Maxaan u seexannaa, goortee ayaan se seexannaa?

Raadso qofaf aad diirrimaad iyo dareen negaasho ka heleyso, dabbaq talooyinka dhakhtarkaaga oo naftaada, caqligaaga, cimrigaaga iyo caafimaadkaaga ceymi.

In kasta oo laga yaabo in aynaan inta badan ka fikirin sababta aan u seexano, badideennu waxa aan qirsannahay in hurdada aan ka helno fiicnaan. Waxa aan ku dareennaa reynreyn, firfircooni, farxad, iyo karaan wanaagsan oo aan kula falgali karno hareeraheenna iyo howlaheenna maalmeed. Qaamuus kastaba qeexitaan ka duwan u soo heli mayno in hurdadu na dareensiiso xasilnaan, si kastaba ha ahaatee, haddii hurdadu sidaa tahay caksigeeda hurdo la’aanta ahi waxa ay kusoo aruuraysaa in ay tahay wax naga hortaagan reynreyntaa maskaxeed, waana halka ay ka billaabaneyso in aan xal u raadinno isna weydiinno; maxaa nagu keena, maxay naga bi’isaa bedqab ahaan mid duleed iyo mid dhimireed, ku dar e mid bulsheed, maxaan ku xalinna side ayaan se u dabaqnaa.

Intaba aan isku dayo in aan jawaabo u keeno aniga oo cuskanaya daliillo cilmi ah. Aan se isla fahanno in erayada ugu badan ee aan adeeegsan doono ay noqon doonaan; dhafar iyo hurdo la’aan/yari aana ka la jeedo insomnia iyo sleeplessness – marar erayada si isku mid ah ayaa ingiriisiga la isugu adeegsadaa waxaa se kala duwa in midna yahay in marar hurdadii ka guurto qofkii oo ay ku adkaato in uu hurdo (sleeplessness), ciladdaas oo marka ay soo noqnoqoto noqoneysa cillad maskaxeed qofkii ka xannibaysa in uu hurdaba (insomnia). Aan sheego labada nooc ee ay hurdo la’aantu noqoto oo sii fududeynaya fahamka labadaa eray; Acute insomnia oo noqoneysa in qofkii uu habeennada qaar isbuuc ilaa bil iska waayo hurdadii ama ay ku adkaato in uu si fudud ku hurdo, Chronic insomnia oo iyaduna noqoneysa mid raagta oo ilaa sanado gaarta ayna adkaato soo kabashadeedu.

Maxaan u seexannaa? Aan uga jawaabo su’aal kale e maxaan wax u cunnaa? Waa laba is barbardhig oo aan ku fahmi karno muhiimadda mid kasta. Waxa aan wax u cunnaa si aan uga jawaabno gaajada, yacnii gaajadu waa waxa ina fara in aan jirka u raadinno cunto uu kaga bogsado baahida si uu si quman ula falgalo nolol maalmeedkiisa, ugana hortagto xanuunnada ay keeni karto carada gaajadu. Cunista iyo hurdadu ahmiyaddoodu sidaas ayey isula egtahay, waayo cunnis la’aanto waxay soo saartaa dareenka gaajada, halka hurdo la’aantu ay ina dareensiiso hurdo la’aan. Haddii gaajada doorkeedu yahay amar siinta in jirku uu helo nafaqadii uu u baahnaa, hurdaduna waxa ay fududeysaa in jirka iyo maskaxduba helaan nasiinadii ay u baahnaayeen. Weli ma cadda. Aan soo qaato laba aragti oo ay cilmibaarayaashu xarriiqeen.

Dhaqdhaqaaq La’aan, aragtidani waxa ay soo jeedinaysa in meesha ugu yar e dhaqdhaqaaq la’aanta habeenkii ay tahay hannaan jirka ka caawinaya in uu nasto oo uu xasilo, in noolaha isku taxallujiya in ay aamusaan muddada habeenkii oo aaney wax dhaqaaq ah samayn ay ka faa’iido badan yihiin noolaha kale ee aan dabaqin hanaankan, waayo ma dhacdo in ay shilal galaan ama ay ugaar kale u gacan galaan. Isla hannaankaas waa waxa aan annagu u naqaan hurdada oo ka dhigan in hurdadu ay waxyeellooyin kale deyr nooga tahay!  

Aragtida labaad; Ilaalinta Tamarta, waxa ugu wayn ee dunidu manta tartanka ugu jirto waa ka faa’iidaysiga waxtarka ilaha tamarta. Si bay tii hore uga ag dhowdahay se haddana, waxa ay soo jeedinaysa in shaqada aasaasiga ah ee hurdadu ay tahay in la yareeyo istimcaalka tamarta shakhsiga ah waqtiyada hebeenkii, maadaama oo karaanka qofeed uu yahay tamarta ugu weyn ee ee hagi karta hirdannada jira. Cilmi baarisyo ayaa muujinaya in dheef-shiid kiimikeedka tamarta uu si weyn hoos ugu dhaco xilliga hurdada ilaa 10 boqolkiiba aadanaha iyo xitaa in ka badan noolaha kale. Tusaale ahaan, heerkulka jirka iyo baahida kalooriga labaduba hoos ayey u dhacaan xilliga hurdada. Saa ujeedka hurdadu waa in jirka tamartiisa loo keydiyo si loogu dib dhigo xaalado kale oo ay qasab noqeyso in la istimcaalo. Aan uga baxo halkaa muhiimadda hurdada iyo ka jawaabistii; maxaan u seexannaa?

Saamayntiisu intee la egtahay waa dhafarka e?

Ku baraarugidda iyo wax ka qabashada arrimahan waa maalgelin guud oo uu qofkii noloshiisa ku kaabay. Haddaba saameyntiisu intee la egtahay – aan uga jawaabo in dhab ahaan saameyn ballaaran oo dhinacyo kala duwan ay geysan karaan dhafarka iyo hurdo yaridu. Caafimaad ahaan e, hurdo la’aantu waxay daciifin kartaa habka difaaca jirka, taas oo ka dhigaysa qofkii mid u nugul cudurrada. Kordhinta xannuunada uu qofku la noolyahy sida cayilka, sonkorowga, cudurada wadnaha, iyo dhiig-karka. Markale e hurdo la’aanta joogtada ah waxa ay keensataa khataro caafimaad oo mustaqbalka fog ah iyo xanuunno dabadheeraada.

Dhimir ahaan; hurdo la’aantu waxay gacan ka geysataa khalkhallada maskaxeed ee niyad jabka iyo walaaca. Waxa ay horseedi kartaa dhibaatooyin xagga feejignaanta, xusuusta, xifdinta, fahamka iyo garashada ah. Waxa ay kaga sii dari kartaa heerarka walbahaarka waxayna yareyn kartaa awoodda in qofkii la qabsado caqabadaha maalinlaha ah, taas oo wax u dhimi karta falcelinta, la falgalka howlaha, iska warqabka qofeed iyo go’aan qaadashada.

La macaamilka bulshada; hurdo la’aantu waxa ay horseedi kartaa xanaaq joogto ah, nugeyl iyo laballabayn macno beel ah, murugo iyo kacsanaan shucuureed, kuwaa oo saameeya la falgalka dadyowga kugu hareereysan. Maaddaama oo ay tamartii jirka nusqaamesyo haddii aanu qofkii seexan wax a caqabad ku noqon kara isdhexgalka bulshada iyo ka qaybgalka hawlaha. Markale e waxa ay keentaa in uu yaraado karaankii iyo wax-soo-ssaarkii qofka iyo si guud ka samatabbaxa hirdanka maalmeed.

Maxaa keena hurdo  la’aanta iyo dhafarkaba?

Xaalado badan ayaa keena inta la arko, se haddana dhafarka laftiisaa sababta koowaad ee dhafarka keenta ah. Sidee? La qabsiga iyo ku qasbidda jirka iyada oo howlo kale lagu mashquulinayo ayada oo aaney jirin cillad kale ayaa saameynta koowaad noqon karta, aan se tilmaamo sababo hor leh oo dhaliya ciladdan ayna ugu horreeyaan kuwo duleed, kuwo dhimireed iyo kuwo bulshaba.

Kuwa duleed waxa keeni kara xanuunno uu qofku la noolyahay sida xanuunnada neefta, xanuunnada gaascalooleedka/laabjeexa, ama xanuunada neerfaha oo carqaladeeya hurdada. Isbeddellada iyo Isku dheellitir la’aanta hoormoonnada sida kuwa la xiriira cilladaha tayroodhka ama xilliyada caadada oo ay dumarku la gaar yihiin, billoowga hore in aaney hurdaba soo dhicin, qofkii oo si dhib yar ku toosa ama inyar kaddib ay hurdadii ka tagto, haddii daal jireed oo darani jiro sidoo kale ayuu isaguna sababaa hurdo la’aantii.

Daawooyinka qaarkood sida kuwa loo qaato walaaca iyo qulubka ama xannuunnada dhimireed ee kale ayaguna waxa ay isbaaro u dhigtaan waddadii uu qofku ku hurdi lahaa.

Istimcaalka aaladaha teknooloji iyo daroogooyinka firfircooni ka helka loo cabbo sida kafeega, alkohoolka, markale e jimicsi la’aanta iyo cunno xumidu waxa ay iyaguna raajiyaan hurdada.

Sababaha dhimireed ee dareennada kiciya sida werwerka xad dhaafka ah, walaaca, qulubka, baqashada, xamaasadda waa qodob iyaguna. Dareennada murugo si la mid ah kuwa farxadeed, quusta iyo in qofkii ay ku taagantahay xaalad cakirnaan dareeneed ah waxa ay adkeeyaan in qofkii lado oo uu nasto. Gocashooyinka, xasuusashada arrimo naxdin lahaa oo qofka maskaxdiisu ay duubtay oo dib ugu soo calwiya waxay u horseedi karaan in qofkii qarow iyo riyooyin cabsiyeed ay hurdadii ka salaliyaan. Xanuunnada dhimireed ee tooska sida in qofka maskaxdiisii aaney sidii caadiga ahayd u shaqeyneyn waxa ay saamayn karaan tayada hurdada.

Sababaha Bulsheed ama degaameed; in aanu qofkii u madax bannaaneyn in uu goobtiisa hurdo diyaarsado taas oo ku qasbaysa qofkii in uu soo jeedo, mar kale e in jadwalladii hurdo aaney joogto ahayn oo qofku marar kala duwan uun iska seexdo sidaasna ay maskaxdii la qabsan weydo saacadda hurdada, in xilliyada habeenkii uu qofkii shaqo gelayo sidaasna uu habeenkiisii maalin ku noqonayo, ama walbahaar shaqadii la xiriira waxa ay carqaladayn karaan wareegga hurdada ee dabiiciga ah.

Xiriirrada iyo la macaamilka dadka laftiisa ayaa hurdadii carqalad ku ah, sidee? Arrimaha qoyska oo haddii walaac ka jiro xaafaddii waa ay adkaataa in qofkii uu iska indhatiro, xiriirrada iyo haasaawuhu iyana waa door kale, maadaama xilliga danbe ee habeenkii loo arko in ay yihiin xilliyada ugu wacan ee dareen hadalka waxa ay qasbeysaa in waqtiyadaa la isla gaaro, markale e haddii labada ruux ay laba degaan oo kala jawi duwan ku noolyihiin waxaa qasab noqota in la isla sugo xilli wadar ogol ah, inta bandanna habeenkii ayuu noqdaa. Qodob!

Sidee ula tacaalnaa, xal se maloo heli karaa?

Bishaareyso waa cillad xal u heliddeedu fuddahay, oo kaliya in meesha laga saaro waxyaabihii keensanayay ayuu xalku ku jiraa. In dawo loo qaato si loo hurdoodo waxa la isku sasabi karaa in ay si ku meel gaar ah u yareeyaan hurdo la’aanta, se marar badan ma haboona oo lafteedaa cillado kale sii horseeda oo  feejignaan iyo khalkhal hor leh geliya makaxdii. Saa ma habboona in dawooyin la qaato. Taa beddelkeeda, waxaa jira dhowr hab-nololeed iyo isbeddel dabeecadeed oo aad samayn karto dib na ugu soo celin karto jadwalkaaga hurdada.

Deji oo xasili maskaxdaada habeenkii. Ka fogow shaashadaha, shaqada, iyo wada sheekaysiga walaaca leh saacada ka hor wakhtiga jiifka. Wax wal oo ku carqaladeyn kara sida walaaca iyo diiqadda ka fogow, samayso shanqar ama muusig maskaxdaada xasiliya, samee jimicsi fudud, ugu danbeyntana qubeyso oo murqahaaga u diyaari nasasho.

Isku day in aanad xilliyada hurdada ku jadwaleyn arrimo shaqo, saacadaha shaqada iyo hurdaduna hakuu kala soocnaadeen. Dood ma noqoto in qofku saacadiii uu doono gam’i karo bal waxaa qasab ah in saacado inta ugu yar e shan ama afar saacadood uu qofku habeenkii ka seexdo, hadde waa meesha ugu yar, oo culimada qaar ayaa qaba in ugu yaraan qofku uu lix ama toddoba saac oo uu seexdo ay hurdo ugu filantahay.

Quruxso oo diyaarso degaankaaga hurdo, sida aad u jeceshahay u dhigo sariirtaada, go’ aad jeceshahay goglo oo huwo, barkin qabow oo jilicsan xulo, leyr iftiin yar leh xulo, udug iyo carf aad jeceshahay u yeelo qolkaaga. Qolkaagu yaanu isku mid ahaan xilliyada aad soo jeeddo iyo xilliyada hurdada. Tusaale in aad qolka leyrar kala duwan ku xirto maskaxdana ku tababbarto in ay ula qabsato in midi yahay kii soo jeedka midna yahay kii hurdada waxa ay aad u caawineysaa in hurdadaadu ay soo degdegto waqtiga hurdadaaduna dheeraado.

Isku day in aad xilli hore cunteyso si ay maskaxda iyo jirkaba ugu fududaato in ay inta ad soo jeeddo dheefshiidi karaan cuntadiina mili karaan. Aad uga fogow inaad xilliyada habeenkii cabto cabitaannada kafiinta leh ee maskaxda feejignaanta geli kara.

Raadso cawinaad iyo talabixin khabiir, aan si kale u dhaho e raadso qofaf aad diirrimaad iyo dareen negaasho ka heleysid, dabbaq talooyinka dhakhtarkaaga oo naftaada, caqligaaga, cimrigaaga iyo caafimaadkaaga ceymi.

Gunaanad; marnaba hurdo la’aantu ma aha cillad la iska indha tiri karo ama la qabatimo, saa waxa habboon in qof walbaa uu difaac uga jiro sidii uu uga dabbaalan lahaa ugana xeeladeysan lahaa sabab walba oo ku keeni karta hurdo la’aan.

Tixraacyo:

https://www.helpguide.org/wellness/sleep/sleep-deprivation

https://jcsm.aasm.org/doi/full/10.5664/jcsm.26929

https://sleep.hms.harvard.edu/education-training/public-education/sleep-and-health-education-program/sleep-health-education-41

https://www.mirecc.va.gov/cih-visn2/Documents/Provider_Education_Handouts/Insomnia_Information_Sheet_for_BHPs_July_2016.pdf

https://www.summithealth.com/services/sleep-disorders-center/insomnia-and-sleeplessness

1 thought on “Maxaan u seexannaa, goortee ayaan se seexannaa?”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights