DEYN MAAYO HEESAHA

HEESTA IYO MUUSIGGU MA XAARAAN BAA MISE WAA XALAAL?

Ma jiraan wax qofi sameeyo oo aan ajarna uga sugnaaneyn haba yaraadee danbina ka raaceyn haba yaraadee? Si kale aan u dhaho Ma jiraan wax qofi sameeyo oo aan faa’iido ugu jirin khasaarena ugu sugneyn habayaraadeen e? Si sii kale, maaney ahayn in wixii aan danbi kaa raaceyn ay xasano kuugu jirto, haba yaraatee, xasanada lafteedu maaney ajar kuu ahayn? Maaney wixii aan ajar kuu goyn khasaaro kuu ahayn danbina kaa raaceyn?

Deyn maayo heesaha! Wax loo dhigaa ayaan jirin heerka faham ee qoraagu ka haystay bulshadiisan, bulshadiisan lagu qeexo bulsho afeed, bulsho afeed hadalka iyo in ay wax dhegeystaani uga fududdahay in ay akhriyaan ama ay dhigaan oo ay dhigaallo soo saaraan. Dhegeysigiiba aan karin! Si waaddax ah, si tafatiran ayuu qoraagu hordhaca buugga soo dabidda dhugta akhristaha ugu soo dhoweeyay, oo kusoo xoomiyay hal goob oo ay isaga (akhristaha) iyo dhigaalkiisu isagala jaanqaadi karaan. Hordhaca koowaad arar iyo afeef markaad ka timaaddid waxaad fooddasaari doontaa Sheeko si farshaxannimo dhaaftay loogu xarriiqay bogagga buugga, waxa uu kuusoo warinayaa sannado kahor salaaddii uu tukaday maalin jimcaad, ficil uu sameeyay iyo sababtuu u sameeyay, ciilkii iyo siduu uga caraysanyahay ilaa iyo maantadan uu innagaba nagu sasabayo. Sawir baa la yiri in uu gurigaaga yaallo waa danbi iyo Allahaagii oo aad awooddiisii yareysatay oo sawirka aad darbiga ku dhejisatay ama aad albunka ku xaraysatay waa sida adoo naf nool abuuray, hadda sidaas ayaadna Eebbahaa iskula jimeysay. Suu isna waxwal oo sawir iyo xasuus agyiil gubay oo uu dambastoodii waraabiyay.

Maalintuu se gareystay in sheikhii sidaas ku wacdiyay uu ummaddii qar wey ka tuuray isagana ay ugu sii darreyd waloow uu isaguba ku garaabayo In laga darnaan karo ayuu sadarrada hordhaca buugga noogu soo warinayaa qoraagu. Wuu nasoo daadihinayaa oo innagoon daal iyo noog midna dareemin na dhexkeenayaa dood hadde dood dhegadhegeynteedu nagu badatay oo geyigeenna caan ka ah. Ma dhacdo in doodddaas ay dadku isku soo qaadaan oo ay mowqif mid ah ka yeeshaan, ma dhacdo in doodda la isla saldhigo oo si cilmiyeysan looga wadahadlo ilaa iyo waa la isku murmaa oo la isku buuqaa laguna kala tagaa.

Yaqiinsanaanta uu ogaa in ay dooddu sidaas u gudowayntahay ayuuna qoraagu ugu tiiqtiiqsaday dhigaalkiisa oo ilaa iyo bogag dhowr ah—kuba dhow afartan bog hordhac iyo sharaxaadda doodda iyo dhagaxdhiggeeda ku balballaariyay.

