Maalin howleedka miyiga maantadaan!.
Waxaad kusoo tooseysaa codka shimbiraha, cida Riyaha iyo waxaraha isku araasinaya, dhaxantii xalay-na iskaga warqaadaya, oo aad u biya qaadaneysaa bal inaad salaaddii subax dukato. Waxaad qoolaabaneysaa dabkaaga si ad dhiilaha u cugaaleysato, jalmaddaadana TUC ugu siisato, intey kuu kareysana aanad u meel fadhin oo intaad horbaxyada Idaha ood-qaaddo ayaad waxaraha iyo riyaha isku godlinaysaa, cadeysna ka soo maalaneysaa wixii kuu irmaan. Koob bigeys ama cadeys ah ayaad dhiigga ku kaagicinaysaa, Cambuulo, Hamuu, Falfalliir ama Masago iyo dhaay Ari, ama waxaad saaka istiri kuuba dhuun mari og ayaad debka ku tuuraneysaan, kutaabtii dugsilayda ahayd intaaney bixid u qalabsan ayaad ceelka biyo uga diraysaa, markey soo lug laabtaanna Intaad calooshooda buuxiso ayaad leedahay ‘jaaw oo anba guri idinkaga ma dambeeyo ee kii soo hormaroow reerka u sii qaloon-dub’.
Adigaa isku ah hooyyo iyo aabbe Mar haddaan igaar dhaanka furi karo reerka u joogin, gabarna adaa u ah haddaad gabadhii dugsi geysay, ee arigii saaka soofay ee waxaraha la tegay u ubbo biyeyso, oo waxarihii ka soo Reebo, gasadiina kusoo celi. Dambeetana arigii isku soo jiha leexi Falkadaada-na iska sii falagso, markaad aayar daashid na biyahaaga ii cujucso, Tiro-na kaa qaldami meysee yaan arigu kaa reero raacin.
Inkastoon cirku hogol daadin in dhow oo dhul oo dhami yahay xaaluf iyo xaad ii dhiibatay, badi maalmihii aan joogay jawigu waxa uu ahaa huwaan ay qorraxi wehliso, iyo neecaaw naftu u bogeyso, se aan waxba kuu dhimeyn oo solarka kuu qorraxeeya.
Markaad maalinta inteedii hore hubsato iney baxday ayaad kasoo hergaleysaa, oo yaanan arigu-na kaa dhumine, goofka kusoo agaasimeysaa. Intaad waabtaadii timaaddo ayaad duhur ood qiyaasatay inuu jawiga soo galay dukaneysaa oo aayar dhabti aad ku dukatay digac dhehaysaa. Abbaaro casarkii ah intaad toosto ayaad digsigii saakay wax wal oo ku haray kasii hambaneysaa, kutaabtii saaka cilmi doon u baxdayna dabka usii qoolaabi, ood jelmaddii madoobeyd u sii saaraysaa. Dhiilna hore u sii qaadi, ogaantaada oo arigu ma caano badna ee waxarihii adoon jagin ayaad caddeys riyihii kala soo hari, dambeetana arigii ayaad raacdoon u geli, Cawo dheer-na lama Koran karee goofkii ka sii qumin bal si uu asna aayar usii daaqo si aan fogeyn oo carro rabbi kala dheer’e Dhabbaha uun ka leex-leexin.
Gurigaagi ayaad imaan oo dabkii ey kutaabtu digsigii dhagoolaha kaaga dambeysiisay dib u qoolaabi oo cawadaas wixii lagu xero joogi lahaa reerka u bisleyn. Arigii xeradiisii gal oo nagaa ee bal tiro kusoo dhammeey, oo ceesaan-na ha ka tagin. Ardaaygaaga (qaarkaaga,daashkaaga) ayaad goglaneysaa dhabal falagsan ama sameys ah oo aad adigu fara dhammeysay, ood cawo bari-san ku seexaneysaa!.
Maalmuhu waa wareeggaas
Waqtina waa ayaankiis!
Halka aan u safray waa degmada galcad, inkastoo aanan maalinna tegin baqdin la iiga qabay aawadeed, oo reeruhu iga diideen. Se waxa aa nagaa maalmahaas meel dulleedkeeda koonfureed ah oo ey reerkeennu beero ku lahaayeen, ahna isla goobtii aan deganneyn horraan.
Goobta sawirku waa goofkii aabbahay oo aan aniguba ku dhashay. Ogooboo Niicle aan wax sawirin mooyee moobeyl iyo qalab la mid ahba lagama ogola degaanka. Goorta sawirku waa safar aan dib ugu laabtay degaanka moogganaan 10 sano ah kadib fasaxyadii jaamacadda. Maalinta sawirku waa; 18/6/2021. Gugii aan sagaal jirsaday ayaan ka soo hayaannay annaga iyo badi reerihii kale ee aan wada deganneyn tuulada ka gadaal markii cadaw nagu soo duulay, oo badi raggii noo ciidamin lahaa nalaga kala haatiyay, intii ka carootay-na qarjac iyo qoorgoyn lagaga yeersiiyay. War oo dhan’e carradeennii nalagu qabsaday. In aan bal dhulkii soo arko, reerihii anoo yar ay Iigu dambeysay-na soo booqdo, wadooyinkii, beerihii reeraha, geedihii cayaarta, barxadihii bootinta, dugsigii, iyo dhab ahaan halkii gurigeennii ku yaallay debshidkeennii, gasadii ariga, waabihii iyo bal inaan Mar kale indho wacyi leh oo aan ahayn kuwii toban sano kahor ayaan u baxay.
Waan qiyaasayay inaaney dadkaasu dowlad iyo dal warkii hayn, nin ka habaaby-na aanay uga rajo qabin inuu dib ugu soo laabto dhulkaan. Arrad haba jiree waan ogaa dadku iney dayacan yihiin, se ma fileyn in dakii ay biyo la’aan iyo baad yari yihiin, ma sawiran in aanay degmadu lahayn iskuullo iyo wax ka badan 3 dugsi qur’aan oo ka madax bannaan maamul sheegga, maba igu soo dhicin iney isbitaal iyo daawo la’aan yihiin, isma lahayn reerkii wali ceelashii biyaha qaraaraa ayey quud-darreeyaan dad iyo xoolaba. Iiga daran’e umaba feker hayn in dadka noocaas u nool sanad iyo wareegto kastaa laga qaado Wax saddaqo iyo sako loogu sheegay!.
Igaga dhan e, Waan rajeynayaa maalinka ey curato dowlad dad iyo degaanba waxtarta, raas illaa raas kalena gaarta, cudud iyo ciidan-na qalabeysa inaan degaankii ku noqon doonno, dadki aan ka soo damqaday-na aan waxtari doonno, caruurtii iyo waayeelkiina aan baxnaanin doonno, Dugsiyo iyo Macaahid-na degmadii ka hirgelin doonno.
FG:- Dhulka aan ka warramay-yo waa Gobollada dhexe- bariga Galgaduud, siiba Ceeldheer iyo Galcad.