadheeniiyeey
I needed to thank you for this fantastic read!! I certainly loved every little bit of it. I’ve got you book marked to check out new stuff you post…