Ka Sucaad ahaan buuggani xilliga uu igu soo beegmay iyo sida uu igu soo gaarayba si waxa aya iiga dhignayd ‘waxkale’ yacnii ‘heersare’ ah. Ta koowaad e buuggu waa hadyad, hadyad iiga timi gacallahay. Ta labaad e; waxaan ku ibbafuray oo bisinka ugu bilaabay hamuun aan u qabo sadarradiisa iyo aqoonta ku dhexjirta. Mid kalaa jirtay buugga ii xamaasad gelinaysay; waa anigoo dooddu iga dhabacsanayd salka aaminaaddeyduna aanu fadhin, yacnii waxan ku jiray koox uu isagu tilmaamay in ay dhinacna jirin dhinacna diiddanayn oo hadba sida ay la noqoto waxyeela. Qolo marna dhegeysata dambeetana ka towbadkeenta. Heesaha iyo dhegeysigoodu waxa uu iiga dhignaa horraan wax yacnii aan macno kusoo kordhineyn maalinkeyga iyo maankeyga, malaa in aan sidaas aammina aqoonyarideyda dhanka heesaha ayaa suureyneysay.

Inoo soo celi buugga; ma xaaraan baa mise waa xalaal heestu? Xaaraaneey maxaad tahay, xalaaleey maxaad tahay? Adba isweyddii! Qoraagu waa uu innooga jawaabayaa, isagoo inoo caddeynaya qeexitaankii Alle iyo Rasuulkiisii ku qeexeen. Si aanan ugu fahamdawakhin ayuu noo kala sifeynayaa horta waxa mas’aladani tahay, ma mid nas ku cad misa mid daraaso diineed gashay oo baarid iyo dedaal culumo lagu keenay. In ay fiqi farci ah tahay ayuu noo caddeynayaa si saraaxa ah oo aanad ku dawakheyn. Qolooyinka isku diiddan dooddan oo ilaa iyo shan koox ah ayuu labada ugu xooggan noosoo gudbinayaa oo qolo leh waa xaaraan iyo qolo kale oo leh mayee waa xalaal ayuu kusoo koobayaa dhinacyada is heysta. Se intaas kahor waxa heesi tahay qolo walbana u taqaan ayuu noo dhigayaa. Labada qoloba heesi waa; miraha, laxanka, luuqda iyo kabanka ama muusigga. Iyagoo is wata ayey qolo leedahay waa danbi qolo kalena waa bannaan yahay.

Halkaa marka ay joogto ayaan akhris fahamkeygii isweydiiyay horta Ma jiraan wax qofi sameeyo oo aan ajarna uga sugnaaneyn haba yaraadee danbina ka raaceyn haba yaraadee? Si kale aan u dhaho Ma jiraan wax qofi sameeyo oo aan faa’iido ugu jirin khasaarena ugu sugneyn habayaraadeen e? Si sii kale, maaney ahayn in wixii aan danbi kaa raaceyn ay xasano kuugu jirto, xasanada lafteedu maaney ajar kuu ahayn? Maaney wixii aan ajar kaaga kordheyn khasaaro kuu ahayn danbina kaa raaceyn? Waxaan ku keenay isweydiinteydaas qoraagaa ina dhahaya “xalaal aan danbi ka raaceyn”.

Soo daadax baro ama soo ruclee oo adoo daallan kaalay e waxaad usoo joogtaa maxkamadaynta qolo walba, kaladhig-dhigga daliillada ay cuskanayaan, hubinta hadba xadiiska iyo habboonaanta meesha loo adeegsanayo, bogga afartan iyo koowaad (41) ayad taagantahay e hore usoo gal soona dhowow qoraagii ayaan kaaga sidaa e. Sidaas usoo soco ilaaa aad soo gaarto sadarrada uu fadarada fanka iyo ehbinta kuwa fankii sumcaddiisa xumeeyay uu u jeedinayo aad soo gaarto. Soo rog weli baalasha e ka bogo waxa fanka fiicani yahay .

Dhibmaleh qolada aad aaminaad ahaan tahay, se akhrintiisa ayaan kugula talinayaa. Waxa aan kuu hubaa in aad la tacajubi doonto gundheerida cinwaannada iyo aqoonta caqliyadeysan ee uu qoraagu soo waaridayo waxweynna aad kala noqon doonto.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights