Ma saxbaa in waxa ay bulshooyinku lama taabtaan u bixiyaan ay xaqiiqo geed-ka-go’an ah ay tahay? Marar badan maya e waa dhoodhoob mudan in la ceebeeyo. Aan u imaado teyda e; aniga iyo dumarkaba magteennu 50 maaaha!.
Dooddan u kaalay, hase ii danbeysee aan xuso dhowr mowduuc oo isla muuqaalka ay gabadhu uga hadashay kana muhiimsan midka ay ku abbaarayaan e magta. Gabadhu waxa ay ka faallooneysaa maalmo ay ku jirtay jeelkaa Gabood iyo dhacdooyinkii ka qabsaday kuna kallifay in ay dib ugu ololeyso dadkii ay jeelkaa kusoo aragtay kaalmo shakhsi wixii ay gaarsiin kartay na ay hurtay.
Mar e waxa ay ka hadashay sheekada gabar 13 jir ah oo ku jirta xabsiga, waxa ay ku muteysatay in dhacdo si kam ah ku dhacday; wiil ina adeekeed ah oo meel ka dhacay sidaas na ku dhintay ayada danbiga in ay dishay loo saariyay sidaasna ay xabsiga ugu jirto. In eeddaa loo saariyana ay dhalisay colaad dhextaalla labada qoys ee oday wadaagga ah, yacnii ilma adeerrada ah.
Waxa ay ka hadashay in si gaar ah ay gabadhaa yari jeelka ugu muteysatay urugooyin kale, in ay ahayd saqiir laga soo fogeeyay labadeydii waalid iyo degaankii xorriyadda lahaa ee ay ku barbaartay, waxaa ugu darsantay in ay gudaha jeelka ku heshay caadadii koowaad (Menarche), xanuunkii koowaad iyo aqoon la’aantii na ay baqdin iyo sas ku noqdeen.
Waxa ay kaga hadashay in ayada aragtideeda marar badan xeer Soomaaligu (dabcan waa diinta e) ka mudan yahay shuruucda kale ee la dabbaqo inta uu in badan xeerinayo. Ayada oo raaceysa kiiska gabadhii yarayd ayey ku adkeysanaysaa in kiisaskaa oo kale aanu qofki xabsi u mudan e bulshadu ka heshiiso mag iyo maal na ku kala qaadato beddelka intii ay xabsi ama dil ku tagi lahaayeen. Markale, si loo reebo falalka xunxun ee bulshada ka dhaca waxa ay qabtaa in la dilo oo aan xabsi uu muddo kaddib kasoo baxayo la gelin qofka geysta dil kas ah kufsi iyo kuwa la meelka ah. Qodob.
Mar sii kale waxa ay muuqaalka ku sheegeysaa in ay kali ahaanteedu ay cayaartay door wal oo ay gabadhii yarayd xorriyaddeedii ku hanan kartay. In ay tuuladii kiisku ka dhacay ay booqatay, Aabbaha dhalay wiilkii dhintay na ay la fadhiisatay bal si aanu odaygaa laba qasaaro u kulansan, oo mar haddii wiilkii tegay aanu gabadha xabsiga ku dilin. In ay tabarrucaad iyo mag aruurin ayadu saaxiibbadeed la kaashatay ay samaysay ayey kaga hadashay. Waa na halkaa ay kasoo gelineyso doodda magta. Intaasoo mowduuc; MAGTA uun bey dadkii ku xajiimoodeen, saa waa midka aaaney oggoleyn in laga taabtee.
Ma saxbaa in waxa ay bulshooyinku lama taabtaan u bixiyaan ay xaqiiqo geed-ka-go’an ah ay tahay? Marar badan maya e waa dhoodhoob mudan in la ceebeeyo. Aan u imaado teyda e; aniga iyo dumarkaba magteennu 50 maaaha!.
Sababta u weyn ee ay aaminaadda MAGTU u jirto waa in odayadu isku raaceen, isku raaciddoodana ijmaacii iyaga ka horreeyay ay u daba feyleen, halkaa markey joogto maangalnimada e; ijmaacaas dumar maku jiray. Waa maya.
Mas’alooyinka khilaafka fahan dhaliya ee naska iyo tixraaxa diineed ba looga waayo hadal qayaxan, sheekh walbaa waxa bulshadiisu ay qabto ayuu ku tasxiixin jiray oo dhaqanka uu yaqaan ayuun buu waafajin jiray. Marar badan naska laftiisa ayey dhaqanka iyo inta raacdaa ba marinhabaabiyaan oo ay hadba aayad daliishadaan. Saa haddii culimada loo daba fadhiyo ijmaacaas uu dhaqankoodu ragga iyo dumarka kala faddily jiray, tanina faddilaaddaas ayey ka qeyb tahay e sabab kale uma jirto.
Labo aan is lahayn is barbardhiggoodu sax maaha; ma’salada MAGTA iyo SINNAANTA Rag iyo Dumar. Tan sinnaanta rag iyo dumar ka hadli maayo oo si qayaxan ayey diintu doorar ugu kala yeeshay, saa dooddayda waxba ha ku dabbaqin aragti minguuris ah iyo in aan u xaglinayo Sinnaanta Dumar iyo Rag sida ay dunidu maanta u dhabjiso e si miyirqabta oo qofnimo ah u akhri. Markale; waa kala labo mas’alada DHAXALKA iyo MAGTU. Tan ay ku halqabsadaan e (لذكر مثل حظ ألانثيثن ) – daliil MAG quseeya maaha e waa dhaxal, farqiguna waa kaa, qiyaaskaa na diintu si waadax ah ayey dumarkii uga qancisay in aaney kala faddilid ahayn.
Ilaahey baa 50 iyo 100 ku fiirin lahaa oo sidaa ukala qeybin lahaa, saa Ilaahey ma yeelin. Ayaa yeelay hadda; dhaqankii iyo dhoodhoobkii ayaa yeelay! Naska diineed kasoo heli maysid meel lagu yiri magta dumarkaa 50 ah tan ragguna waa 100! Xaggey ka timid marka? Mar e Soomaalida iyo qeyb Carabaha ka mid ah oo dabbaqa dhaqankaa waa uun iska caashaqeen tirooyinka 100 & tiro 50, iyaga oo faddilid ka wada maadaama oo aanu ruuxa dumarka ah iyo kan ragga ahi agtooda isku mudnaan ahayn e sabab kale uma jirto.
Dhoodhobkan nusqaantiisa e bal u fiirso fahanka; haddii naagi ay nin disho iyo haddii nin uu naag dilo – laba mar oo hiillo ah ninkaa helay. Mar e nin- naag loo dili maayo. Markalee waxa ceeb la huwinyaaa ninkii maadaama ay naagi dishay, oo ka dhigan yacnii sidee adoo nin ah naagi kuu dishay. Markale e maangalnimada ku fiiri marmarsiyadooda ah in magta ninku ay u badantahay sabab ah in ninka mas’uuliyad saarreyd oo magtaa lagu buuxin doono doorkuu ka baxay! Doorkaa haka dhigin in uu xaas lahaa oo ubad lahaa iyo howlo kale e kusoo koob in uu soddon jir doob ah ahaa, kaddibna barbardhig naag/gabar da’aaddaas la ah. Cajiib bay u muuqataa dabcan, oo waxaa imaaneysa maaney jiri karin qof dumar ah oo ka mas’uuliyad badneyd isaga da’aaddiisana ahayd dil na mudatay! Dhoodhobka bulsheed laxdadaa ayuu qabaa in soddon jirkaa 100 geel ah loogu aaro gabadhana uu 50 u gooyay.
Naftii naf dishaa, nafta la dilay ama wax dishay dheddig ama lab ha noqotee waxa hortaalla qeexiddii Alle ee ahayd ( مَنْ قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاس د جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا ..)
Kala duwidda rag iyo dumar waxaa ka horreeya sinnaantooda qofnimo, laba qof, laba ruux. Markaad nin disho jiritaankiisii ayaad tirtay, si la mid ah marka naag la dilo jiritaankeedii ayaad dhammaysay. Saa isku si ayey tahay in loo xukumo.
Linkiga muuqaalku waa kan; https://www.facebook.com/share/r/1AqvfEuiUN/?mibextid=D5vuiz