EEDDO!

Ul bey kula dhici adoo moog!.

Mursal, waa 8 jir aan meel na uga bixin tuuladiisa seddex quracleey. Tuuladani nolol xumada waxa ay kala siman tahay tuulooyinka ku hareereysan oo dhan, oo badi wax iyada ku gaar ah maaha. Mid se waa u kaligeed oo ma laha meel alif iy b’a la isugu meersho, tuulooyinka kale se hal-hal macallin ayaa laga helaa oo dugsi u ooda degaanka. sidaas darted ayey mursal iyo boqolal caruur ahi ugu maan arradanyihiin tuulooyinka. nin han iyo yididiillo qabana uma sii cuntanto inuu sii nagaado.

Meel iyo magaalo dhaanta ayuu ku hamiyaa in bal mar uun reerku u guuro ama  isaga loo diro, oo uu reero kale oo ehel ah kula noolaado magaalkaas. Mursal, waxa jecleysiiyay magaalo iyo isguul subax walba loo kallaho waa caruurta reeraha tuulada la degan oo fasaxyo ku yimaada, maalmaha ey joogaanna uga sheekeeya quruxda iyo nolosha meeshaas taalla oo ey ka qatan yihiin iyagu. Waxaa aad u guba hadallada ey ayagu ku kaftamaan ee sawir xummeynta nolosha miyiga ah. Wey laabtaan hadddana bilo kadib ayey soo caano doontaan oo ey sidii uga sheekeeyaan. Ninkii reerkiisu magaal degganihiin uun ayaa ka badbaada oo aqoon iyo waxbarashoba hela. Ninkiise meeshaas uun negaada isaga iyo ubadka ka farcami doonaba tuuladaas ayaa hursan oo u dambeyn doonta.

Sanad fasaxeed walba oo iskoollada magaalada la galo tuulada waxaa usoo caano iyo cad doonta wiilal asal tuulada ku dhashay kuse ceyntay reer kale oo ey qaraabo ahaayeen oo magaalada deganaa. Tabtii ayeyna arrin uga sheekeeyaan caruurtii kale. Mursal, oo ayaantaba la qandheysnaa buufiska u galay magaalada iyo sida rajadiisu u liidato. Waxa uu iska sawirtaa mar uun uu ka tegay qaabdarradaan iyo kuleyka oomatada leh ee seddex quracleey ku suntan tahay, waxa uu sawirtaa sidii loogu sheekeeyay isaga oo shaar cad iyo surweel buluug ah ku xarragoonaya, in buug ah iyo qalinna gacanta iyo jeebka ku kala sita. Waxa uu sawirtaa isaga oo fasax sanadeedka dambe  sidaas oo kale ugu soo noqda tuuladiisa, sida hebelladaas soo laabtayna loo sharfo oo lagu maamuuso inuu arday magaalo yahay. Markii la la doon-donay na arrin in magaalada loo diro ayey ahaatay.

Soomaalidu wey ku ammaanan tahay habdhis qoyseedka ballaaran  ee reeraha oo  dhami ku soo hirtaan. Oo waxa dhacda in hal guri ey ku nooladaan in ka badan 10 xerow oo reerkii dhalay aaney u dhaweyn sidaas oo ey tahay na la nool qoys kale oo ama adeer afaraad iyo abti koraad u ah. Mursal waxa uu nasiibsaday in uu ka mid noqdo xerta ka soofta guriga adeerkii yaasiin, oo ay isaga aabbihii iska soo galaan odayga seddexaad ee dhanka abtirsiinta, yacnii uu u yahay adeer seddexaad uun. Se ah maskiin dad jacayl iyo qaraabo xiriiris badan, miyi iyo magaal kalena looga soo martiyo, guryihiisa inta muuqatana aanan faduul lagu sheegin. Maadaama adeerku lahaa xaasas badan, mursal waxa lala dejiyay bahda yar oo ayada iyo caruurteeda uun ku ah guriga, ilmaheeduna aaney weli qaan-gaarin.

Xerowgii yaraa ee aan dhaqan magaalo xabba ka aqoon, waa kan subax ku soo kacaya meel aad uga duwan meeshii uu ku soo indho-kala-qaaday, meel aan r’i na laga soofin idana ka ag muuqan, meel aan saaka la lahayn ceelkii u aroora oo biyo soo dhaamiya, meel aan deb doonis, luf iyo qoryo la isku dirin. Haddii uu bannaanka yimid na TUBTU tii uu yaqaannay ba maaha, guryahaan hoosta isaga jira ee iska soo horjeeda wuu la anfariirsan yahay, Yacnii inta uu yaqaannay ba ay dhaafsiisan tahay. Maalmo markii uu joogay ayuu aad u xanunsaday oo waa galti e la qabsan waayay jawiga iyo xaaladda meesha, sitimaanno ka dib se wuu iska bogsooday oo dugsigii ayuu dhiniciisa uga biiray, oo ALIF iyo BA isugu aadday. Inkastoo, uu ahaa maskiin iska naxiif ah naf-yari na ku sheeggan haddana wuu iska faham iyo garaad roonaa oo kuma adkaan in uu qur’aankii meel fiican gaaro bilooyin kooban ba. Hase ahaatee marna uma fududaan in uu fahmo dhaqankii iyo noloshii xaafaddaas, oo waxa uu aad uga soocnaa asxaabtii la degaanka ahayd, waliba e kuwii guriga.

Arrin soo daahiri og e, markuu muddo joogay ba waxa uu khaatiyan ka gaaray caruurta xaafadda, haba uga darraadeen e kuwa eedadu dhashay. Waa ilmo sida uu isagu u arko e cirkaa laga soo tuuray oo laga eed-beelay, lakad iyo inkaar qabeyaal aan ummadda ilaaheey ammaan gelin ee qaatiyan ka gaarsiiya ah. Si walba e  waxa uu gaaray heer uu guriga ka doorto bannaanka, saa markuu gurigii u hinqadoba waxa uu xasuustaa kii xumaa ee u weynaa bahda eedada oo iridka la taagan ‘reer baadiyo buunshee cunaan…….’ Iyo kuwii kale oo iyaguna u jiibinaya, kaba daran e waxa uu sii jeclaadaa marka uu xasuusto eedadii oo iyaduna malaha waaney dhihi Karin eray ahaan e dhinaceeda uga jiibineysa, waaba haddaaney jaantii ku darin e aan marna YAC dhaheyn caruurteeda. Intaas uun hadduu xaal ugu egyahay roonaan laheydaa! Ma wiligiis ayuu islahaa cunug yar baa ku adeejin oo adiga wax kuu diri qof weyn la garay e!, mise wiligiis ayuu islahaa ALAAB iyo maacuun ayaa dhiqidoodu kuu rukunnaan! Oo lagula sugi ankee haddaad soo cawo dhaxdo!. Yacnii wax badan oo uu ka faani lahaa ama aanu u arkeyn howl-rageed ayaa loo diraa, haddana ma soo hadal celiyo oo wuuba qasban yahay e isago gununacaya ayuu howshii qabtaa.

Intii uu joogay waxa uu ku koobnaa kaliya mar uu dugsiga aado iyo mar uu eedada u shaqeeyo. Sanad buuxsankii imaatinkiisa kadib ayuu adeerkii ka soo qoray iskuul bareefad ah oo galbihii uun la aado, caruurta adeerka badankoodna ay dhigtaan, isagu hammuun ayuuba uqabay e tabtii ayuu kala jaan helay oo aqoon yari uga bidhaantay, hase ahaatee waxa uu weli dulmane usii yahay lekedyaashii uu mininka uga soo tegay oo haddana iskuulka la fadhiya. Waaba dhibkii oo iskuweer ah! Xisaab la iskuweero u roon e!.

Xaal haba iska ahado sidaas e, walba may eedadu hadal xumaha iyo hariiftanka ka joojiso, marwalba oo ay wax u dirsaneyso amuu guriga joogba reerahoodii iyo tuuladii ayey ku caysaa oo iin uga dhigtaa, in rerkiisu baadiyo iyo abaar degan yihiin ayey wada maqashiisaa caruurta, oo ‘kii reer-baadiye’ ayey ba ugu yeertaa. Intaas waaba af uun e, bal mey gacan-qaadka iyo adeejiska qaabka daran ee howl-naageedka ah ka deyso, ma nin raga ayey u cuntantaa waliba gabdho hortood iyo caruur ku qosleysa e ‘yariiska iigu qubee, debkaas iisii babi, daashka iga xaaq, suuqa adeeg iiga jeri!.

Isagu inkasta oo uu fahmay jawiga in muddo ah na uu joogay, haddana waa shaqsi iska dhega nugul oo la baacsan karo, oo rag iska celintu kuma abuurna, waa maskiin ilaahey in la dulmiyo na u feydan marwalba. Oo waa sababta gaarsiisay in uu howlo-gabdheedkii qabto, mar kalena wuu ku qasbanaa oo wuu xasuusan yahyay cid uu u dacwoodaa inaaneey tuuladiisii uga sokeyn.

Ayaamuhu waa wareegaas, waxa uu sidaas ku sii jiro ba, laba sano wareegsankii imaanshihiisa kadib waxaa loo beddelay in uu iskuul dugsi hoose ah billaabo, sida caadada ahayd na uu galabkii aado, subaxa horena uu dugsiga qur’aanka ka soo dhigto. Waa u rummowday rajadiisii oo waxa uu fadhiisan doonaa fasalka labaad isaga oo xiran shaar cad iyo surweel buluug ah, buugtii iyo qalinkii uu isaga dukaanka ka soo qaatayna horay ayuu usii qaadan doonaa. in AAD ah ayuu faraxsanyahay.

Inkasta oo uu ka nastay adeejintii howlaha guriga, haddana intuu maqan yahay ayaa laga jaraa markuu yimaado. Adoo oon ku haayoo itaalkaagu daran yahay, oo ilo xareed badan indhaha ay u muuqdaan, addin aad ku aadiyo awood aad u heli Karin …….eeddaan la yaabee arxan keedu daranaa…kuma daryeeshee ul bey kula dhacdaa… waa tabtaas, Mar la yiraahdo quraac lama Karin ee dugsigaaga ha ka daahin, mar la yiraahdo waxaas ii qabo oo uu dugsiga ka daaho markuu tago dugsigana la tumo, mar cuntada hortiisa lagu qeybsado isagana SHURUG yar loo tuuro, mar ankee dharkiisa iyo buugaagtiisa loo daba maro oo uu kolba iin aanu ku ogeyn ku arko, iyo maagis kale oo usii dheer.

Maalin maalmaha ku jirta, ayey dhacday dhacdadii uu miyigii u laabashadiisa u xiiso oo ay isaga iyo magaal u kala dhammaatay asagoo wali ka sii rajo qabay in uu joogo. Waa far-dambe dugsigii la iska soo daayay, oo quraac la soo doontay, isagu wuu soo yara dib dhacay oo caruurtii kale wey kaga soo horreeyeen guriga, Albaabka waxaa taagan mascuud oo ka mid ah caruurta reerka, isaguse aan M’U iyo M’A  kala ogayn. Hadduu sii galayba eedadii oo faruuryo-qaniineysa marna hariiftameysa ayaa meel aan iridka ka fogeyn cunug fug-fuganaya tirtireysa, marna tallameysa oo dhaaraneysa. Inuu ku leexdo oo uu arrintooda ogaado umaba xiisoona oo dhib kuma heyso ooyintiisu, ee aaway ilmihii meshaan ku  quraacan jiray iyo canjeeradii la cuni jiray ayuu is leeyahay. Illeen waa nin warba moog e intuu marna dugsiga ku dambeeyay marna jidka soo hadaafayay ayey caruurtu jidka dagaal ku soo gashay oo kuweeda AAD loosoo bukeeyay, si kale uma taqaanide lasoo jilciyay. Hooyadoodna ugu sheekeeyeen in mursal isku-diray oo uu haddana saas ku maqan yahay. Midka ay hadda u madiifeyso ayaa ugu jug roonaa oo AAD loo soo carro-cunsiiyay, illaa haddana la oynayo. Caruurta intii kalena cuntadii ayey tiri saanu idinla cunin qolka la gala waa inoo asiga iyo aniga e, oo intey usheedii sii diyaarsatay ayeyba daashka saas ugu sugeysaa inuu bal mar soo galo. Mar uu is yiri bal jiko ku sheegtii meelahaan ahayd wax u doono ayey inta dhexda u gashay qabsatay, oo in libaax dafay kama garatid e halmar kor ula boodday, meel gawaan kakan ahaana wab ku siisay, oo inta soo rorojisay hadddana ushii kala daashay, intii ugu ma ekeyn e cargaagiisa waa la yaabay maantaa!, sidey hadba ul ula dheceysay ayadoo ku tallameysa ‘haddaad siiba noolaato, maanta kadib dartaa haloo dilo, ad maa ila dhalay xaa kuu geeyay, ma bur iyo biyo ayaad siisatay dilif dheh e……………………; mar ey aad u tuntay ayey bannaanka u tadsatay oo albaabkana ka xiratay.

Waa caruur e, dugsigii ayuu maciin-biday oo uu orod ku gaaray, quraac warkeed daaye isagii ayaanba naf ku harsaneyn. Dugsigu waa cidlo oo weli la iskuma soo laaban waana hubanti oo cunug walba asaga oo soo dhergay ayuu imaan doonaa, isaguse waa dhibbane gaajo iyo gardarro isugu darsantay. In uu iska ooyyo moyee tabar iyo tigaad kale ma leh. Go’aan se waa xaggiisa e maantaas ayuu yiri ‘haddaan magaalooy ku joogo meydkeyga haba la heybsho’. Soo noqoshadii uu u qalabsan lahaa iskuul aadis ayuu ku soo noqday gurigii, waa is ilaalis iyo amey haddana ku qabsataa oo cunto iyo wax ma raadin e, inta dharkiisii day-dayday ayuu iska hilhishay oo iskuulkii abbaaray. Waxaa shidaal u ah kis cambuulo qabaxley ah oo uu xalay ku qaad-qaatay, quraac iyo qado na aaney uga dambeyn.

Ayaamuhu waa wareeggaas oo dhib uma kala reebna, mar wal ayuu isaga tallamaa oo hillow u qabtaa tuuladiisii, tuulo na xabba kuma faleen e aragga hooyadiis ayuu bogsiimo ku sugaa, joogid magaalo iyo iskoolna warkood maba hayee CID wal oo seddex-quracley ku jeedda ayuu heybaariyaa in uu heli doona se u dhow, oo horeyba in dhowr ah wuu maqli jiray qofaf tuuladii ku noqonaya.

GUNAANAD;

Inkastoo, Eeddo walba aaney eed la hayn, haddana Eeddo-nimadu ku suntan arxan darro iyo xaasidnimo oo waa ta heestii eeddo ARXAN-LAAY ku tilmaamtay inaaney islaamnimada xeerineyn.

Ishey kugu gubtaayoo

Afkey kaala dirirtaa..

Kuma saarto.. araxdoo

Eray waxa ay tiraahdaa

Alla qaadkaan maxaa dhigay agteyda……

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *