Aaheyo, faraq weyn ayaa u dhexeeya Riyada iyo Xaqiiqada. Bad weyn aragtiyo iyo doonisyo ah, qof walibana ay mas’uuliyaddiisa tahay in uu noqdo jilaaga koowaad iyo xiddiga filimkiisa, qoraaga sheekadiisa, iyo injineerka riyadiisa. Se hubaashu tahay in masraxa cayaartu aanu u agaasinneyn si siman. Masraxyo aan lahayn agab ku filan si ay u weriyaan sheekada qof walba. Masrax ay makrafoonnada iyo iftiimiyeyaashuba qarribanyihiin. Cidna aan loo hayn qirashada dambiyadaa se, aynu tuhunsannahay aamusnaanta hoggaamiyeyaasha iyo kuwa isu taagay samatabixinta.
Xeeryaqaannadu sow tey yiraahdeen, tuhmanuhu danbiila maaha! Aahey! Se kuwan waan ku hubnaa, midkood baa fiiladii jaray, midkood uun baa TV-ga damiyay. Miyaan se kaga gar heli karnaa! Maya, saa waa in aan sinemada uga baxnaa oo aan raadinnaa masraxyo kale oo laga yaabo in ay ka agabyo wanaagsanaadaan.
Waa run oo waxa aynu naallaa Geeska Bari ee Afrika, dal Soomaaliya loo yaqaanno. Dhul qani ah, se qaninnimadaasi ay noqotay sheeko carruureeed aan rumoobin. Sidoo da’aaddeennu ay naallooto, innagu waa aan riyoonnaa kaliya, waan mala’awaalnaa oo aan haddana waaqaca wajahnaa. Isdiidooyin badan dhexdood ayaan ka toosnaa aroor waliba. Nagama ay xishoon xaqiiqadu, waaqacuna nooma been sheegin, se nolol nooma ay samayn.
Idaacaduhu waxa ay noo soo tabiyeen sheekooyinka dhulal kale oo iftiimaya, nolol nabad ah, shaqooyin iyo fursado aan dhammaad lahaynna laga helo. Dhulal dedaalku uu miro dhalo, qiimaha qofnimana dhowranyahay. Sawirradaasi waa kuwa qalbiyadeenna rajada ku beeray. Xaqiiqadu se waxa ay ina tustay iftiinka rajadaa oo si tartiib ah usii daciifaya, joogisteenna iyo tagisteennuna aaney waxba is doorrin doonin. Qorrax sii dhacaysa oo aan soo baxeeda la hubin.
Quustu waa ay nala deris ahayd abid. Se, doonisteennu ma ay xaddidneyn, dedaalkeennuna ma yareyn. Sidaas ayaa ay sheekada filimkani ku billaabatay. Waxa aan ka hadlayo waa; Tahriibka. Aan dhaho; billoowga safar aan la hubin bar dhammadkiisa. Go’aan aan doorasho ahayn, oo ka dhashay rajadii dhimatay iyo mustaqbalkii mugdiyoobay, se loo arkay fal badbaado. Masiibada ku habsatay dhallinyaradeenna, e kordhisay tirada dhalinyarada naftooda halis gelinaya, rejadii yareyd e dalka lagu qabay na god ku amaageysa.
Saameynnada qofeed e ay dhallinyaradu la kulmaan inta ay safarkaa geeridhaanta ah ku jiraan, kuma koobna uun iyaga, se; naf waayidda ay dhallinyaro badani ku dhintaan saxaraha kulul ama badaha hirdamaya, waa xanuun qoysas badan ka ilmeysiisay, cataaw iyo quus kalena u horseeday. Irdhowga reereed e in qoysasku kala fogaadaan, waalidku ay ka war la’aadaan axwaasha caruurtooda, carruurtuna ay mutaan nolol hubanti la’aan ah.
Markale e, in dhallinyaradii ugu firfircoonayd ay dalka ka haajirayaan, ayna yaraaneyso cududdii waxsoosaar iyo rajo hormar laga qabay. Bulshadii oo waayeysa ciddii samatabixin lahayd. Mustaqbal Lumay; dheh. Hubanti la’aan iyo nolol aan sida loo mala’awaalay noqon doonin. Nolol aan la hubin in ay heli doonaan fursadihii ay raadinayeen. Se hadafku yahay uun kaliya doonista meel dhaanta, Soomaaliya, dalkii hooyo.
Bal u fiirso; heerka quusta ee dadkeennu gaaray. Gabar xaas ahayd, carruurna heysatay oo beryo xaafadda ka maqnayd. Markii dambe na saxaraha ka so hadashay, cunuggeedii oo 6 jir ah na wadatay. Xaqiiqo ay xitaa hooyooyinkii doorbideen in ay carruurtooda iyo naftooda halis geliyaan si ay u raadiyaan nolol ka wanaagsan tan ay ku jiraan haddeer.
Fursadaha shaqo ee yar iyo mustaqbal la’aanta ay dareemayaan dhalinyaro badan oo qalin jebisay. Hanjabka ku dhacay dhallintii, waa quus. Dagaallada sokeeye iyo rabshadaha weli ka jira qaybo badan oo dalka ah. Baqa noloshu waa mid sare. Heerarka cadaaladda ee hooseeya, gaboodfallada maalinllaha e duufsashada xuquuqdooda. Dayaca hoggaamineed, iyo siyaasad ku naaxayaasha maamulkii dalka isu taagay, se aan isbeddelna soo wadin. Iyaguna waa ba’ kale. Intuba waa ay u cudurdaarayaan in dhallintu doorbiddo safarkaa, se laabtu kuma xasileyso.
Farriintii Ayuub Sirad Maxamuud, Iyana waxa ay ahayd farriin akhrinteeda ilmadu qubatay, laabtuna galiilyootay. Qalbi jab io farriin si qoto dheer u taabatay dareenkeenna, si cadna u muujinaysay quusta iyo raja la’aanta ay dhallinyaradu wajahayaan. Siduu yiri “Waxa aan ku noolahay dhul aaney riyooyinku rumooinn. Dhul rajadu dhimatay culeysyada dagaallada, faqriga iyo dayaca awgii. Dhul aan maalin waliba ku soo tooso isla murugadii shalay; shaqo la’aan, nabad la’aan, cadaalad la’aan, fursad la’aan.”
Ayuub waxa uu u hadlay naftiisa, se waxa la dareen noqday dhiggiisii. Kuwo waaba ay ku raaceen go’aankiisii, qaarna waa ay ku daydeen. Waxa uu wajahay khatarta tahriibka, oo doorbiday in uu naftiisa halis geliyo si uu u helo fursad uu ku noolaado nolol sharaf leh, halkii uu ku sii nagaan lahaa dhul aan mustaqbalkiisa la saadaalin karin. Nolol dhaanta ta Soomaaliya.“Waxa aan ka tagayaa dalkan aniga oo raba, se rabitaankaasi nolol iima aha”. Nin waliba naftii ha nooleeyo e, I daa aan nolo doonto e! Waa weedh adag, oo aan meelna loo dhaafi karin.
Subax ka mid ah subaxyadeydii ayaan kusoo toosay farriin qoraal iiga timid lambar aanan aqoon. Wada xiiirkeennii kaddib, culayska hadalkiisu waxa uu noqday mid moodkeygii maalinkaa qarribay. Waxa uu iiga warramay in uu ku qasbanaaday in uu tahriibo, iyo xaaladihii adkaa ee qabsaday. Sababta uu iivu sheegayay xaaladdiisa oo dhan waxa ay ahayd in aan taageero iyo latalin siiyo. Dabcan, theerabbigu ma aha takhasusukeyga, se waa majaal aan jecelahay, marar na aan dabbaqo.
Farriintiisu waa ay dhaafsanayd wixii uu soo maray kaliya e, werwerkiisa ugu badani waxa uu daarranaa in aanu jiho u heyn nolohiisa haddeer oo uu negaaday dal fog. Farriintiisu waa ay igala weyneyd mid qofeed, saa waa xaalad si cad u muujinaysa baaxadda dhibaatada tahriibku ku yeelanayso maskaxda iyo qalbiyada dhallinyarada. Imisaa sidiisa oo kale mudatay dhibaatadaas ama mid ka daran!. Quus!
Wax ba uma samayn karin, aan ahayn dhegeysi iyo dejin. Isla anigaa quus dareemaya, waayoo waxa aanan ku sabarsiin karin in xaaladdu hagaagi doonto, xalna imaan doono—waa hubanti la’aan. Se daah ma saarna baahida loo qabo in la helo xalal degdeg ah oo wax looga qabto xaaladaha kallifaya in ay dhallinyaradu halistaa u bareeraan.
Eeeh, yaan u qeylinayaaba! Ma mas’uullada aan ba dareensanayn waajibaadka ka saaran samatabixinta qarankan iyo dhallinyartiisa hoogtay e adduunkiiba ka hartay!. Ma kuwa aan ba damqanin e waajibaadkoodaba dafira!. Ma kuwa ay qalbiyadoodu qallaleen, e aan dareesanayn mustaqbalka jiil dhan oo lumaya! Ma kuwa ku mashquulsan danahooda gaarka ah iyo guri dhisashada! Ma kuwa ku faanaya hoggaamintooda iyaga oo wax qabad ahaan usoo bandhigaya safarrada ay galeen!
Eeh, ma kuwaas baan la hadlayaa? Ma iyagaaba i maqli doona!! Baroortu orgiga ka weyn! Quustu ka weyn guuxa dagaallada, kana qoto dheer faqriga. Kuwiinnaasoow waxa ay hayad in aad waaqaca ka xishootaan, qajishaan oo yaxyaxdaan waxa aad dhallinyarada iyo dalka badeen awgeed.