Xalay reerku nabad ayuu ku wada seexday oo r’i na kamaxirran gasada, xanuun na cid kuma soo boodin, oo abkoow oo rag ugu tabar yaraawaa kaagacay; saa darted wax saaka reerku la walaacsanaado ma jiraan, ee toloowmaxaa odayadaan isku keenay waahiirkaan? Hinda oo debshidka joogta ayaa intaas is weydiineysa.
Reer hadduu miyi ku noolyahay amuu magaal joogaba, gabariwaa udub dhexaad oo reerkii aan gabari ugu hor toosin waa gablan iyo geeri kudhawaad. Hindo waa gabadha reer Aw-xuseen u toosta ee kala agaasinta yar iyoweynba, la’aanteed na reerku maba noolaadeen, si ey u noolaadaanna maba garankaraan. Labo Mar ayey se qasab tahay ayagoo raalli ah iney galbato ayaguna gelbiyaan; waa mar’e marka wadkeedii galo oo ey gurigedii u hoyaaddo. Marna waamar ey aroos iyo tahay inan la guursaday oo reer lagu ogaado. Labadaas goorba reerku waa ku raalli, sidey noqotaba ha u noolaadeen’e.
Waa miyi iyo magaal waxay ku kala beddelan yihiin’e; caadoiyo wax fiican ba looma arko gabar tilmaamihii naagnimo la soo baxday oo aanguri rageed joogin, ninna aan oori u ahayn; Hindo g’u eedii 15-aad sitimaankahor ayuu buuxsamay, ayaduse weli waa gabar yar oo guur iyo warkiisba meelkama soo qaaddo, sheeko iyo shukaansina rag lama yeelato. Se gayaankeed naagbuu u arkooday, mid walbana naagnimadeeda iyo agaasinkeeda ayuu damaaciyay. Waa dhaqan jiray e ninkii gabar gaclooda werwer kama qabin waayiddeeda oo haddey sheeko la fahmi weydo arinteedaodayaal iyo adeerro ayaa gooya geedna ku xira taladeeda.
Axmad, waa ina diiriye, waa dhalyo seddexaadka reekaas;diiriye { Axmad aabbihii} iyo Aw xuseen {Hindo aabbaheed} waa ina adeerro,xagga aabbo ka walaal ah oo waxaa kala dhalay labo wada dhalatay.Axmad, waa guur u joog iyo gacallo raadis, d’a na labo g’uayuu dheeryahay hindo. Wax uu habeen ba gabar u dhedeysi tago oo ay laqummanaan iyo qoor dheeraan weyso, arrin waxa uu ku gooyay bal inuu gabdhahareerka kusoo lug laabto oo uu bal middii u maro iyo marti soor wanaagsanaato uuka doorto.Talo kama wareerin e, durbaba waxa uu habeenkii xigay usoodhacay reer Aw xuseen; Hindoo reerka u weyn iyo bushaaro oo ayadu caruur ku xisaabsan ayuu ku ogaa reerka’e intuu boowdkii{jabadka/daashka}la warwareegaya yuu hubsaday in la wada hoyday oo aaney cidna soo jeedin. Hindo, cawadaas iyo cawooyin horaba ardaaga reerka kumahooyan, gabarna waa ku suntaneyd inaaney cidda dhex seexan marba haddey qaangaarto,oo Aw xuseen ayaa buuxsankii g’u eedii wixi ka dambeeyayba amray iney debedda reerka ka seexato, rag dhedeysi doon ahi reer gurigii uma soo dhici karaan, bal inaanan asaga lagu tuhmin inuu gabadha guur u diidayo ayuu sidaas ku xeeriyay, ayaduna aqbal iyo ajiiibay aabbe ayey ku afxiratay.
Axmad, hubsaday intuu rabay e waxa uu lasoo wareegay gasadii ariga iyo dabshidkii reerka, dabadeedna isha ayuu la helay ina adeertii hinda oo meesha jiifta; intuu aayar ku soo dhaqaaqay ayuu hadal ugu horreysiiyay ‘Hindaay toos waa hebel aadan garaney ne’. iyana intey is deday oo dharkeedii haahaabatay ayey ugu hal celisay ‘ Heblooy waa adiga leh e horta ma Itaqaannaa?. Asaga ujeedkiisu in uu hurdo ka toosiyo ayey ahayde, waydiin kale ayeyba hor dhigtay oo hindo in ay naag adag tahay ayuu guntaday. Intuu aayar kadalloobsaday ushii uu watay na cuskaday ayuu si dabacsan u yiri ‘ haa oo ina adeerteey ayaad tahay’, markuu isku sii sheegayna wey aqoonsatay oo markale hadal ku tuurtayayadoo leh ‘ ina adeeroow ma adaa haddana hurdo ii diiddan maantoo dhan ayaan howlanaay e’. ‘waaba sheeko kale ma naagta bannaanka iyo beylahda saacaddaan jiifta ayaa hurdo rajo kaleh’ ayuu si hoose isku yiri, si la wada maqlayna waxa uu ku yiri ‘ gacalladey iney caawa ii toostay waa ifafaallo wanaagsan in ey habeenno ii dhaxdo’. Hadal iyo haruuf ay ku suntaneyd ba uma kala reebine, waxa uu kaga tegay asagoon warna ka helin waqtina ka dhumay.
Waahiirka hore Aw xuseen waa caadadiis inuu bal raadka gabdhiisa xalay usoo galay raac-raaco e, intuu g;o shaalkiisii huwaday ayuu bariidin ku billaabay hinda oo markaas dhiilihii ey cugatay feyseyneysa, warba iskamasii koobin e mid walba dantiisii ayuu raacday. Raad iskuma darsamo oo nin walba kabta uu illado waa la yaqaan, in jambal cusub soo galay arrada iyo in kale waa lakala ogaan karaa. Aw xuseen na raadkii ina diiriye waa aqoonsaday, oo ogaaday in uu reerka soo damaaciyay wiil uu adeer u yahay, hadduu gabadhiisa ku guntana eed kale ma qabo oo cid kaga habboon in aaney u diyaarsaneyn ayuu qirsanyahay. Hinda oo inta riyihii soo maashay waxarihiina u deysay kasoo guryo noqotay ayuu illinka debshidka ugu yimid, ‘ aabbo bal koob bigeys ah ii soo shub’ ayuu war ugu billaabay, iyana intey koob fiijaan ah oo u dhawaa dhakab siisay ayey tiri ‘hoo aabbo oo is kaagici’.Ayagoon war kale is dhaafsan ayaa waxaa meel loo wada jeedo kasoo muuqday Axmad walaashii oo walaalkeed inta war ku taabtay wax ka og wixii xalay hindo falkisay, Haddey soo dhawaatay ayey caruurtii oo Bushaaro u horreyso u haanyoodeen , Iyana inta kor u bootisay ayey soo xambaartay mid yaraa.
Waa naag ka warheysa xaalkee markeey reerkii bariidisay ayey adeerkeed ku tiri ‘Adeer maanta reerku waa dhaan ee maxaad haammo heysataan hala idin biyo keenee’. Aw xuseen na inta Hindo dhankeedii milicsaday weydiiyay ‘reerka ma biyo la’aan baa heysa?, haddii haammo maran yihiin Ratiga ku sii rar’ markuu intaas hinda ku yiri, ayuu haddana Xaawo ( Axmad walaashii) usoo jeestay oo weydiiyay, cidda ayada fariinta soo fartay iyo cidda reerka u dhaamineysa. Ayadiina waxba ma laab-laabin e ‘Adeer Axmad ayaa isoo faray, isaga ayaana dhaaminaya ‘ ayey ugu hal celisay, isna waayahay ayuu ugu afxiray. Hinda, inta ratigii ay rartay garka qabatay ayey u hoggaamisay dhankii tubta dhaanka, bal in Axmad yimmaado oo uu kala wareego awrkaan, asna sooma daahin e markiiba Awrkiisii ayaa soo kooriyay, dambeetana inta la isi salaamay ayaa illeen abaal la iskuma ergane lagu kala yabaalay goobtii.
Axmad inuu dhaan iyo dhibkiis maro ma rabin e ujeedduu ka lahaa iyo inuu Aw xuseen dareensiiyo ragannimadiisa. Aw xuseen na inta Axmad la dhacay howl karnimadiisa ayuu niyadda ku adkeeystay inuusan Axmad reer kale gabar ka doonan oo uu isagu Gabadhiisa u dhiso. Aw xuseen, barqannimadii maalinkaas ba waxa uu u hergelay waabtii reer Diiriye Xasan oo uu maalinkii oo dhan la joogay, dantiisuna waxa ay ahayd in uu oday Diiriye u sheego in Axmad xalay Hindo la haasaabay, sheekana billoow u tahay. Ayse la qummanaatay isaga inaan ba carruurta la isla sugin e haddeertaba loo dhammeeyo reerna loo yagleelo. Diiriye asagu waxba kalama socdo waxa uu Aw xuseen sheegayo, laakiin waa qirsan yahay inaan Hinda laga naagsaneyn oo ay naag ku bannaantahay, igaarkiisa Axmed na uu naag doon ahaa ayaamaha. Haye iyo howraarsan ayey ku galabeysteenkuna kala carraabeen.
Goor fiidkii hore ah ayuu dhaankii Axmad weday soo kooriyay, markii rarkii la furay, ayuu Aw xuseen ku yiri Hindo ‘maandhaay wiilka wax wal ukeen, hasii cunee, anna ratiga ayaan reerkaas kale usii geynayaa e’. Odaygu ujeeddo ayuu ka lahaa joogitaanka Axmad oo wuxuu rabay bal iney sheeko uun wadaagaan. War se ma hayo e labduba waa labo kala kibir yo Santaag badan, hase ahaatee Axmed waa ka run inuu hindo la haasaawo oo uu Oori iyo Afo isaga meelu joogta ka dhigto. Ayada se waa ka Geeddi aan soo fulin iney Axmad naag u noqoto, ka daran e ayadu guur iyo la mid ba Dheg iyo Dhug u ma heyso oo waa ka caado iney wiil walba oo cawo u yimmaada hariif iyo waji xuux ah ku qaabisho. Ayada oo aan warsan la kala heysan ayaa lakala hoyday cawadaas oo ina Diiriye gurigiisii u habeen socdaalay, Hindana markii ay reerkii kala seexisayayey dhabbasheedii day-dayatay dugaal keedii yaraana u hoyatay.
Talo odayeed kuuma taliso waa tu hore loo yiri e, balaayo intiila qasi karay xalay ayey Labadi oday iyo igaarkoodii Axmad ahaa dhabjiyeen ayaga waa u hees iyo howl fiican, Hindase waa u hoog iyo hadal xun oo u soo yeeray. Subaxaan waxaa dabshidka wada Fadhiya Abkoow ( Aw xuseen aabbihii), Diiriye iyo Aw xuseen, Hindo waa ay aragtaa iney wax maaggan yihiin, ka war dhowr ayey se is tiri oo Af uma kala furin, inta howsheedii soo dhammeysatay ayey Seddex fiijaan iyo jalmad qaaceyso soo ag qotomisay, dhiil ay caano ku soo listay na usoo raacisay. Markii ey jalleecday dhankii ay is lahayd u bax, ayuu Aaabbaheed u yeeray kuna yiri ‘maandhaay kaalay soo fariiso, adaa laguu wada fadhiyaa e’ inteysoo jeesatay ayey Tiri ‘waa i kan ee maxaa la sheegay’, warba lagama daahin e warkii nuxurkiisii ayuu Abkoowgeed u meershay, iyana markii ay maqashay jawaab ma bixin e, inta qosol gariirtay ayey kabaheedii illatay oo iridka sii dhaaftay, wey arkayeen iney Wajiga tirtiraneyso, illin faraxi yo murugo waxay tahay se uma kala soocneyn. Odayadu degdegi ogaa, maxay bal ugu kaadi waayeen intey ayagu iska fahmayaan, fiicnaan lahaydaa in aaney subaxdaas warkaas lasoo gogol fariisan. Hinda waa u hoog iyo maxaa hooyadaa loo aroosay, Aw xuseen muxuu abbahaa u noqday, iyo yaa adiga Dhulka kugu qariya. Guur aaa! Haddana Axmad oo ina adeerkeey ah! Yaaa!Wallee ima naageysto midkaas timaha coofkaa leh ee hurrega ah, muu naago kale raadsado waa buuxaane, maxaa ikaa tusay il ii dhiibo e!. Sidaas ayey ku cataabaysay intey ariga la joogtay maalinkaas oo dhan.
Galab gaabkii ayey Mar kale odayadii isku soo noqdeen, arrinkalena la yimaadeen oo in maantaas waa axad e in Khamiista guri Axmad oday ka yahay Hindana habar ka tahay la yagleelo soo jeediyeen.Waa jilib weynti reerka oo cid kale ka talo gelin maayaan e howraarsan ayaa lagu yiri ayadoo Hindo laga wakiil yahay; ayadiina war lagama weydiin ba. Axad,isniin, talaado, Arbaco, khamiis Hindo waa aroos iyo oori nimmeed. Maantii haddii la gaaray, madashiina la isugu yimid Hinda waala mehriyay marqaati iyo marag na laga wada noqday qoyskaas dhismay..
Gunaanad; Hindo, ma guursan e waa loo guuriyay, gayaankeedna ma day-dayan ee mid ay coofle u aragtay ayaa loo guri geeyay. Sidaas ayuuna ahaa dhaqankii hore ee soomaaliyeed, gabadhii soo hana qaaddaba guur iyo guri in loo diyaariyo ayaa la isla ogaa, ceeb waxaa loo arkay in gabar weynaatay gurigii waalidkeed dhex joogto. Reerkii ey u joogtana waa uu ka tilmaamnaa reeraha kale oo reer gabdho diid ayuu ahaa. Caado wanaagsan ayey u yaqaanneen, se dhab ahaan waxa uu ahaa dhaqan aan sinna raalli ahaanshaha iyo xoriyadda qofeed taageerin, maantadan ay Soomaalidu magaalowday wali waa uu ka jiraa geyiga Soomaalidu degtu miyi iyo magaalaba.