MAYA-DU WAA DHEYMO!

Daneysteyaashu waa ay soo badanayaan, waayo waxaa jira kuwa aanan ‘Maya’ oran Karin. ~ Sanhita Baruah

Haa, waxa ay noqotay jawaabcelinta ugu badan ee dalabaadka looga jawaabo. Waxa ay inoogu jirtaa diiwaanka anshax wanaagga iyo edeb fiicnaanta, waxa ay inooga dhigantahay haddii aanad Haa dhihin, in aanad dhowrin anshaxii! Wax caadi ah ayey noqotay filashada kuwa kale marba haddii aqbalaadda kuwa daciifka ahi tahay kaliya ‘HAA’.

Barbaaarinteennii iyo xilligii korriinshaha waxa nalagu soo ababiyay in aynan hadal kusoo celin dadka innaga waaweyn nooc walba ay ahaadaan iyo si walba oo ay inoo la dhaqmaan, waxa naloogu sheegayay in ay edebdarro iyo ixtiraam la’aan tahay diidmadu, hoggaansankuna baarinnimo yahay. sidaa darteed sinna uma aynaan adeegsan karin erayga ‘Maya’. Waxa aynu ka dhaxalnay hayinraacnimo iyo hoggaansanaan aan caqliyeysnayn, waana sababta ay badi u dhacdo in aan fikradaheenna ka tanaasulno cid kale awadeed.

Dabcan, hoggaansanaantu waa sifo fiican, dabacsanaanta iyo aqbalidda xeyndaabka shaqaduna waa sifooyin kale oo muhiim u ah waxsoosaarkaaga, mustaqbalkaaga shaqo iyo shakhsiyaddaadaba. Hase ahaatee, gunnimo qaadashada iyo madax hoos geyntu waa ku sheegnaaan aan la mahadin, miraha cidwalba oo sidaa samaysayna ay ka dheeftay liidnimo iyo in la hoosaasiyay. Diidmadu marwalba ma aha tabnaan! Dhanka kale, qallafsanaanta iyo wax isla rabidda shaqsiyadeed Iyana waa sifooyin kale oo aan wanaagsaneyn, hase ahaatee miyey ka dhigantahay qallafsanaan marka aynu MAYA leennahay?

Qormada ayaan uga hadli doonaa saameynta qotada dheer ee habdhaqanka addeecsanaanta iyo hoggaansanku ku yeelanayo nolosheenna, iyo sida uu u dhaawacayo qiyamkeenna qofeed ilaa midkeenna bulsho. 

U jajabnaanta dadka iyo addeecsanaantooda innaga oo ka fogaaneyna in ay na deyriyaan ama ay na colaadiyaan, ama ku dhiirran waagu waxa ay shakhsiyaddeenna u keentaa ‘is-waa’ iyo sumad la’aan qofeed. ‘Qaabilaadda kuwa kale waa muhiim in aaaney ka dhigneyn deyrinta naftaada’ ~Paulo Coelho

Tanaasulku waa uu togan yahay badina si caqliyeysan ayuu inooga fulaa, se addeecsanaantu waa ay ka duwantahay, si daran ayey fayoobideenna u waxyeeshaa, waxa ayna nagu keentaa gubasho nafeed, diiqad maskaxeed, mid dareen ugu danbeynna saameyn duleed!

Marka aynu noqonno dhaanraac, jawaabcelintuna ‘Haa iyo Haye’ u badnaanto, waxa aynu luminnay heybaddii qofnimo, waxa aannu dayacnay nafteennii. Waxa laga yaabaa in marmar addeecsanaantu aaney daacadnimo naga ahayn, se aan isu moogeysiinno in ay tahay wax aynaan ka hor imaan karin, annagoo asluub wanaag ka dhiganna in addeecsanaantu baarrinnimo tahay. Waxa aynu waqti iyo dedaal gelinnaa si naloogu tilmaamo baarri iyo qof dhega nugul, ama waxa aynu aqbalnaa wax tankeenna ka weyn si ka go’naasho iyo dhiirranaan naloogu magacbixiyo. 

Kuma dhiiranno in aan Maya ku warcelinno dalabaadka aynaan gudo ahaan awoodin ama aynaan ku qancin. Bal yaa ku dhiirran kara in uu yiraahdo ‘Maya Hooyo, Maya Aabbo, sidaa ka duwan ayey noqon kartaa! Maya ma samayn karo, Maya saaxiib kuma raaci karo! Maya mudane heshiiskeenna shaqo sidaa ma ahayn! Maya, Macallin sidaa aad u dhigeyso si ka duwan ayaan qabaa e ii tixgeli!’ Badi kuma dhiiranno, saa daraaddeed ayaanu aqbalnaa culeys aynaan xamili karin iyo go’aanno aynaan ku qanacsaneyn. Dhab ahaan se aqbalaaddaasi waa isdayacid nafeed! Naf dayacaasina waxa uu isu rogi karaa xanuunno dhimireed iyo xaalado nolosha qarriba. Cadaadiska iyo nafhurnimada ay maskaxdu aqbali karto waa kan caqliyeysan se caaddifad-keenku waa diiqad kuu danbeysa, xasuusashadeeduna hoog u tahay naftaada.

Is jacaylka uu qofi naftiisa caashaqo islaweyni ma aha, bal e isdaryeelka iyo qabku waa muhiimka nolosha macnaha u yeela. Sideedana ‘Maya u ma baahna sharraxaad kale, waa jawaacbcelin dhammeys ah’. ~Sharon E. Rainey. Maya-du diidmo ma aha! Haddii aad tiraahday kama dhigna diidmo e waxa aad ixtiraamtay baahiyihii naftaada.

Inkastoo anaaniyad loo arko qabyeelashada haddana, isjacaylku waa isu hanweynaan. Qabku, wuu ka duwanyahay kibirka. Islaweynida iyo isu-hanweynaantuna waa kala labo. In aan dhaanraacnimo lagugu garan ee aad leedahay qiyam, tallaabooyin aan laguu soo dhaafin,  iriddo aan lagaa horgelin, mawduucyo aan laguu la iman, goobo aanad tegin, waxaa oo dhami waa qab yeelasho, qab ne ka duwan kibir. 

Yeelashada xeyndaabyo aaney cidi kuusoo gudbin waa isjacayl nafeed e ma laha macno kale. Xuduudo yeelo oo ixtiraam naftaada!

1 thought on “MAYA-DU WAA DHEYMO!”

  1. Well done, whoever wrote this couldn’t agree you more!.
    Please keep writing many essays about self development like this one.

    Many thanks.!

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights