WhatsApp Image 2025-02-02 at 09.42.18 (1)

Taxane Joogto ah: Dhaqanka Iyo Dhedignimada

“Ninnimadu, waa qafis yar, oo ciriiri daran ah. Waa in aynu jabinno qafiskaas, dibna u qaabeynno”.

Habeen soo ma galo, ilaa waa u hoog ayada. “Kaalay, oo keen” …. howli kama dhammaato. Dareen iyo damqasho midna maaha e waa amar, iyo lahaansho. Kama cabato, mana karto e, waa doorkeeda. Subixii ay dhalatay ayaa loo gooyay in ay hogato, hayinna ahaato. Maalinna ayaan iyo hoodo uma ay ahayn. Sidan hadda loo kahday imaanshaheeda madasha ayaa loo kahday maalinkii dhalashadeeda. Imaatankeedu waxa uu hoos u dhac ku noqday gogol fadhiisigooda. Waa kontolneey aan buug-gacmeedkooda iyo geel dhiciddooda waxba ka goyn. Way karhayaan oo ay eedeynayaan. Maxaad u dhalatay?… waa suaal aaney jawaab u heyn, haddane ah tan u badan e xisaabteeda xirxirtay. Dhalashadeedii dheddig baa ku eed leh.

Dhalatay e waxba ha filanin. Marna lama mid tihid wiilhoogta. Iyagu waa coldoon iyo coldhicis. Dhulka iyo dheefta na iyaga ayaa dhaxli doona. Waxba ha filan, gabaryahay. Jirkaagu yaanu xagatin yeelan, oo ninka aan ku siisan doonno u diyaari jir xanaf tiran. Naa heedhe gabaryahay; dhaasho ninkaaga dartii, beddel na ha filan. Dareen iyo damqasho midna maaha e waa amar, iyo lahaansho. Hogo oo hayin noqo. Cad geed saaran baad ahayd, haddase waa hubanti in xinjirtii la filayay ku heshay. Bislaatay e, masiirkaagu waa doorasho ama dil sharafeed. Doorashaduna laba uun mid; ama god, ama guri nimeed. In aad Iilkii hoyato, ama aad nin u dhaxdaa. Reer badiso oo aad curaddo wiilal ah soo biiriso. Ha gablamin ninkaaga oo gabdho uun ha dhalin. Naag ahaaw. Raalliyo noqo. Wiilashaada bar adadeygga, ama iskaba daa oo Aabbahood iyo Adeerradood ayey ka baran doonaan Qallafsanida e, gabdhaha, waa in aad bartaa in ay hayin iyo adeegto quman noqdaan. Hogo, oo nugloow, ogoow gabar baad tahay.

Ha hadlin, oo ha soo caban. Codkaagu waa cowro, garashadaaduna waa ay liidataa e, aamus oo naagnimada ha dhaafin. Nala ma hadli kartid, oo waxsheeg naguma lihid. Reer ma lihid oo nama meteli kartid e, dhaqasho yeelo. Carrabkaaga qafis bir ah ku jeebbee. Billowga fitnadu waa adiga e, ha soo banbixin. Haddii aad soo banbaxdo, ragga ha baradheeraan. Ninna ma rabo naag waxbaraty e, waxba ha baran. Waxbarasho naageed jikaa hursan e haba baran oo ninkaaga u khidmee. Door kale malihid e guurso. Ukumahaagu waa ay waqtiyeysan yihiin e, Guumeys ha noqon oo haka daahin guurka. Qiimi baad goydaa, saa waa in aynu adduun ku dhaafsannaa! Boqollowgeennu ma dhimanayo, saa waa in aan adiga kuu hadyeynaa. Oggolaansho? Amar waa fulin, gabaryahay. Ha sugin in kuwa suuqa kala iibsiga kaa hela ku dhowrtaan e, mar kale xaggooda waxa aad ka noqon dheddig, dhaliddeeda la eedi doono, tabihii barbaarkana laga koran doono in ay u khidmeyso e, hogo oo hayin noqo.

Bal qiyaas ubax bannanyaalkaas ka baxay! Dhedignimadu ma hoog baa? Nugeylkeeda dumarnimo e dabiiciga waxa lala mataaniyay nijaaso iyo daciiftinnimo. Qofnimadeeda, iyo quruxdeeda waxa lagu jaangooyay si u aragga dhaqan rageedka bulsho. Riyooyinkeedu waa sidoo ubax saxaro ka baxay, halgankeedu waa sidoo hal bacaad lagu lisay. Dedaal iyo door kasta oo ay hurto, magaceedu ma raago lama na tiriyo. Maba jirto! Qiimaheedu, waa diyo is dhaafsi iyo guur godobtir ah. Godob aaney ayadu geysan! Kartideedu hadba waa inta ninkeedu ku sheego iyo sida ay ugu khidmeyso,  wiilal badanna u dhasho. 

Haddii gabari beeniso mala’awaalkooda, waxa ay ku deyriyaan in ay dhaqan guurtay, awowgeed na khilaaftay. In ay ceebeysay qoyskeedii, sharafkii ina rageedkana wax u dhintay. Sharafkiin ba’a! Isla iyaga, haddii ay gabar difaacayaan, waxa ay dagaallamaan iyaga oo sharafkooda ilaashanaya beddelka soo dhicinta  xuquuqdeeda dadnimo. Haddii mid sakhraasani maago fiidka danbe, waa ayada tan khaldani! Maxaad xilligaa u socotay! Ninku waxbuu kugu arkay! Waad is qaawisay. Wuu ku edbinayay. Isagu waa nin! Waa bulsho kooda sakhraansani ka saxanyahay dumarnimada darteed. Haddii gabari u halganto xoreynta jiritaankeeda iyo qofnimadeeda, wuu siyaadaa guuxu, canaantuna korortaa, sidii oo ay ayadu tahay noole isla eg qaldan dunida ku yimid. Waa bulsho wixii xunba u tiirisa Xaawo iyo dhediggii ka farcamay.

Bal qiyaas cajalad sidaas ah. Bal qiyaas noolaha sidaas loo qoondeeyay noloshiisa. Bal dhugo, cadaabta ay mudanayso dhoodhoob bulsheedka awgii. Bal u fiirso hooseysiinta ay mudanayso gabar nolosheeda oo dhan qof kale loo hadyeeyay e qof lagu raalligeliyay. Iga guddoon gabar. Gabar baan ku siinayaa e wiilkeyga ha dilin. Aan gabdho is dhaafsanno si aan u heshiinno. Bal ka feker bulshada nabad iyo naalloosho ku doonaysa in ay gabdho is dhaafsadaan, gabdho aan xor ahayn! Bulshada horumar dooneysa, se dulmiyeysa qeyb iyada ka mid ah. Miyey horumar doonayaan ba? Bulsho sheekooyinkeeda, maahmaahyada ay ku celceliyaan, iyo suugaanteedaba ruuxa dumarka ah ku qeexda astaameynta jirkeeda oo kaliya. 

Bal u fiirso kala go’a weyn ee u dhexeeya rajada gabar iyo aragtida bulsheed ee gabarnimada. Waxa aan aragnaa; gabar dooneysa aqoonsi qofnimo, saaxad ay ku muujiso kartideeda, iyo xorriyad ay ku doorato mustaqbalkeeda. Dhanka kale, bulsho ku adkeysaneysa in aaney ka gudbin xuduudaha dhaqanka. Waxa aan aragnaa gabar ku nool laba adduun oo iska hor imaanaya. Adduun hammi iyo riyooyin ah, iyo adduun ay ka taliyaan caadooyin iyo dhoodhoob bulsho. Taxane aan dhammaad lahayn, xalqad kasta na jilaagu yahay kii shalay. Taxane aanu atooruhu dhiman! Dhan xorriyad dhaqaale iyo hoggaaminba, kasii daran. Codkeedu macno kuma fadhiyo, saa waa in ay raacdo talooyinka loo soo gooyay. Isla bulshadaas, hooyadu waa tan duruufta ku korisa carruur uu Aabbahood dayacay, odayadii na deyriyeen. Carruur ay tahay in ay ayadu u halganto sidii ay u quudin lahayd. Waxa aynu aragnaa qofaf iyo go’aanno aan matalin danaha haweenka, iyo siyaasado aan waxba ku toorreyn, haddana fursadihii maroogsanaya.

Sheekada gabar walba waa tixgelin. Waxa ay mudan tahay in la maqlo, loona midoobo sheegisteeda. Si walba oo loogu dayray aamusin, ceebeyn iyo tagrifalid, waa ma hurto in aynu tixgelinno baaqa isbedddelka iyo doonista gabar walba. In aynu jebinno caadooyinka qallafsan, dib na u qaabeynno. Macallimaddeydii Chimamanda Adichie, ayaan ku raacsanahay marka ay leedahay “Ninnimadu, waa qafis yar, oo ciriiri daran ah. Waa in aynu jabinno qafiskaas, dibna u qaabeynno”. Waxa aan ku darayaa, dumarnimaduna waa qafis kale, oo ka sii foolxun, ayna tahay in la jebiyo dibna loo muunadeeyo.

Dumarnimadu waa qafis foolxun, ayna tahay in la jebiyo dibna loo muunadeeyo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *